Wadamada Kenya iyo Uganda oo u soo baxay kama dambeysta koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika
Jimco, 07-12-2012.
Wadamada Kenya iyo Uganda ayaa isugu soo baxay Final-ka koobka bariga iyo bartamaha Africa oo ka socda Magaalada Kampala ee Wadanka Uganda.
Kenya ayaa gool ku laad ku soo dhaaftay Zanzibar markii waqtigii caadiga ah ee ciyaarta uu ku dhamaaday 2-2, waxaana wiilasha Harambee ay u dabaal dageen guul taariiq ah markii ay ku adkaadeen 4-2 rigoorayaal ah.
Dhan kale wadanka difaacanaya koobkan ee Uganda ayaa soo gaaray Final-ka markii ay xaaqeen wadanka lagu magacabo Tanzania waxaana ay kaga adkaadeen 3-0, waxaana labo ka mid ah goolasha dhaliyay Robert Ssentong.
Harambee iyo Cranes ama Kenya iyo Uganda qofba sida uu u yaqaano ayaa maalinta berri ah ciyaari doona Final-ka Cecafa Senior Challenge Cup.
Qaran24
Sports-News


Recent Comments