Warqad Furan oo Ku socota Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud
Saved under QARAN ENGLISH NEWS/ Qormooyinka, Wararka
Warqad Furan oo ku socota Madaxweynaha Jomhuriyada Federalka ah, ee Somalia Mudane Xasan SHeekh Maxamuud.
Mudane Madax weyne, marka hore waxaan kugu hambalyanayaa guusha taariqiga ah ee aad ka gaartay tartankii xorta iyo xaqa ahaa ee ka dhacay Magaalada Muqdisho. Mudane madaxweyne waxaad kusoo baxday Albaab ay isha ku hayeen malayiin Somali ah oo u badan Hooyooyin, Caruur, Agoon, Qaxooti, maxaabiis, waayeel, iyo dhibinayaal kala duwan ee dhibaata siyaasadeed ee Somalia, Mudane madaxweyne waxaad guulaysatay xili Hamiga iyo rajada shacabku uu joogo meshii ugu sareeysay, waxaad guulaystay xili ay maskaxda shacabku ay leedahay dhaawac halis ah oo soo kabsanaya oo qalad yari u Daqnin karo dhawaca maskaxda/qalbiga Hooyooyinka iyo maatida kuna keeni karo quus iyo nuyad jab kama dambeeys ah, Mudane Madaxweyne waxaa kugu farxay dhamaan inta Isbadal doonka ah iyo inta jecel guusha Somalia. Mudane Madaxweyne waxaad qabatay Isteerinka Doon bada sabeynaysay mudo Kabadan 20 sano Kadib markii uu shidaalkii ka dhamaaday uuna naaqudi ka geeriyooday, mudane madaxweyne waxaa tahay Iftiinka kaliya ee uu sugayo ifkiisu qof kasta Somali Muwaadin ah meel kasta oo uu aduunka ka joog, mudane madaxweyne waxaan joogna markii aan dareemi laheyn areyada abowaanka ee yiri:
Ilka weynow maroodigu
Aradaduu mirtaabaa
Cadowguna ka ugaadhaa!
Aboorkuna dundumadaan
Aragnay buu dhistaayoo
Naftiisa ku ilaaliyaa!
Kala awdan labaduye
Edebtiyo aqoontiyo
Asluub bay isku dhaafeen!
Caqligii wanaagsani
Itaal inuu ka roon yahay
Bal eegoo u fiirsada!
Mudane madaxweyne waxaad ogaataa in filashu shacabku ay aad uga weyntahay waxa aad qaban karto, waxaadna garan kartaa dhibta ay leedahay in aad ka hoos marto waxa lagaa filayo xitaa hadii aad gulasystid, si aad u buuxiso waxa lagaa filayo waxaan kugula talinayaa qodobada soo socda
1- In aad si qoto dheer uga fiirsato qofka aad raisul wasaaraha usoo magacabaysid, waa in aad maskaxda ku haysa raali gelinta, walaalaha puntland, Somaliland, iyo shacabka somaliyeed oo laga yaabo in ay mar mar iska hor yimaadan, waa in uu noqdaa nin xambaarsan Wadaniyad, Aqoon dheer, Waayo aragnimo ku haboon xaalada, Qabyaalad aan ku dhaqmin, saameyn kuleh Somalia iyo bulshada uu matalayo, aan aad u xil jecleyn, leh taarikh laga tix raaco. Waa in uu noqdaa nin lasoo doray ee uu san noqon nin qabiil mesha keensaday ama koox gaar ah.
2- Mudane Madaxweyne waxaad Agendahaaga wax qabad ku bilowda arinta Nabad gelyada wadanka, waa in waqti kooban Muqdisho noqoto meel ka caagan Isbaaroyin, qoryo dad shibil ah wataan, askar dadka dhacada ama baarata, isku dhacyo ciidanka dhexdiisa ama beelo/shaqsiyaad, taasi waxay keeni kartaa in ay qurxiso sawirka laga haysto Somalia, waxay soo celin karta Kalsoonida shacabka iyo ciidanka Qalabka sida ee Dowlada, sidoo kale waxaad kuguulaysandoonta taageerada dhabta ah ee shacabka somalia
3- Waa in musuq maasuqa looga hortagaa cod dheer iyo tilaaboyin cadcad, waa in bila gudahood ay seeftu qaada wasiiro, agasimayaal iyo shaqaale badan oo dowlada ka tirsan oo cadaystay laalush, waa in gudi madax banana baara kana hortaga musuqmaasuq la soo magacaaba, waa in baritaan lagu sameeya lacagihii dowladihii hore lunsadeen si kuwa soo socda ay u feejignaadan. Laalushku waa arinta kaliya ee dhamaan dowladihii soo maray Somalia aysan waxba ka qaban lakin adoo kaashanaya Barlamaanka wadaniyiinta ah, Raisulwasaaraha aad soo magacowdo in aad gabi ahaanba ka taqalusto musuqmaasuq iyo laalush. Si loo qanciyo dadka waa in aad soo saartiin xisaab celino aad la wadaagtiin 3 bil kasta dadka adinka oo qoraalkaas ku sheegaya inta lacag idin soo gashay iyo meesha aad ku qarsh gareyseen si dadku u qanco.
4- Mudane madaxweyne waa in Talada dalka oo aad adigu ugu sareeyso Barlamaanka kadib aad u dhaxeysiiso shacabka soomaliyeed, waa in howlaha maamulka iyo jihaynta guud aad u adeegsataa qaab ku salaysan rabitaanka shacabka, talooyinka dadka qibrada uleh, iyo ujeediyinka larabo mustaqbalka fog. Waa in aad howl malmeedyada dowlada u kala qabisa gudiyo maamul (national committees) sida gudiga amniga, gudiga maaliyada iyo hantida qaranka gudiga federalka iyo maamul gobeledyada kuwaas oo markasta ka kooban wasaaradaha iyo xafiisyada ay qusayso, xafiiska madaxweynaha, iyo dad qubaro ah oo lagu kabo dhanka tala bixinta (external expatriates ), waa in kormeerka iyo dabagalku xoogeysto waana in la iskula xisaabtamo si joogto ah.
5- Ugu dambeynstii Mudane Madaxweyne waxaan kaa codsanayaa in aad isku daydo in aad xiriir toos ah iyo mid aan toos ahayn la sameyso Qaybaha kala duwan ee shacabka gaar ahaan kuwa aad isleedahay waxay ka biyo diidsanyihiin guushada, waa in aad xafiisyadooda ku booqataa oo aad u sheegta in ay wadanka leeyihiin adna aad bari ka tageyso. Waa in aad isku xirtaa dhamaan gobolada dalka, adoo qabyaalad iyo xadgub iska ilaalinaayo.
Ahmed Omar Ibrahim
Mogadishu- Somalia

Recent Comments