Sawirro: Haweeneydii Dunida ugu dheereyd oo ku geeriyootay dalka Shiinaha

Jimco, 07-12-2012.

Yao Defan oo ahayd 39 sano jir loona aqoonsaday inay tahay haweeneyda Dunida ugu dheer ayaa ku geeriyootay bariga dalka Shiinaha.

Haweeneydan oo buugga lagu qoro rikoorka dunida u aqoonsaday inay tahay haweeneyda dunida ugu dheer ayaa dhererkeedu waxa uu gaaray 7 feet iyo 7 inches.

Wakaalada wararka dalka Shiinaha ayaa shaacisay in haweeneydan ay ku geeriyootay gurigeeda oo ku yaala gobolka bari ee Anhui 13-kii bisha November ee sanadkan.

Buugga lagu qoro rikoorada dunida ayaa bishii Janaayo 2010 u aqoonsaday haweeneydan inay tahay tan ugu dheer caalamka.

Wargeyska Xin’an Evening News oo warkan daabacay ayaan sheegin sababta ay u geeriyootay haweeneydan hase yeeshee waxaa hore loo shaaciyay in haweeneydan ay qabtay xanuun sababay in koriinshaheeda uu si xowli ah ku koro.

Wargeyska ayaa qoray in Yao ay baratay sida loo ciyaaro kubbada kolayga markii ay ahayd 15 sano jir.

Haweeneydan ayaa cajalad video ah oo laga duubay saddex sano ka hor waxa ay ku sheegtay inay ku faraxsan tahay dhererkeeda maadaama dadka ay jecel yihiin inay daawadaan muuqaalkeeda dheer.

Qaran24

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Recent Comments

    http://www.youtube.com/watch?v=iFOQN7IoIA4