Geela Kaadidiisa oo Bidaarta ama tinta oo daadato daawo u noqotay Qormo xiiso leh (Daawo Sawirada)
Dad badan waxay ka cawdaan timahooda oo uu ku yimaad xannuun daa’diya,halka qaar kalena dhibaato kala kulmaan bidaarta, waxaanay ku dayaan daawooyin badan oo ka samaysan kiimiko, waxase jira waxyaabo dabiici ah daawo ahaan loogu isticmaali karo si looga hortago daadashada timaha.
Daawaddan kaadida ayaa la rumaysan yahay inay adkayso timaha qofka, isla markaana yarayso xaddiga timaha ah ee lumaya, taas oo timaha ka dhigta qaar muqaal ahaan qurux badan.
Sannadkii 2008-ka waxa telefishanka Al-arabiya laga baahiyey in timaha si fartooda loo waaweyneeyo loo isticmaalo kaadida geelaha, taas oo lagu sheegay in dadka geela dhaqda ee ku dhaqan degaannada baadiyaha ee waddamada Carabtu siinayaan litirkii $4 doollar, loomana isticmaalo oo kaliya in timaha dib loogu soo celiyo kaadida geela. Hase ahaatee, cilmi-baadhayaal badan oo Carab ah ayaa xusay in ay daawo ka tahay beer-xannuunka, balse arrintan dambe waxa ka biyo -diidday Jaamacadda Sanca ee dalka Yemen.
Mareegta lagu baahiyo arrimaha caafimaadka ee UKmedix News, ayaa baadhitaan ay ku samaysay arrintan waxay tilmaantay in khubaro caafimaadka timaha ku takhasustay dad badan u soo jeediyeen inay isticmalaan kaadida geela, mariyaana timahooda waqtiyada ay ka shakiyaan inay daadanayaan si dhumucda tintoodu u ballaadhato.
Khubarad Carabta iyo reergalbeedka isugu jirta ee arrintan ku baaqay, ayaa sheegay in kaadida geela urteedu aad u dhib badan tahay, laakiin waxay u soo jeediyeen dadka isticmaalaya inay u dulqaataan intay dawo ahaan u isticmalayaan, sidoo kalena u adeegsadaan waxyaabo urta ka bi’iya.

Ahmed Qalbi
Holland Rotterdam

Recent Comments