Daawo- Qaali Ladan oo Ha i riiqin ugu jawaabtay heestii Ha i raadsan ee Mursal Muuse+Video

Heesta ha i raadsan ee fanaanka reer hargeysa Mursal Muuse ayaa waxaa hore loo sheegay inay jawaab u aheyd heesta Fanaanada Xaawo Kiin ee Ha iga roorin , balse hada iyadaaba loo sii jawaabay oo Mursal waxaa usoo jawaabtay fanaanadda aadka u da’da yar ee Qaali ladan oo ku nool magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Heesta Xaawo Kiin ee Ha iga roorin oo loogu jawaabay Ha i raadsan


Waxeey fanaanada ku luqeysay erayo calaacal ah oo ay dareemeen dhamaan mucaashiqiinta wax doon doonaya waxaana ka mid ahaa erayadaasi “Riyadeydi baa iikaa rumeysoo , anigaa runtii kusoo raadsadee rafiiqeygiyoow hay riiqinoo ha iga jabin rajada”

Heesaha  la igu soo jawaabayo ayaa maalmahan waxey noqdeen kuwa iska daba socda waxaana muuqato in ayaamahan fanaaniinta dhalinyarada ahi ay isku dirayaan jawaabo suugaaneed.
Waxa muusigga heestani ku fara yareystay Xasan Cujeer halka uu ereyada heesta ka sameeyay C/wali Cali? Dhinbil abwaan Jawaan

 

Dadka ka faalooday heestan ayaa qaarkood waxey erayada heestani ku dhaliileen  in laga soo qaatay heestii Rafiiq oo hore u jirtay taasoo ay fanaaanin badan hore usoo qaadeen uuka mid ahaa jaamac Yare.

Qaali Ladan ayaa ah fanaanad soo koreysa oo Magaalada Nairobi aadlooga dhageysto waxaana ay fanka soo gashay iyadoo aad u da, yar.

Halkan Ka Daawo

http://www.youtube.com/watch?v=5TjFyoNjODE&feature=player_embedded

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Recent Comments

    http://www.youtube.com/watch?v=iFOQN7IoIA4