Daawo Sawirada: Shil Diyaaradeed oo ka dhacay Garoonka Diyaaraha ee Aadan Cadde

Wararka anu ka heleyno Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay shegayaan in Goordhaw Gudaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde uu Shil Diyaaradeed ka dhacay.

Shilkaan Diyaradeed ayaa yimid kadib markii Diyaarad ay leeyihiin Midowga Yurub ay ku dhacday diyaarad kuwa shacabka ay raacaan oo taalay Garoonka Aadan Cadde.

Sidoo kale Diyaarada Shilka sameysay ayaa xilligaas rabtay inay meel Parking ah gasho, waxayna qaybta Runwayga ee Parkinada ah ugu tagtay Diyaarad kale oo xilligaasi taagneyd, sidaasina shilka uu ku dhacay, sida aan Wararka ku helnay.

Dhanka kale Sawirro laga qaaday Shilka diyaarada ayaa muujinaayay Baal ka mid ah Baalasha diyaarada oo si xun u bur buray.

Wararka qaar ayaa waxa ay tilmaamayaan in Diyaarada meesha taalay ee baalka uu ka bur buray ayaa waxaa leh Shirkad lagu magacaabo Galeyr oo sameysa safarada gudaha ee Muqdisho, xilligaasina waxa ay u taagneyd duulimaad inay qaado.

Sidoo kale Illo Wareedyo ku sugan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa ino sheegay in Labada Diyaaradood ee shilka galay ay ka daateen Shidaal badan oo ku jiray

Sawirro

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *