Soomaaliya oo mar kale noqotey dalka Dunida ugu musuq-maasuqa badan

Jimco, 07-12-2012.


Hay’adda Transparency International oo baaritaan ku samaysa musuqmaasuqa iyo nidaamka daah furanta ee dowladaha caalamku u shaqeeyaan ayaa sanadkan 2012 soo saartay liiska sida dawladaha adduunku ay ku yihiin Musuq-maasuqa iyo daah-furnaanta.

Dalka Soomaaliya oo isagu aan weli lahayn dowlad dhexe oo xoog badan oo awoodeedu dalka wada gaarsiisan tahay ayaa markale waxaa uu gadaal ka hoggaaminayaa dhanka xumaanta iyo musuq-maasuqa dalka Soomaaliya oo sanadihii u dambeeyey booskaas haystay islamarkaana lagu shaabadeeyey dalka dunida ugu musuq-maasuqa badan, ayaa sanadkana booskiisii ceshaday oo aan madaxa kor u soo qaadin sida hay’addu sheegtay.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in dalalka kacdoonku ka dhaceen ee carabta weli la daalaa-dhacayaan musuq-maasuq iyo daah furnaan la’aan, guud ahaan qaarada Africa ayaa iyaduna weli la tacaaleysa musuq-maasuqa, waxaana sabab u ah isla xisaabtan la’aan, hay’ado badan ayaa jira oo aan lala xisaabtamin sidoo kale siyaasiyiin aan cidna la xisaabtamin ayaa iyaguna weli jira, dalalka Africa ee sanadkan xaaladoodu soo hagaageyso waxaa ka mid ah dalka Botswana.

Baaritaanka hay’adda Transparency International ayay diirada ku saartay, Musuq-maasuqa, fasaadka, laaluushka, qaraabo-kiilka, eexda iyo waxyaabo kale kuwaas oo Soomaaliya sanadkan ka gashey kaalinta koowaad.

Dalalka ugu wanaagsan dunida ee daah furnaantoodu tahay heer wanaagsan waa New Zealand, Denmark iyo Finland oo kaalinta koowaad ka hoggaaminaya musuq-maasuq la’aanta.

Qaran24

Muqdish-Somalia
 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Recent Comments

    http://www.youtube.com/watch?v=iFOQN7IoIA4