War Deg Deg Ah :Rasaas xoogan oo hada ka socota Deegaanka Tukaraq & Dagaal culus oo Ciidamada Puntland…….

Wararka imaanaya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in goor dhoweyd deegaankaasi ka bilaabmatay rasaastii ugu xooganayd ee dhex marta dhinacyada Somaliland iyo Puntland.

Ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa isku adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dhawaqa rasaasta iyo diryanka hubka cul culus laga maqlayaa qaybaha kala duwan ee magaalada Tukaraq.

Rasaastani ayaa la sheegay in ay bilaabeen ciidamada Puntland kuwaas oo maalmihii ugu dambeeyey ku siqayey deegaano hor leh isla markaasna dhuunta kaga jira haatan ciidamada Somaliland si ay usii xoojiyaan dagaalkooda ka dhanka ah Somaliland.

Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxaa ka taagan xaalad aad u culus, waxaana is rasaasayntani ayaa isku badali kartaa dagaal xoogan oo ka dhex qarxa labada dhinac kaas oo walaac xoogan ay ka muujinayaan dadka deegaanku.

Magaalada Tukaraq ee gobolka Sool ayaa 70 KM dhanka waqooyi kaga aadan magaalada Garoowe ee caasimada Puntland,

waxaana ay kamid ahayd goobaha ugu badan ee dowladda Puntland ay ka heli jirtay dhaqaalaha sababa la xidhiidha deegaankaas oo ah mid ku yaala meel dhex dhexaad ah amaba wado isku xidha deegaanada Puntland, Somaliland iyo Koonfurta dalka Soomaaliya.

Fikradaha Akhristayaasha (0)