Nin Ajnabi ah oo lagu dhaawacay Gaalkacyo dabadeedna gacanta lagu dhigay!
Sabti, 08-12-2012.
Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Ammaanka Galmudug ay gacanta ku dhigeen nin Ajnabi ahaa oo la sheegay inuu isku qarxin rabay guriga madaxweynaha maamulkaasi.
“Ciidamada ammaanka Xalay howlgal ay sameeyeen ayey ku soo qabteen nin aan Soomaaliya u dhalan, balse aan la shaacin halka uu dhalasho ahaan kasoo jeedo” ayuu yiri wariye ka howlgala magaalada Gaalkacyo.
Sida warku sheegayo Ciidamada ayaa ninkaan ku qabtay meel ku dhaw guriga Madaxweyne Cabdi Xasan Cawaale (Qeyb-diid) uu ka deggan yahay Koofurta magaalada Gaalkacyo waxaana ninkaasi lagu amray inuu istaago hayeeshee uu baxsaday rasaas lagu furay kaddibna uu dhaawac soo gaaray.
Inkastoo ninkaan aan lagu qaban wax hub ah ayaa haddana wararku waxay sheegayaan in magaalada Gaalkacyo uu u joogay inuu ka sameeyo fal is qarxin ah.
Galmudug ayaa baaritaan ku sameyneyna ninkaas waxa uu maaganaa, dhalasho ahaan dalka uu ka soo jeedo iyo cidda soo galisay Galmudug, waxaana su’aalo lagu weydiinayaa isagoo dhaawac ah magaalada Gaalkacyo.
Maamulka Galmudug ayaan wax faah faahin ah ka bixin ninkaasi ajnabiga ah ee gacanta lagu dhigay balse Wasiirka Warfaafinta maamulka Galmudug Axmed Maxamuud Xasan (Baasto) ayaa saxaafadda u sheegay in saacadaha soo aadan ay saxaafadda warbixin ka siin doonaan.
Qaran24
Muqdisho-Somalia

Recent Comments