Alshabaab iyo dagaalkooda warbaahinta afka qalaad (maqaalkan aqri)
Hay’ada al-Kataib, oo ah waaxda warfaafinta ee al –Shabaab, waxay dhawaan internet-ka ku soo saareen cajalado muuqaal ah oo ay ku boorinayaan dagaalyahaniinta qalaad oo dunida oo dhan jooga in ay Soomaaliya yimaadaan si ay ugu biiraan dagaalka Soomaaliya.
Al-Shabaab ahmiyadooda ah in ay soo shaqaaleeystaan dagaalyahaniin qalaad iyo isticmaalkooda sii kordhaya ee afka Ingiriisiga ay ku isticmaalayaan warfaafinta bulshada waxay muujinayaan kooxda awoodooda sii yaraaneeysa iyo saameeynta ay ku leeyihiin Soomaalida dhexdeeda oo sii dhamaanaysa, masuuliyiinta ammaanka iyo falanqeeyeyaasha ayaa sidaas leh.
“Dagaalka warfaafinta oo internetka ay ka wadaan al-Shabaab si ay u soo shaqaaleeyaan dagaalyahaniin qalaad wuxuu muujinayaa heerka rajo la’aanta ah oo ay ku sugan yihiin iyo in ay awoodi waayeen in ay Soomaalida dalka ku nool shaqaaleeyaan,” ayuu yidhi Cabdullahi Cabdiraxmaan, oo ah madax ku-xigeenka Xarunta Warbaahinta Soomaaliya oo Muqdisho ku taal.
Bishii Sebteembar 2011-kii, al-Shabaab waxay bog ka furteen Twitter-ka waxayna taniyo markaa inta badan isticmaalayeen Ingiriisiga markay wax soo qoraan ama ay war saxaafadeed soo saarayaan. “Yaqiinta ah in ay al-Shabaab dantu ku kaliftay in ay Ingiriisiga ku sameeyaan dhaqdhaqaaqyadooda dhowaan ay isku xayeeysiinayeen ayaa muujinaysa in dadka ay la xidhiidhayaan aysan ahayn Soomaali gudaha ah [dalka], balse ay yihiin shisheeye ka baxsan Soomaaliya,” Cabdiraxman ayaa yidhi.
“Kaddib markay mitidiinta al-Shabaab ku guulaysan waayeen in ay shaqaaleeyaan Soomaalida ku nool gudaha Soomaaliya, waxay isku dayayaan in ay qortaan shisheeye dibadda ka yimaada,” ayuu yidhi.
Haashim Axmed, falanqeeye siyaasadeed oo dabagala al-Shabaab rugtiisuna ay tahay Muqdisho, wuxuu sheegay in ay kooxdu si gaar ah u beegsanayaan argagixiso shisheeye oo wata baasaboorro waddamada Galbeedka ah oo “ka caawin kara in ay hawlgaladooda ay gaadhsiin karaan meel Soomaaliya ka baxsan”.
“Talaabadan markay qaadeen, al-Shabaab waxay isku dayayaan in ay ku guubaabiyaan dagaalyahaniinta shisheeye in ay hawl-gallo argagixisonimo ka fuliyaan waddamadii ay ka yimaadeen markay ku noqdaan,” ayuu yidhi.
“Waxaa hadda jira dhowr dagaalyahaniin shisheeye ah oo ka tirsan madaxda al-Shabaab oo haysta muwaaddinimo reer Galbeed, Afrikaan iyo Aasiyaan ah,” Axmed ayaa sii raaciyey in ay adagtahay in la helo tiro sax ah.
Bishii hore, madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud wuxuu sheegay in al-Shabaab looga guulaystay Soomaaliya. “Xidhiidh lama lihin [al-Shabaab] mana ku talo jirno in aan la yeelano shisheeyaha ka dagaal gala Soomaaliya gudaheeda,” ayuu yidhi Nofeembar 28-deedii mar uu booqasho rasmi ah ku joogay Itoobiya. “Dariiqa kaliya ee u furan waa in ay isaga tagaan waddanka.”
Al-Shabaab waxaa soo wajahay caqabad weyn oo ah helitaanka Soomaali ay shaqaaleeyaan, siduu sheegay Gaashaanle Sare Cumar Maxamed, oo la-taliye u ah Ciidanka Qaranka Soomaaliya.
“Soomalida ayaa diiday argagixisanimada nooc walba oo tahay, waana sababta aysan al-Shabaab u awoodaynin, hadda laga bilaabo, [si sahal ah] in ay uga dhaadhiciyaan muwaadin Soomaali ah inuu ku dagaallamo magaca diinta,” Maxamed ayaa u sheegay Sabahi. “Al-Shabaab hadda waxay ka kooban tahay urur shisheeye oo aysan Soomaalida u soo dhowaan karin. Tan waxaa sababtay in ay dadku ogyihiin in kooxda sheegashadooda ah in ay jihaad ku jiraan oo ay diinta difaacayaan in ay tahay been abuur.”
Abdulqaadir Yuusuf, oo u dhaqdhaqaaqa siyaasadda una orday baarlamaanka 2012-kii oo waayey, wuxuu sheegay in dagaalka warbaahinta uu ka imanayo culays dheeraad ah oo dhanka milatariga ah oo ka imaanaysa Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.
“Al-Shabaab been-abuurkeeda internetka aad ayay ugu dadaashaa iyada oo isku dayeysa in ay dadka ka jeediso guul-darrooyinkii isku xigay ee ay kala kulantay dhulka.
Laga bilaabo horraantii sanadkan, al-Shabaab waxay waayeen meelo badan oo ay ka heysteen in koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, oo ay ku jirto Beledweyne, Baydhabo, Xudur, Marka iyoKismaayo.
“Iyada oo al-Shabaab ay ku guul-darraysatay in ay ka dhaadhiciyaan Soomaalida in ay hub u qaataan iyo in ay u dagaalamaan hadafkooda, ayaa sidoo kale waxay ku guul-darraysanayaan in ay soo qortaan dad shisheeye ah, siiba mar ay kooxdu burburayso,” ayuu yidhi
Waxaa qoray Majiid Axmed oo jooga Muqdisho
Qaran24.com
Mogadisho
Qaran24@gmail.com

Recent Comments