Arsenal iyo Manchester United oo isku haysta xiddiga Remy Cabella
Jimco, 07-12-2012.
Kooxaha Kubadda cagta Arsenal iyo Manchester United ayaa iskula dheggan ciyaaryahanka Remy Cabella ee ka ciyaara hoyaalka Faransiiska.
Sida lagu daabacay wargeyska The Sun ee ka soo dalka Ingiriiska waxaa labo ka mid ah kooxaha ugu waaweyn dalka Ingiriiska ay isku heystaan saxiixa xiddiga qadka dhexe ugu ciyaara naadiga Montpellier ee ka dhisan dalka Faransiiska.
Kooxaha Manchester United iyo Arsenal ayaa waxaa ay sheegeen in waqtigaan ay daneynayaan heshiiska 22-jirka lagu magacaabo Remy Cabella ee ku wanaagsan ka ciyaarista qadka dhexe.
Ciyaaryahankaan ayaa waxaa uu waqti hore ku soo biiray naadiga iminka uu ka tirsan yahay ee Montpellier iyadoo Madaxweynaha naadigaasi Louis Nicollin uu sheegay inay dhankooda qorsheynayaan nolosha ciyaaryahankaasi inay ku sii hayaan garoonka kooxdooda ee ku yaala dalka faransiiska.
Naadiyada dalabka diray ee Arsenal iyo Manchester United ee ka dhisan Ingiriiska ayaan ilaa iyo hadda soo bandhigin lacagaha ay ku doonayaan kubad sameeyaha naadiga Montpellier.
Qaran24
Sports-News

Recent Comments