Guddoomiyaha Baarlamaanka oo baaq u diray Ardayda Soomaaliyeed

Jimco, 07-12-2012.

Maxamed sheekh Cismaan Jawaari guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu baaq u diray dhallinyarada Soomaaliyeed gaar ahaan Ardayda wax ka barata Magaalada Muqdisho.

Kusimaha Madaxweynaha Soomaaliya ahna guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa hadalkan ka jeediyey xilli uu kulan la qaadanayey qaar ka mid ah Ardayda Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa wax ka barta magaalada Muqdisho.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay dhiiri gelineysaa Ardayda Soomaaliyeed, maxaa yeelay iyaga ayaa haatan ahay Mustaqbalkii maanta iyo berri ee Dalka, waxaan ugu baaqayaa inay wax u bartaan badbaadada Dalkooda” ayuu yiri Maxamed sheekh Cismaan Jawaari.

Wuxuu sheegay Guudoomiyaha Baarlamaanka Mr. Jawaari in haatan arday fara badan ay wax ka bartaan jaamacahada iyo macaahidda ku yaala Muqdisho iyo xitaa inta badan gobollada Dalka Soomaaliya taasna ay tahay arrin lagu farxo.

Dhallinyarada Soomaaliyeed marka laga reebo kuwa waxbarana haatan inta badan waxa ay tahriib u aadaan wadamada Caalamka marka ay la soo daristo shaqo la’aan.

Qaran24

Muqdisho-Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Recent Comments

    http://www.youtube.com/watch?v=iFOQN7IoIA4