Qaabka loo bixiyo Zakaatul fidriga

Zakada-fidriga

Zakada Fidriga waxaa lagala jeedaa zakada ama quudka la bixiyo maalmaha ugu dambeeya ee bishan barakaysan ee ramadaan ama maalinta koowaad ee bisha xigta Ramadaanta ee Shawaal, waxaa kalo lagu macneeyaa sadaqada Fidriga. labadaa magac ama tilmaamood ee aan sheegnayna waxay sal ku leeyihiin sharciga oo sidaa u qeexay.

Waxaa hadaba sidaa loo magacaabay iyadiiyoo ay tahay quud si sadaqa ah loo bixinayo, tan oo lagala jeedo in ajar iyo mushqaayad lagaga helo xaga rabi iyo dhamaystir ku jeeda bishan barakaysan ee Ramadaan.

Sidoo kale waxa ay in badan oo culimada ka mid ahi sheegaan in zako loogu magaacaabay maadaama uu yahay falkani mid lagaga doonayo xaga rabi dahirnaan. Sida qoran wax wayn bay ka tari doontaa bxiyaha sadaqadaa hadii uu waqtigeedii ku bixiyo islamarkaana uu siiyo cidii xaqa u lahayd ee mudnayd.

Waqtigii la Jideeyay Zakada-fidriga

Zakada-fidriga waxaa la jideeyay sanadkii labaad ee hijriyada-waqtigii Ramadaanta, sida qoran zakada waa arin ay si baahsan oo xeel dheer ogaga Warantay shareecadu gaar ahaan marka laga hadlayo dhanka quraanka iyo xadiiska labadaba. Akhqi qoowlka Ilaah. “Waxaa aflaxay kii zako la baxay” 9:Al-shamsi, Cumar ibnu Cabdilcaziiz waqtigii uu madaxa Muslimiinta ahaa waxa uu akhrin jiray aayadan kadibna waxa uu fari jiray dadka si ay zakad ola baxaan.

Cikrimaa laga sheegay inuu yiri markii uu ka waramayay aayada “Waxaa aflaxay kii zako la baxay” waa qofka la baxa zakada-fidriga ka hor inta aan la tukan salaada ciida. sidoo kalaa in badan oo salafkii hore ahna ay yiraahdeen.

Waxaa saxaabadu sheegeen in Suubanoow nabigeenii uu Waajibiyay sakada-fidriga, sidan bayna Muslimiintu isku raaceen kuwii hore iyo kuwii dambaba. Reer Madiinana waxay ahaayeen kuwa aan aragba zako ka fadli badan tan fidriga.

Ibnu mundur iyo qaar kale oo raga cilmiga ah ayaa iyguna isku raacay oo qalinka ku duugay waajib ahaanshaha Zakada-fidriga.

Waxaynu hadaba oran karaa Intaa ku filan Cadaynta halka ay sharciga ka taagantahay Zakada-fidrigu, sida aan horayba ogaga hadalay tani waxa ay qayb ka tahay, doonista uu sharcigu doonayo in laga dahiro nafta dhaqanno badan oo aan fiicnayn sida bakhiilnimada, iyo dhamaan akhlaaqda aan hagaagsanayn, iyo dhamaystirka dahirnaanta soonka tan oo lagala jeedo in lagu ebyo xoogaagaa sadaqada ah ee uu adoonkaa ilaahay dhiibtay, wixii dhacdhac ahaa ee ka fakaday intuu uu gudanayay acmaashii Ramadaanta.

Tan ugu muhimsan ayaa iyana ah in maalintaa ciida laga deeqo dadka masaakiinta ah baryada iyo halkii ay ku wareegi lahaayeen aqalada dadka, oo hadii la siiyo maalintaa xoogaaga yar ee sadaqada ah waxay ka deeqaysaa baryada maalintaa ciida ah ee dadka muslimka ahi oo dhan ay faraxsanyihiin.

Ibnu Cabaas waxaa laga wariyay in uu nabigu NNDH “u waajibiyay sakada-fidriga, dahirinta qofka sooman iyo quudinta Masaakiinta” waxaa weriyay Abuu daa’uud.

Waxaa kaloo si toos ah oga muuqanaya waajib yeelida sakada-fidriga
* muujinta ku mahdinta ilaahay dhamaan galadaha uu ku siiyay ee in aad ku dhamaysatay bishii ramadaan iyo gudashadeedii sidii uu ilaahay doonayay, iyo weliba sida uu ilaahay kuugu fududeeyay in aad ku dhaqaaqdo falalka hagaagsan ee uu isagu raaliga ka yahay.
* in si dhan loo qaybsado faraxa iyo jacaylka walaaltinimo ee bulshada dhexdeeda.

Yeey Ku Waajibtaa Zakada-Fidriga

Zakada-Fidriga Waxay ku waajibtaa qofwalba oo Muslim ah lab ama dhedig, adoon [waa arin lagu dhaqmi jiray berigii hore ee ay Muslimiintu jihaadka qaadi jireen halkaas oo dadka lagu soo qabto iyagoo islaamka la dagaalamaya la cabiidin[adoonsan] jiray. Falsafada uu ka duulayay islaamku ayaa ah in qofkii diida in uu ilaahay adoon u noqdo ay tahay markaa in uu adoomadiisa uu adoon u noqdo]ama xor, heer badiye ama heer magaal, waxaa si guud ay ugu waajibtaa qof walba oo Muslim ah, sidaasay xataa muslimiintii hore ay ka bixin jireen zakada fidriga haweenka uurka leh.

Waxaan kala jeedaa ma aha zakada-fidrigu mid ku waajibta haweenka uurka leh noolaha ay caloosha ku sidaan ee mindhaa waxay muslimiintii hore kala jeedeen in ay muujiyaan mahadnaqa ilaahay inta ay awoodi karaan, sida qoran waxaa laga weriyay Ibnu Cumar RC, in uu yiri ” Rasuulku wuxuu waajibiyay Zakada-Fidriga, Suus Timir ah, ama Suus Galay ah, adoonka iyo kan xorta ah, Lab iyo dhedig, ku yar iyo mid wayn, oo muslimiinta ka mid ah, wuxuuna faray nebigu NNKH in labixiyo kahor inta aan loo dareerin salaada Ciida” Bukhaari iyo Muslim

Sida hadaba xadiiska inooga muuqanaysa waxa ay zakada-fidrigu waajib ku tahay qof walba oo muslim ah oo heli kara quutkiisa maalinta ciida iyo habeenkeeda.

Waxaysan ku waajibin oo aan laga doonaynin zakada-fidriga Agoonta, dadka waalan, iwm, kuwan waxaa kabixinaya hadii ay jiraan dad iyaga mas’uul ka ah isalamarkaana u haya wax hanti ah oo ay iyagu leeyihiin, waxaa laga weriyay in uu nebigu yiri NNDA “ka bixiya Zakada-fidriga dadka idinku hoos nool”

Raashinka Nooca la doonayo in
laga bixiyo Zakada-Fidriga.

Waxa ay Bukhaari iyo muslimba qoreen iyagoo kasoo xiganaya Saciid al-khudri in uu yiri “waxaan bixin jirnay-Zakada-fidriga-waqtigii nebiga NNDH Suus Badar ah, ama Suus Timir ah, ama Suus Galay ah, ama Suus Zabiib ah,……” .

Weedh kale oo isla Isaga laga soo xigtay ayuu ku yidhi “Raashinkeenu waaga waxa uu ahaa Galay, Zabiib, Caano la fadhiisayay, iyo Timir”

Sida qoran waxaa ugu fadli badan in lagu gaabsado inta nooc ee raashin ah ee lagu sheegay axaadiistii Nebiga NNDH, waxaa sidoo kale qoran iyana in la bixin karo waxa ugu fiican ee markaa anfacaya dadka masaakiinta ah ee ujeedaduba tahay in maalintaa laga deeqo baryada badan iyo ku wareega xaafadaha. aqri qoowla ilaah “Ma gaaraysaan qiimaha samafalka ilaa aad bixisaan waxa aad ugu jeceshihiin”2:91.

Jamaacad kale oo culimada ah ayaa iyaguna qaba in lagu bixin karo zakada-fidriga ee maalintaa wax walba oo u samaysan qaabka mirta, sida galayda, timirta, zabiibka.iwm sidana waa tan uu qabo ibnu taymiyah..waxaanuu soo qaatay weedhe eebbe ee oranaysa “tan sida badan aad ku quudisaan reerihiina”..wuxuu kala jeedaa ku bixiya zakada-fidriga waxa sida badan aad quudataan ama aad ku quudisaan reerihiina.

Halkan waxaa laga cararayaa in ay noqdaan waxa ay dadku u bixinayaan sadaqada wax liita iyo dhanka kale in dadka qaar wax aysan awoodin madaxa laga saaro oo markaa ay ku cuslaato.waana sida in badan oo culimada ah ayqabaan, waana kan ugu dhow xaga sharciga marka loo eego.

Ibnu qayim waxa uu yiri markii u ka hadlayay arintan “tani waa sida sawaabka ah, waana sida aan la oran waxaan iyadaa ahayn, maadaama ujeedada ugu wayni ay tahay in masaakiinta la iska hortaago wareega iyo baryada xaafadaha maalintaa ciida iyo weliba in loo yabooho in ay cuni doonaan ama ay heli doonaan maalintaa sida badan waxa ay dadka magaaladaasu quutaan. waana halka uu nebigu NNDH yiri “Ka deeqa malintaa wareega xaafadaha iyo baryada”

Sidaasi hadaba waa sidii ay u arkeen culimadu Naxariistii Janno allaha siiyee laakiin waxaan shaki ku jirin in hadii la helo iyo hadii la waayaba ay tahay maalintaa in la bixiyo waxa ugu mudan ee ay quutaan dadka Muslimiinta ah ee degan magaalada.

Rag badan oo culima ah ayaa iyagu ku adkaystay in ay bixinayaan un oo keliya tii ay ku arkeen axaadiista Nebiga NNDH, sida laga so xigtay abuu saciid RC in uu yiri anigu waxan u bixinayaa sidii aan u bixin jiray waqtigi nebiga..Waxa uu kal jeedaa Suus un quud ah. Markii uu sidan oranayay Saciid waxa uu arkay baa la yiraahdaa dad bixinaya Suus badhkii.

Imisaa la bixinayaa Zakada Fidriga.

Waxay Sugtay axaadiista nebigu NNDH in “nebigu waajibiyay Zakada fidriga in la bixiyo Suus” Waxaa lagala jeedaa Suuskii Nebiga oo u dhigma Afar Madaal..madaalkana waxaa lagu qiyasaa in uu ka dhigan yahay muga labadaada gacmood oo la isu geeyay oo galay ah, ama Zabiib ah, ama Bur ah, Iwm, Marka loo badalo dhanka kiilayntana waxaa lagu qiyaasaa 2.500Kg Labo kiilo iyo badh, waxay kaloo culimadu qabaan wixii intaa dheer in ay u noqonayso qofka la baxaya sadaqo hor ilaahay ah. Waana halka uu rabigu oranayo “Qofkii sameeya wax yar oo khayr ah wuu arki”

Waqtiga la Doonayo in La bixiyo.

Bixinta Zakada-fidriga waxa ay leedahay laba waqti
1 – waa Waqtiga ugu fadliga badan waana laga bilaabo marka ay qoraxdu dhacdo habeenka ciida ilaa laga gaaro waqtiga Salaada Ciida, waxaana ugu sii hagaagsan inta u dhaxaysa Salaada subax ee Maalinta ciida ilaa laga tukado Salaada Ciida Waana sida qoran, waxaa laga weriyay Ibnu Cumar RC in uu yiri waxaa la faray in lala baxo inta aan la aadin salaada ciida ka hor. Waxay hadaba halkaa ku fasiraan culimada weedhe eebbe ee oranaysa “waxaa aflaxay qofkii la baxa Zakada, xusa maga Rabigiisa tukadana”.
Waxay culimadu halkaa ka cadaynayaan in tartiibtaa ilaahay ku waday ay tahay in loo wadaa, ugu horayntaba in Zakada-fidriga lala baxo deetana xagaa iyo salaadii ciida iyo xusidii eebbe loo dhaqaaqo. sidana waa sida in badan oo culimada ah ay isku raacsan yihiin.

2 – Waqtiga ay kaa gudayso..waxaa lagu sheegaa in waqtigani uu yahay maalin ama laba maalmood maalinta ciida kahor, waana sida uu weriyay bukhaari “waxay ahaayeen saxaabadu kuwa siiya masaakiinta inta aan la afurin maalin ama laba maalmood” arintaasuna waxa ay ahayd mid ay isku raacsanayeen.

Sidoo kale xadiiskii Cabdulaahi ibnu Cabaas ayaa sheegaya isaguna in uu nebigu NNDH yiri “Qofkii bixiya salaada ciida ka hor waa zako la aqbalay..qofkii bixiyase salaada ciida ka dib waa sadaqo ka mid ah sadaqooyinka maalin walba la baxsho”Waxaa soo saaray abuu daa’uud.

Ibnu qayim waxa uu yiri intaas oo idil waxaa laga fahmi karaa in aysan banaanayn in laga dib dhigo waqtiga salaada ciida ka dib. waxaa lagala jeedaa iyadiiyoo aysan jirin wax cudurdaar ah oo oo ku kalifay in uu qofku ka dib dhigo waqtigaa Zakada-fidriga

Waxayse raga diinta aadka u fahamsan isku raaceen in qofka lagu leeyahay zakada-fidriga aysan oga harayn kadib dhigida uu ka dib dhigay waqtigii loogu tala galay ee uu faray sharcigu in lagu bixiyo, balse ay tahay dayn lagu leeyahay oo laga doonayo in uu gudo waqtigii markaa ay usuurogasho waa salaada ka dib’e. Waxay kaloo culimadaasu qabaan in hadii uu qofku si ula kac ah oga dib dhigo waqtigeeda Zakada-fidriga uu ku mudanayo dembi, islamarkaana uu ku kacay fal xaaraan ah, dembigaana uusan ka dhacayn ilaa uu bixiyo Zakadaa lagu leeyahay.

Yaa Mudan Zakada-fidriga oo La Siinayaa

Sidii aynu soo sheegnay waxaa laga weriyay cabdulaahi ibnu cabaas RC in uu yiri “waxa uu u waajibiyay Nebigu NNDH Zakada-fidriga, in ay ka dahirto Qofkii bishaa Soomay wixii dembi yaryar ee ka dhacay, iyo quudinta masaakiinta” sida ku cad xadiiska waxaa waajib ah in lagu wareejiyo Zakadaa dadka masaakiinta ah…Sheekhii Islaamka ibnu taymiya waxa uu yiri “ma banaana in la siiyo marka laga reebo dadka mutay ee ay dantu u hayso[Masaakiinta].

Waxaa banaan in reer ama qooys ay isku afgartaan in ay siiyaan Zakada-fidrigooda Miskiin keliya, iyo in ay u qaybiyaan zakada qof keliya in kabadan miskiin hadii ay jirto dhibaato daran oo arintaa keentay.

Ma La Bixin Karaa Qiimaha Zakada Fidriga

Sida qoran ama ku cad sharciga Ma banaana in labixiyo qiimaha Zakada-fidriga”halkii laga bixinlahaa iyadiiyoo midho ah” Maxaa yeelay hadii ay taasi jid tahay waxaa inoo sheegi lahaa Suubanoow nebigeenii maxaa yeelay xaga sharciga way adag tahay in la dib dhigo ka jawaabida baahi taagan[tani macnaheeda waxaa weeye hadii ay jid ahaan lahayd suubanuhu wuu cadayn lahaa ]

Ilaa iyo hada waxaan la ogayn qof ka mid ah saxaabadii nebiga NNDH oo bixiyay Zakadii-fidriga oo lacag ah, iyadoo ay taasi suurta gal ahayd waqtigaa isaga ah, iyagayna ahaayeen kuwii ugu aqoonta badnaa marka laga hadlayo arinta ku jeeda sharciga iyo ku dhaqan kiisa, sidoo kale waxaa ku bedelka qiimahaasu wixii si muuqda loo bixin lahaa ee midhaha ahaa ay qarinaysaa ama hoos u dhigaysaa muujinta tilmaamahaa waawayn ee lagu aqoonsan lahaa rabigga wayn, iyo dadkiiyoo markaa si fudud u ilooba aqoontii iyo axkaamta ay leedahay Zakada-fadriga.

Imaam Axmad Wuxuu yiri: la ma bixin karo qiimaha Zakada-fidriga, markaasaa lagu yiri dad baa waxay leeyihiin Cumar ibnu cabdulcaziiz ayaa qaadi jiray qiimaha…Imaamku waxa uu ku jawaabay waxaa ay dadku ka tagayaan Odhaahda suubanoow nebigeenii..waxayna oranayaan hebel baa yiri..iyadoo goor hore uu ibnu cumar yiri Suubanoow Nebigeenii NNDH ayaa waajibiyay Zakada-fidriga.

Waxaa hadaba inoo cadaatay in qiimaha oo lagu badalo wixii la bixin lahaa oo quut ah aysan banaanayn iyo weliba in ay tahay jebinta qoowlkii nebigeena NNDH..hadii markaa ay qaar raga culimada ahi ku waramaan in la bixin karo qiimaha Zakada-fidriga, waxa un muuqda ee hortayada ka cad ayaa iyadna ah in la qaato qoowlkii nebiga NNDH.

Ibnu Cabaas baa laga wariyay in uu yir “waxaa laga yaaba in la idiin kaga so dejiyo dhagxan xaga sare ee cidhka..waxaan idin ku oranayaa rasuulku waxa uu yiri..adinkuna waxad oranaysaan abuukar iyo cumar waxay yiraahdeen!!

Ma u diri karaa Zaka-bixiyuhu
Zakada Magaalo kale

Sida asalka ah waxaa weeye in qofka Zakada bixinayaa uu siyo dadka masaakiinta ah ee ku nool halka uu degan yahay ee uu joogay waqtigiii ay zakadu ku waajibtay,sida la ogsoon yahayna waxa ay waajibtaa zakada marka ay qoraxdu dhacdo ilaa iyo inta laga tukanayo salaada Ciida…waxaa markaa dhici karta hadii loo raro ama loo qaado magaalo kale in ay waqtiga ka dib dhacdo.

Sida qoran kama aysan sugnaanin Nebigii NNDH iyo qof saxaabada ka mid ah toona in ay u rareen ama u qaadeen dad kale o degan magaalo kale tan oo aan ahayn halkii ay deganaayeen, tani hadaba waxaa ay qayb ka tahay dhaqamada aan fiicnay ee diinta lagu soo daray beryahaan dambe, tan oo mudan in looga digo dhamaan bulshada muslimka ah.

Waxaa hadaba taa ka duwan in uu Zaka-bixiyuhu yiraahdo dad kale oo magaalo kale jooga wakiil baad iigaga tihiin zakadayda adinkaana bixinaya oo xagiina ka dhiibaya, tani waa ay ka duwan tahay tii aynu ka soo hadalnay waana ay banaantahay marka loo eego sharciga.

Waxaan u rajaynayaa hadaan nahay Bahda SomaliTalk dhamaan dadwaynaha muslimka ah ee ku nool dunida iyo bulshada Soomaaliyeed meelwalba oo ay joogaan in ay sanadkan sanadkiisa ku gaaraan bashbash iyo barwaqo iyo cimrigooda oo cibaado suuban lagu ladhay, ifka hibo ku noolaada aakhirana halkii roon. Wasalaama Calaykum.

Sheriff Osman

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Recent Comments

    http://www.youtube.com/watch?v=iFOQN7IoIA4