Guddoomiye ku Xigeenka Labaad ee Baarlamaanka oo soo dhaweeyay Maxabiis Dalka Dib loogu soo Celiyay

Mahad Cabdalla Cawad Guddoomiye ku Xigeenka labaad ee Baarlamaanka Golaha Shacabka ee Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay Maxabiistii ku Xirneed Dalka Hindiya ee maalintii shalay la keenay Dalka Hindiya ay tahay Talaabo wanaagsan oo ay qaaday Dowlada Federaalka Somaaliya.

Waxa una Guddoomiyeku Xigeenka Labaad ee Baarlamaanka tilmaamay in dhalinyarada ku Xirneed Dalka Hindiya ee ay ahayeen kuwa dhibaato kala duwan ay halkaas ku heystay,

laakin Mas’uuliyiinta dowlada somaaliya sida Ra’iisul wasaaraha,iyo sidoo kale Wasaarad kasta oo ka tirsan Dowlada Soomaaliya,

ayna Maanta Farxad weyn u tahay in Maxaabiis Soomaaliyeed oo ku Xirna Dalka dibadiisa ay ku Guleysatay in Dalkooda aygo Caafimaad qaba laga soo Celiyo.

Guddoomiye ku Xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Golaha Shacabka ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Mahad Cabdlla Cawad ayaa talaabada ay sameysay Xukuumadda Federaalka Soomaliya ay tahay shaqo aad u wanaagsan oo wax tar u leh Shacabka Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.

La Wadaag Asxaabtada Hadii Aad Ka Heshay Warbixintaan
_____________________________________________________________________

Qaran24

Mogadishu - Somalia 

Qaran24com@gmail.com

_____________________________________________________________________

Fikradaha Akhristayaasha (0)