Rabshadihii ka bilowday Magaalada Hargeysa oo dhimasho iyo dhaawac sababay!
Jimco, 07-12-2012.
Rabshadihii ka dhacay habeenkii xalay Magaalada Hargeysa ayaa sababay dhimashada iyo dhaawaca dad u dhashay Somaliland.
Rabshadaha ayaa ka dambeeyey kaddib markii lagu dhawaaqay natiijooyinkii doorashooyinkii golaha deegaanka Somaliland ee Shalay ku soo gabagaboobay magaalada Hargeysa.
Ilaa inta la ogyahay afar qof ayaa ku dhintay rabshadahaas halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas kabadan, Waxaana Warbaahinta loo xaqiijiayay in dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmayba lagu riday rasaas.
Sidoo kale Rabshadahaan ayaa waxa ay ka dhaceen Xaafadaha kala ah Axmed Dhagax ee Koonfurta Hargeysa Iyo Iftin , New Hargeysa iyadoona dadkii ku dhaawacmay rabshadahaan lagu dabiibayo Isbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa.
Xaalada Magaalada Hargeysa ayaa haatan ah mid deggan kaddib markii ay Ciidamadda Booliiska ay rasaas ku kala ceyriyeen dadkii Rabshadaha waday iyadoona Rabshadahan ay sameeyeen Taageeryaasha Urur Siyaasadeedka Xaqsoor.
Qaran24
Hargeysa-Somaliland

Recent Comments