Wasiir Ka Tirsan Wasiirada Somalia oo Ka Hadlay Arinta La Xiriirta Dacwada Bada Ee Somalia Iyo Kenya

Warar xog-ogaal ah oo aan ka helnay magaalada Nairobi maanta oo ay taariikhdu tahay 07/02/2018, waxay sheegayaan in uu kulan qarsoodi ah dhexmaray Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Avv. Xassan Xaaji Xuseen iyo Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Kenya Githu Muigai.

Sida ay xogtu caddaynayso waxyaabihii ay ka wada hadleen waxaa ugu muhiimsan sidii dawladda Soomaaliya iyo dawladda Kenya ay u furi lahaayeen wadahadal khuseeya arrimaha dacwadda badda ee ka dhaxaysa labada dal Kenya iyo Soomaaliya, taasoo ay dawladda Kenya horay u codsatay in wadahadal lagu dhammeeyo murankaas.

Isla markaana Soomaaliya ay ka tanaasusho dacwadda ka furan Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (Hague), taasoo sida xogta sheegayso Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Avv.

Xassan Xaaji Xuseen uu ballanqaaday inuu kala shaqaynayo dawladda Kenya sidii ay Soomaaliya ugu tanaasuli laheyd dacwaddaa arrintana ku soo celiyo miiska wadahadalka.

Waxaa la ogsoon yahay in Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Kenya uu yahay madaxa hoggaanka dacwadda u qaabilsan Kenya sidoo kalana Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya oo ah shakhsi ku cusub siyaasadda Soomaaliya ayaa isaguna ah mid asal ahaan ka soo jeeda Kenya.

Tallaabadan uu Wasiirku qaaday waxay saamaynaysa masiirka iyo qaranimada Soomaaliya,Waana tallaabo uu iskii u qaaday.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS Oo Maqaamka Muqdisho Sheegay Inta Nuuc Uu Noqon Karo

Isaga oo marti ku ahaa barnaamijka Dood-furan oo toos uga baxayay Telefishinka iyo Raadiyaha Qaranka mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Golaha shacabka si wax looga weydiiyo howlaha horyaala kalfadhiga 3-aad ee Golaha ayaa wax laga weydiiyay sida golahu u wajahayo sameynta maqaamka caasimadda Muqdisho oo ah arrin ay ay wada sugayaan shacablka kunool Magaalada Mqudisho waxaana Gudoomiyaha uu sheegay in Baarlamanka arrintaasi uu ka shaqeynayo.

“Maqaamka Muqdisho waa laga hadlaa gambasho malahan waana lasoo gudbiyay saddex nuuc ayuu noqon karaa maqaamka caasimadda Saddexdaasi oo kala ah inay noqoto degaan Federal oo ay noqoto sida Waashitoon waxay toos u hoostagee dowladda dhexe xuduudeheeda ayaana la sameynaa iyadoo xubno ku yeelaneysa kaliya Golaha Shacabka,

nidaamka kale waa inay noqotaa magaalo Madax Dowlad Goboleed ah mida sadexaadna waa inay noqotaa magaalo madax ku dhex taalo Dowlad Goboleed maka saddexdaas qaab ayaa midkood la dooranaa waana lasameynaa waliba waxaaa lagu cadeynaa dib u eegista dastuurka.” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Su’aal la xiriirtay arrinta xirnaashiyaha jidadka qaar iyo Amniga oo la weydiiyay Guddoomiye Jawaari ayuu kaga jawaabay in baarlamanka iyo xukuumaddu iska xil saarayaan in shacabka ay helaan xoriyad Amni islamarkaana aysna saameynin dagaalka lagula jiro Argagaxisada Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Golaha Shacbka ayaa xusay in Guddiga Garsoorka ee Golaha Baarlamanka iyo wasaaradda cadaaladda ay ku howlan yihiin habka dhismaha Guddiga Adeega Garsoorka oo mudo badan laga sugayay Baarlamanka iyo Xukuumada.

“Arrinta dhismaha Guddiga adeega Garsoorka waxay ku xiran tahay in naloosoo gudbiyo ,ilaa hada mudo la siiyay majirto laakiin hadii la keeni waayo qasab ayay noqoneysaa in muddo la siiyo, hadana waxaa gacanta ku haya Guddiga garsoorka ee Baarlamanka iyo Wasaaradda Cadaaladda ayagaana howshaas ka sugeynaa,

ayaan dhaweed mar bay ku dhawaadeen inay howshaas soo dhameeyaan marka kalfadhigaan waa inay keenaan arrintaasi” Ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Mar wax laga weydiiyay Guddoomiye Jawaari mooshinada badan ee ka yimaada Baarlamanka oo mararka qaar lasoo gudbiyo xili dadku u arkaan inaysan ku habooneyn ayuu Guddoomiyuhu kaga jawaabay arrintaasi.

“Mooshinka sidiisaba hadii Af-Soomaali lagu sheego waa soojeedin, soojeedinta aan sax aheyn waa dhaliili kartiin laakiin mooshin oo dhan lama diidi karo oo waxay kamid tahay waajibaadka Xildhibaanka hadii xukuumadda ay kalsoonida siiyeen xildhibaanada ay sameyn weyso wixii ay balanqaaday loona igmaday xildhibaanadu wey u yeerayaan wey canaanayaan hadii isbadal imaan waayana xaq bey u leeyihiin inay soojeedin soo diyaariyaan si xilka looga qaado cidii ay hore kalsoonida u siyeen.” ayuu hadalkiisa ku sii daray Guddoomiye Jawaari

Arrimaha kale ee Golaha Shacabka horyaala ayuu sheegay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari inay kamid yihiin qabyo tirka Dastuurka,

sameynta shuruucda Doorashooyinka, hirgalinta nidaamka axsaabta iyo dhismaha Xarunta Baarlamanka oo loo dhisi doono qaab casri ah islamarkaana Dowladda Turkiga ay arrintaasi ka caawineyso Soomaaliya.

Dhageyso: Gabar Wariya Ah Oo Cod Satay Gargaar bini aadanimo

Qaraxii 28-October ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotelka Naasa-hablood2 ayaa waxaa dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen muwaadiniin Soomaaliyeed kuwaas oo ka akdhawaa goobta qaraxu ka dhacay.

Wariye Deeqo Cubeyd Maxamuud oo ka tirsaneed wariyaal ka howlgala Gobolka shabeelaha hoose waxaa ay ka mid ahayd dadkii dhaawacu kasoo gaaray Qaraxii maleeshiyaadka nabad iyo nolal diidka ah ee Al-shabaab ku weerareen Hotelka naasa-hablood2 ee magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho hasayeeshee Dalka wax looga qaban waayay.

Dhibbane Wariye Deeqo Cubeyd Maxamuud oo la hadashay Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyad Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay xaladooda Caafimaad iyo sida ay wax usoo gaareen iyadoona sheegtay in laguw ar galiyay inaan xaaladooda caafimaad wax looga qaban karin.

Maxamed Ibraahim Macalimoow xoghayaha Ururku Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee wax haysta in ay gacan ka gaystaan sidii caafimaad dibada ah u heli lahayd dhibbane Wariye Deeqo Cubayd Maxamuud.

Qaraxyada maleeshiyaadka nabad iyo nolal diidka ah ee Al shabaab ku weeraraan goobaha ay iskugu yimaadaan bulshadu ee ku yaala Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka iyo gobolada Dalka ayaa khasaaraha ugu badan wuxuu kasoo gaaraa dadka hormuudka u ah bulshada sida Wariyaasha,Odayaasha,Macalimeenta iyo qeybaha kale.

Fadlan hadaad caawinayso ama aad hayso qof caawinaso kala xariir deeqa 0617876706

Halkaan hoose ka dhageyso Codka dhibane Wariye Deeqa Cubayd:

Tiro Dad Ah Goor Dhow Cudurka Shuban Biyoodka Ugu Geeriyooday Magaallada Jowhar

Deegaanno ka tirsan Gobolka SHabeelada Dhexe ayaa waxaa ka dilaacay Cudurka Shuban Biyoodka oo saameyn ku yeeshey bulshada kunool Gobolkaasi,iyadoo ilaa 5 qof ay ugu geeriyoodeen Cudurkaasi Gudaha Isbitalka Guud ee magalaada Jowhar.

Isbitalka Guud ee magaalada Jowhar ayaa waxaa jiifo Bukaanno badan oo la il daran Cudurkaasi Shuban Biyoodka ah,kuwaasi oo laga kala keeney xaafado kamid ah magaaladaasi iyo deegaanno kale oo ka tirsan Gobolka Shabeelada Dhexe.

Agaasimaha Guud ee Isbitalka magaalada Jowhar C/raxmaan Cali C/raxman ayaa faah faahin ka bixiyay tirada dadka jiifa Isbitalkaasi oo Cudurkaasi uu soo ritay iyo tirade u geeriyootay.

“Waxaa noo timid Bishii Janaayo 12-keeda ilaa 28-keedi 155 Bukaan,Bishan Febraayana waxaa noo yimid 62 qof,dhimashadu waa 5,saaki waxaa noo jiiftay 37,waxaan bixinay 4 qof hadda waxaa jiifta 33,

waxaad moodaa in ay sii kordhayso tirade dadka uu soo ridanayo Cudurka,Marka waxaan ugu baaqeynaa Hay’adaha Caafimaadka iyo Maamulka Hirshabeelle in ay dadkan u soo gurmadaan”.Ayuu yiri Agaasime C/raxmaan Cali.

Dhaqaatiirta ayaa Cudurkan ku sababeeyey Wabigii SHabeelle oo Guray iyo Isticmaalka Biyo wasaqeysan,kuwaasi oo la aaminsanyahay in ay dhaliyeen Cudurkani oo sii kordhaysa tirada dadka uu soo ridanayo.

Dad Goor Dhow Koonfur Afrika ugu geeriyooday hilib Sumaysan Oo Ay Cuneen

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ku dhintay dad badan oo ku sumoobay Hilib ay isticmaaleen,iyadoo Dowladaha kala ah Namibia, Zambia Iyo Bostwana oo deris lah Koonfur Afrika ay hakiyeen hilibkii ay ka soo dhoofsan jireen Dalkaasi Koonfur Afrika.

Cudurkan ayaa ka dilacay Dalka koonfur Afrika,kaasi oo la sheegay in ay sabaabtay Bacteria loo yaqaano Listeria,taasi oo ka dhalatay hilib Warshadeysan oo Wadankaasi laga Istimaalay,iyadoo dadka dhintay ay gaarayaan ilaa 180 ruux sanadkii tagay.

Sida la aaminsanyhay asal ahaan wuxuu hilibkan ka yimid warshad ku taalla magaalada waqooyiga ah ee Polokwane ee Dalkaasi Koonfur Afrika,Balse Agaasimaha shirkadda Tiger Brands oo leh warshadda ayaa sheegay in aysan jirin wax xiriir toos ah oo ka dhaxeeya dadka dhintay ee 180-ka ah iyo badeecada shirkadda.

Xukuumadda Pretoria ee Koonfur Afrika ayaa bilowday qorshayaal looga hortagayo fiditaanka saameynta arrintani,iyadoo gebi ahaanba Bakhaarada lagu iibiyo Hilbahaasi Warshadeysan laga sifeynayo,maadaama cuduro ay ka dhasheen.

Dhanka kale Dowladda Malaawi ayaa ganacsatada Dalkeeda ka codsatay inay dukaamada iyo goobahooda ganacsi ay ka saraan hilibka laga keeno dalka Koonfur Afrika iyadoo Dowladdu ay ka baqanayso in ay dad ku sumoobaan hilibkaasi Warshadeysan.

Sidoo kale war ay soo saareen qaar kamid ah Ha’yadda qaramada midoobey ayaa lagu sheegay in la rumeysan yahay in cudurkani uu yahay caabuqa ugu wayn ee dunida oo idil ka dillaacay,kaasi oo saameyntiisa leh.

Wakaaladda Wararka Reuters ayaa qortay in ay jiraan 948 dhacdo cudurkan listeria dad uu soo ritay kaasi oo laga qaado hilibka sumaysan sanadkii 2017-kii, iyadoo Qaramada midoobay ay ku tilmaantay tiradii ugu badnayd adduunka.

Daawo Sawirada: Madaxweyne Farmaajo oo kormeer Ku Tagay xeryo ciidan oo ku yaala duleedka Muqdisho

Muqdisho, 05 Maarso 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kormeeray xeryaha ciidanka xoogga dalka ee Bangala iyo xarunta tababarka ciidanka ee Jeneraal Dhagabadan oo ku yaala duleedka magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo kormeerkiisa ka bilaabay xerada Bangala ayaa warbixinno ka dhageystay ciidamada iyo Saraakiisha Xoogga ee halkaas ku sugan, iyada oo sidoo kale uu kormeeray qeybaha kala duwan ee dhismaha xerada.

“Halkaan waxaan maanta idin kugu imid in aan idin soo kormeero oo aan arko Ciidamada iyo Saraakiisha loo diyaarinaayo in ay dalkooda, dadkooda iyo diintoodaba difaacaan.

Maanta sida qof walba ogyahay dalku waxa uu ku jiraa xaalad adag oo dagaal, xaaladda dagaalna waxaa loo baahan yahay in guud ahaan loo wada istaago difaaca Qarannimada Soomaaliyeed.” ayuu yiri Madaxweynaha oo khudbad u jeedinayey ciidamada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale kormeer ku tagay xarunta ciidanka ee Jeneraal Dhagabadan oo tababar uu uga socdo cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Ciidanka Soomaaliyeed dhabar adeyga iyo kartida ay ku tilmaamanyihiin, isagoona sheegay in maanta shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan ciidankooda sidii ay uga dulqaadi lahayeen dhibaatada ay ku hayaan argagixisada Alshabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa toddobaad kahor waxa uu kormeeray Talisyada Ciidamada Milateriga, Nabad sugidda iyo Dugsiga tababarka Booliska ee Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Taliska ciidanka Asluubta oo Magaalada Nairobi kaga qeyb galay shir muhiim ah

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxmed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo oo kasoo laabtay safar shaqo oo ay ku tageen dalka Qatar, ayaa maanta gaaray Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya,

halkaasi oo ay uga qeyb galeen Shir looga hadlayey arrimaha Xabsiyadda Soomaaliya, kaasi oo ay kasoo qeyb galeen Madax kale duwan oo Beesha Caalamka ka socda.

Shirkaan ayaa looga hadlay siddii loo sameyn lahaa tababar ku saabsan wada shaqeynta Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo Garsoorka dalka ee ku saabsan xarunta Xabsiga cusub iyo Maxkmaddaha ee (MPCC) oo ku yaala KM 7 ee Magaaladda Muqdisho,

kaasi oo dhismahiisa hadda uu marayo meel gabo gabo ah, waxaana Xabsigaan uu u dhisan yahay si Caalami ah oo la mida Xabsiyadda Wadamada Horumaray oo kale,

waxaana dhismahiisa dhismaha Xabsiga iyo Maxkmaddaha uu biloowday 2016 Xilligaasi oo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed uu ahaa S/guud Bashiir Maxamed Jaamac.

Shirkaan ka dhacay Magaalada Nairobi ee arrimaha Xabsiyada Soomaaliya looga hadlayo ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay marka laga soo tago Wafdiga uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Guddoomiyaha Maxkamada sare dalka, Wasiirka Garsoorka, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Madax kale.

“Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya ayaa maanta soo gaaray, waxaa halkaas uga qeyb galay shir looga hadlayo siddii loo sameyn lahaa tababar ku saabsan wada shaqeynta Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo Garsoorka dalka ee xarunta Xabsiga cusub iyo Maxkmaddaha ee (MPCC) oo ku yaala KM 7, Shirkaan,

waxaa igu wehliya Guddoomiyaha Maxkamada sare, Wasiirka Garsoorka, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Madax kale” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac.

Taliska Ciidanka Xogga Dalka Somalia oo Dowladda Turky-ga Ka Guddoomay Labis Ciidan Oo Dhameystiran

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka somalia ayaa guddoomay Dareeskan Ciidan oo Dowladda Turkigu ay ugu talagashey Ciidamada Cirka iyo Badda oo ka mid ah Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed,

waxaana ay ka guddoomeen saraakiil kale oo ka socotay Wasaaradad Gaashaandhiga Dalkaasi Turkiga.

Dareeskan Dowladda Turkigu ay ugu deeqday Ciidamada Cirka iyo Badda Soomaaliya ayaa isugiu jiray dhar iyo kabaha buudka ah iyo agab kale oo labiska ciidamada laxiriira,

kuwaasi oo qeyb ka ah dadaalada ay dowladda Turkigu ay ku taageerayso ciidanka Xoogga Dalka.

Munaasabad kooban oo dareeskaasi loogu wareejinayay Ciidanka Xooga Dalka ayaa ka dhacay Xeraa Tababarka Jasiira,

waxaana Taliyaasha Ciidamada Cirka iyo Badda Admiral Madey Nuurow Sheekh Ufurow iyo Maxamuud Sheekh Cali deble Baylood ay balanqaadeen in ay u maareyn doonaan sidii loogu talagalay.

“Maanta waxaan halkani ku guddoomaynaa dareeskan oo Dowlada Turkigu inoogu deeqday,mana-ahan markii ugu horeysay,

waa markii labadaa oo deeq tan lamid ah ay inoo-keento Dowladda Turkiga,waxaan dhihi karnaa waa cusub ayaa inoo baryay,

anagana waxaan balanqaadaynaa in aan u maareyno sidii loogu talagalay”.ayuu dhahay taliya Ciidamada Cirka Admiral Madey Nuurow Sheekh Ufurow

Abaanduulaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Gen. C/llaahi Cali Caanood ayaa uga mahadceliyay Dowladda Turkiga sida ay u garab taagantahay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,isagoo ku tilmaamay mid dhiiro-gelinaysa Ciidanka Xoogga Dalka.

Dowladda Turkiga oo kamid ah saaxiibada Soomaaliya ayaa dowr muuqda ku leh taageerada ay siinayso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed,sida hirgelinta mashaariic horumarineed iyo taageeridda ciidamada Qalabka sida.

Halis Xooggan Oo Kusoo Wajahan Magaalada Muqdisho Xili D F S Ay Idhaha Uun Ka Daawaneyso

Arin aad u halis badan ayaa xilligaan laga baqanayaa iney ka dhacdo magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, somalia iyadoo DFS ay indhah ka daawaneyso.

Halistaan ayaa ah sicir barar xooggan oo ka dhaca Muqdisho, maadaama ganacsatada ay ka gadoodsan yihiin in canshuur lagu soo rogo.

Haddii Labo cisho ay sii xirnaadaan bakhaarada Suuqa Bakaaraha, waxaa hubaal ah in raashiinka yare e banaanka yaalla uu qaali noqon doono.

Shacabka ku nool magaalada Muqdisho aad ayeey dhibaato ugu noqon kartaa, waxaana ayna halis ugu jiraan dhankooda soo gaarto iyaga.

Rasmi:Xarakada Al-shabaab Oo Bilaabay Iney Toogtaan Shaqsiyaad La Sheegay Iney..

Dagaal Yahanada Al-shabaab ayaa waxay bilaabeen iney dilaan shaqsiyaad la sheegay iney ka waayeen lacago baad ah, waxaana ay ku eedeynayaan iney kamid yihiin Al-shabaab.

Shalay waxay fagaare ku yaalla deegaanka Buqda ee Hiiraan ku dileen nin ay sheegeen inuu yahay askari ka tirsan DFS, waxaana lasoo ogaaday xogta ninkaasi.

Ninkaan ayaa ahaa sida la tilmaamayo reer Miyi, waxaana uu Al-shabaab ka diiday inuu siiyo xoolo baad ah oo ay ku sheegayen Sako.

Markii uu diiday ayeey soo qabten, waxaana ay ku xukumeen dil, iyagoo durba toogtay. Cabsida weyn ee jirta ayaa ah rag kale oo AL-shabaab u xareysan in iyaguna la toogto maalmaha soo aadan.