Midka Mida Abwaanadii ugu caansanaa Soomaaliya oo geeriyooday
Allaha u naxariistee Abwaanka Soomaaliyeed marxuum Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye ayaa xalay ku geeriyooday dalka Norway ka dib markii uu in mudo ah ku xanuunsanayey halkaasi, sida ay warbaahinta Qaranka u xaqiijiyeen qaar ka mid ah eheladiisa.
Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye oo ka mid ahaa abwaaniinta ugu waa weyn ee dalkeena door fiicana ka soo qaatay kobcinta iyo tayeynta suugaanta, dhaqanka iyo afka Soomaaliga, ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey ku noolaa Magaalada hargeyse isaga oo ahaa bare jaamacadeed.
Allaha u naxariistee waxaan goor dhaw idin soo gudbin doonaa Taarikh nololeedkii Abaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye, Innaa lililaahi wa innaa ileyhi raajicuun.

Recent Comments