LAYAABKA DUNIDA: Dalka New Zealand oo Eeyuhu ay yihiin kuwo kexeeya Gawaarida

Sabti, 08-12-2012.

Dalka New Zealand ayaa waxaa la sheegay in eeyuhu yihiin Darawallo oo ay awoodaan inay kexeeyaan baabuurta islamarkaana ay si caadi ah u wadi karaan Baabuurtaas iyagoo ay gacantoodu fadhiso oo aysan wax qalad ah galeyn arrintaas oo la yaab ku noqotay dhammaan dadka Adduunka.

Arrintaan la yaabka leh ayaa waxaa la sheegay inay ku guuleysteen koox u dooda xaquuqda xayawaanka islamarkaana ka soo horjeedo waxyeeleynta Xayawaanka.

Kooxdaan oo lagu mgacaabo New Zealand Society for the Prevention of Cruelty to Animals (SPCA), ayaa dadaal iyo tababar dheer kaddib waxaa mudo labo bilood gudahood ah u suuro gashay in saddex eey oo dib jir ah ama ah eeyaha aysan cidana lahayn ee banaanka wareega ay u tababaraan Darawalnimo oo ayna ka xeyn karaan baabuur iyagoona marshada badali kara, sheelahana ku taagsanaayo islamarkaana isteerinka baabuurka xukumi kara arrintaas oo run ahaantii ayaa dadka oo dhan ku noqtay yaab iyo wax aan la rumeysan karin.

Ugu dambeyntiina kooxdaan oo ujeedka ay ka lahayd arrintaas ahayd in eeyaha dibad wareega ah aysan ka liidan kuwa ay dadku guryaha ku heystaan maadaama ay dadku qaar aaminsan yihiin inay eeydaas yihiin kuwo madax adag oo aan dhageysaneynin dadka heysta taasina ay keentay inay waayaan cid dhaqaaleysata oo heysata.

Kooxdaan ayaa waxay filayaan inay arrintaan ay soo bandhigeen ay wax ka badasho fikradda ay dad badan ka qabeen eeyahaas duurwareega ah taasna ay keento in hadda kaddib la daryeelo oo fiiro gaar ah looyeesho.

Qaar ka mid ah eeydaas Darawaliinta ah ayaa waxaa la filayaa in todabaadka soosocdo ay soo bandhigaan Darawalnimadooda iyadoona si toos ah looga daawan doono telefishinka dalkaas New Zealand.

Qaran24

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Recent Comments

    http://www.youtube.com/watch?v=iFOQN7IoIA4