Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Wajahan Magaalada Cabudwaaq

Madaxweynaha Soomaaliya oo weli ku guda jira socdaalkiisii Gobolka Galgaduud ayaa maanta oo sabti ah ku wajahan Magaalada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Farmaajo oo xalay ku hoyday Magaalada Guriceel ayaa kulan la qaatay Maamulka degmada iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan,waxa uuna Shacabka iyo Maamulka Guriceel ku amaanay sida ay ula dagaalameen Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa waxaa booqashadiisa ku wehliya Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan,Xildhibaano, Wasiiro iyo masuuliyiin kale.

Magaalada Cabudwaaq Wararka aan ka heleyno ayaa Maanta waxa ay sheegayaan in uu ka socdo diyaar garoow ku aadan soo dhaweynta Madaxweynaha,

waxana Magaalada laga taagay Calanka Soomaaliya iyo kan Galmudug,waana Magaalada uu deegaan ahaan ka soo jeedo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.