Wax badan ka ogow kulanka adag ee Arsenal iyo West Bromwich Albion

 

Sabti, 08-12-2012.

Kulankaan oo ah mid adag ayaa kooxda Arsenal waxaa laga yaabaa inay ciyaarto iyadoo ay ka maqan yihiin Lukas Podolski iyo Theo Walcott, sidoo kale dhanka daafaca ayaa waxaa laga shaki qabaa daafaca reer France Bacary Sagna laakiin Laurent Koscielny  ayaa si rasmi loo xaqiijinayaa inuu seegayo kulankan.

Dhinaca kale Tababaraha West Brom Steve Clarke  ayaa u soo xushay Emirates qaab ciyaareed macquul ah hasa ahaatee waxaa jirta inay ka maqnaanayaan ciyaaryahanno sida goolhaye Ben Foster laakiin waxaa dib loo ciyaarsiin doonaan ciyaaryahannadii loo nasi siiyay kulankii Stock Peter, Odemwingie oo weerar ah, James Morrison oo dhex ah iyo Chris Brunt.

Qaab Ciyaareedka Macquulka ah ee Arsenal laga yaabo in ku timaado

Kooxda Arsenal: (, 4-2-3-1): Szczesny; Jenkinson, Mertesacker, Vermaelen, Gibbs; Wilshere, Arteta; Oxlade-Chamberlain, Cazorla, Giroud; Gervinho.

Xiddigaha ka maqnaanaya: Diaby , Fabianski , Koscielny , Podolski , Santos iyo Walcott.

Kooxda West Bromwich Albion: (4-2-3-1): Myhill; Reid, McAuley, Olsson, Ridgewell; Yacob, Mulumbu; Dorrans, Brunt, Gera; Long.

Xiddigaha ka maqanaanaya: Dawson , Foster.

 

Ogeysiiska Ciyaarta

Taariikhda ay dhacayso: maanta Sabti, 8 December 2012

Kooxaha Ciyaaraya: Arsenal v West Bromwich Albion

Garoonka ay ka dhacayso Ciyaarta: Fly Emirates

Waqtiga ay soo galayso: 6:00 maqribnimo xilliga geeska Afrika.

Garsooraha Ciyaarta: Mike Jones.

Qaran24

Sports-News

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Recent Comments

    http://www.youtube.com/watch?v=iFOQN7IoIA4