Diyaarad hawada ku jirtey oo mas ka dhex kacay (Maxaa cabaad & qaylo dhacay)

Jimco, 07-12-2012.

Kala carar, iga hor leexo, waa wareey, cabaad, kabaha ha iga istaagin, isku gambasho ayaa ka dhacday gudaha mid ka mid ah diyaaradaha shirkadad dayuuradaha masaarida ee  Egypt Air kaddib markii diyaaradaasi oo hawada ku jirta uu ka dhex kacay Mas uu qarsoodi diyaarada u soo galiyey nin ka mid ahaa rakaabka diyaaradda.

Qaylada iyo cabaadku waxay bilowdeen markii Maskii uu ka soo baxsadey boorso ninku ku sitey, isagoo qaniinyo ku qabtey Ninkii tahriibinayey, halkaasi oo ay ka bilaabatey naxdin iyo kala carar, kaddib markii shaqaalihii diyaarada iyo rakaabkii kale ay ka warheleen in Mas uu diyaaradu ku dhex jiro isagoo waliba qaniinay ninkii sitay.

Duuliyeyaasha dayuurada ayaa ka war helay cabaadka iyo qaylada ka soo baxaysa xaga dambe ee diyaarada, waxaana loo sheegay in Mas diyaarada ku dhex jiro oo uu waliba qaniinay Ninkii diyaarada la soo fuulay, iyadoo ay qasab ku noqotey captain-kii diyaarada in uu si deg deg ah (Emergency landing) ugu dajiyo garoonkii diyaaradeed ee ugu dhawaa halkii ay diyaaradu hawada uga jirtey.

Wargeyska Al Ahram ee ka soo baxa magaalada Qaahira ee dalka Masar bartiisa Internet-ka oo warkan lagu baahiyey waxaa lagu xusay in diyaaradu ay ku sii jeeday magaalada Kuwait ee wadanka Kuwait, waxaase ay si deg deg ah ugu degtey garoonka diyaaradaha Harguda oo 300 oo mile u jira magaalada Qaahira ee caasimada Masar.

Markii diyaaradu soo caga dhigatey garoonka waxaa si deg deg ah ugu soo yaacay kooxaha gurmadka deg deg ah oo lagu wargaliyey in Mas diyaarada ku dhex jiro oo waliba uu dhaawac halis ah geystey, iyadoo lagu guuleystey in Maskii la qabto.

Ninkii dhaawaca ahaa ee Maska tahriibinayey ayaa loo cararay Isbitaal si loola tacaalo qaniinyada maska ka soo gaartey, iyadoo muddo kaddib diyaaradii ay sii wadatey safarkeedii.

Qaar ka mid ah Rakaabka ayaa diidmo ka muujiyey inay diyaarada dib ugu laabtaan iyagoo cabsi ka qabey in Masku aanu aheyn kaligiis oo ay dhici karto in kuwa kale ay gudaha ugu jiraan diyaarada, waxaana ka muuqatey qaar badan oo ka mid ah rakaabka cabsi iyo argagax ay ka qaadeen maskan diyaarada kula safrayey.

Nin oday ah oo naxdinta awgeed dhidid badan uu qooyey dharkiisa ayaa sheegay in waligiis aanu ku fakarin in diyaarad uu la raaco mas nool, wuxuuna sheegay in hab dhaqanka dadka qaarkood uu sanadahan noqdey mid aad iyo aad u qalafsan, maadama diyaarad in ka badan 100 qof saaran tahay mas uu ku soo dhexqarsadey nin Rakaab ahaa.

Haweenay kale oo ka mid aheyd dadkii rakaabka ahaa oo naxdin awgeed la gariiraysa ayaa sheegtey in ay ku jirto xaalad cabsi ah isla markaana qosol gariir ay uga cadahay ayna la yaaban tahay sida Ninku uu Maska ugu aaminay boorsadiisa.

Dhacdadan ayaa timid todobaadyo kaddib markii sidan oo kale lagu dhex arkey diyaarad u kala gooshaysay magaalada San Jose ee caasimada wadanka  Costa Rica & magaalada Madrid ee caasida Spain, xilligaasi oo diyaarad nooca Airbus 340 oo ay leedahay shirkada  Iberia tiro bahalka Hangaralah ama daba-qalooc loo yaqaan oo qof rakaab ah uu ku soo dhex qarsadey boobmalaha caruurtu ku ciyaarto.

Muskhiladan oo dhacdey 22-kii bishii November ee aynu soo dhaafnay waxaa dhaawaca ka soo gaarey haweenay ka mid ahayd rakaabka oo qaniinyo uu la helay mid ka mid ah daba-qalooc.

Mowliid Xaaji Cabdi

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Recent Comments

    http://www.youtube.com/watch?v=iFOQN7IoIA4