Sagna oo sheegay in ku faraxsan yahay sii joogista Arsenal
Jimco, 07-12-2012.
Dambeedka midig ee daafaca ugu ciyaara kooxda Arsenal Bacary Sagna ayaa waxaa uu sheegay asigoo la hadlayay warbaahinta dalka Ingiriiska ayaa waxaa uu sheegay in ku faraxsan yahay inuu nagi ku sii ahaado garoonka Emarites ee ku ciyaarto The Gunners.
Sidoo kale xiddiga ayaa waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay in waqti kale ku qaato naadigiisa asigoo tibaaxay inuu diyaar u yahay haddii ay macquul tahay inuu waqti kale u saxiixo naadigiisa.
“Waan ku faraxsanahay, aad baan ugu faraxsaanahay ku soo laabashada kubadda cagta iyo in aan u ciyaaro Arsenal iyo in aan caawiyo kulamadii aan la ciyaaray weeraryahanada Gunners-ka, maxaa yeelay waqti badan ayaan dhaawac ahaa” sidaasi waxaa ku waramay xiddiga reer Faransa ee Bacary Sagna.
Ciyaaryahanka ayaa waxaa uu kol hore shaaciyay inuu ka tagayo kooxda uu iminka ka tirsan yahay ee Arsenal asigoo si daran ugu carooday ka tagistee Gunners-ka ay ka tageen xiddigihii Van Persia iyo Alex Song oo ku kala biiray Manchester United iyo Barcelona.
Qaran24
Sports-News

Recent Comments