Ciidamadii Soomaaliyeed ee lagu soo tababaray Kenya oo soo gaaray Gedo

Sabti, 08-12-2012.

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya oo tababar ku soo qaaday Dalka Kenya ayaa waxa soo gaareen qeyb ka mid ah gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Deegaannada Ciidamada tababarka ku soo dhameystay Kenya ay gaareen waxaa ka mid ah deegaanka Guusaar, Dhamaso iyo Ceel Cadde.

Sarkaal ka tisan Ciidamada Dowadda oo la hadlay warbaahinta laguna magacaabo Axmed C/llaahi Xirsi ayaa sheegay in ciidamada soo gaaray Gedo ay yihiin Ciidamadamo horudhac ah lana soo dhameys tiri doono.

Waxa uu xusay Taliye Axmed in marka ay soo dhameystirmaan Ciidamadaasi ay bilaabi doonaan sidii ay gobolka gedo uga saari lahaayeen guud ahaan dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.

“Ciidamadani waxa ay qeyb ka yihiin dagaallo la doonayo in gacanta dowladda dib loogu soo celiyo deegannada ay Shabaab ka maamulaan gobolka gedo, dhawaanna way ku dhaqaaqi doonaan sidii ay u sifeyn lahaayeen Al-Shabaab” ayuu yiri Sarkaalkaasi.

Maalmihii la soo dhaafay Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo tababar ku soo dhameystay Kenya iyo Ethiopia ayaa soo gaarayey gobolka Gedo iyo gobollada ku dhow, bishii hore ayey ahayd markii 600 oo Askaro oo tababar ku soo qaatay Dalka Ethiopia ay soo gaareen Deegaanka Doolow ee gobolka Gedo.

Qaran24

Muqdisho-Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Recent Comments

    http://www.youtube.com/watch?v=iFOQN7IoIA4