Falanqeynta kulanka Caawa ee Chelsea iyo Sunderland
Sabti, 08-12-2012.
Kulan ka tisan horyaalka Dalka Ingiriiska ayaa caawa waxaa lagu wadaa inay foodda is galiyaan kooxaha Chelsea iyo Sunderland.
Daafaca John O’Shea iyo Weeraryahan Steven Fletcher ayaa labada ka hortagaya kooxda jahwareerka ku jirta ee Chelsea iyadoo gool dhaliyaha caalamiga ah ee Steven Fletcher uu rabo inuu Chelsea uu si fiican u sii qaso.
Dhinaca kale Kabtanka Chelsea John Terry ayaa dhaawac ugu maqnaanaya ciyaartan iyo waliba koobka Fifa Club World Cup oo ah koobka kooxaha Dunida oo Chelsea Yurub ay matalayso.
Laakiin laacibka dhexe ee Frank Lampard ayaa garoomada ku soo laaban doona muddo uu dhaawac ka ahaa kooxda hasa ahaatee John Obi Mikel ayaanan ka qayb gali doonin ciyaarta sababo la xiriira in Saddex kulan oo ganaax ah madaxa loo saariyay markii ka been abuuray garsoore heer caalami ah.
Labada Tababare ee Martin O’Neill iyo Rafael Benítez ayaa kuwada ducaysanaya inuu ka faa’idaysto sadaxda dhibcood ee ciyaartan iyadoo macallinka Chelsea uu doonayo guushiisii labaad inuu gaaro maanta.
Chelsea ayaa ka soo hartay Todobaadkan koobka horyaalada qaaradda Yurub waxaana ay xijisan doontaa koobabka Premier League, FA Cup iyo koobab kale oo uu jira koobka kooxaha Dunida ee ka dhacaya Dalka Japan.
Qaab Ciyaareedka Macquulka
Kooxda Sunderland: (4-4-2): Mignolet; Bardsley, Cuellar, O’Shea, Rose; Larsson, Gardner, McClean, Johnson; Sessegnon, Fletcher.
Xiddigaha ka maqanaanaya: Brown iyo Cattermole oo labadaba dhaawacan.
Kooxda Chelsea: (4-2-3-1): Cech; Azpilicueta, Ivanovic, Cahill, Cole; Ramires, Oscar; Hazard, Mata, Lampard; Torres.
Xiddigaha ka maqanaanaya: Terry iyo Mikel (oo ganaaxan) iyo Sturridge (oo dhaawac ah).
Ogeysiiska Ciyaarta
Taariikhda ay dhacayso: maanta Sabti, 8 December 2012
Kooxaha Ciyaaraya: Sunderland v Chelsea
Garoonka ay ka dhacayso Ciyaarta: Stadium Light
Waqtiga ay soo galayso: 6:00 maqribnimo xilliga geeska Afrika.
Garsooraha Ciyaarta: Mark Halsey
Qaran24
Sports-News

Recent Comments