Dhageyso: R/W Kheyre”Intii Qof Soomaaliyeed Uu Xiran Yahay Xukuumaddu Ma Nasan Doonto”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo soo dhaweeyay 42 Maxaabiis Soomaali ah oo laga keenay dalka Hindiya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku dadaaleyso siideynta kuwo kale oo weli xiran.

Waxa uu sheegay in marnaba aysan nasan doonin inta qof Soomaali ah uu ku xiran yahay dalka dibadiisa,isla markaana ay qeyb ka aheyd balan qaadkii ay horay u sameeyeen.

Sidoo kale waxa uu Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay Gacmaha isqabsadaan si ay guulo u gaaraan.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa horay dalka ugu soo celisay muwaadiniin soomaaliyeed oo ku xirnaa qaar ka mid ah Wadamada Caalamka,

waxana dadkaasi ugu dambeeyay 42 Ruux oo ku xirna dalka Hindiya balse haatan dalkooda Soomaaliya lagu soo celiyay.

Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Daawo Sawirada: Muwaadin Soomaaliyeed Oo Lagu Dilay Dalka Koonfur Afrika

Allaha u Naxariistee waxaa xalay dalka Koonfur Afrika lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaas ku Ganacsada.

Muwaadinkaan oo lagu Magacaabi jiray liibaan Cali ayaa lagu dhex dilay Goobtiisa Ganacsi oo ku taalla Xaafada Sekoro ee dalkaasi koonfur Afrika.

Kooxdii Burcada ahaa ee Ganacsadaha dilay ayaa sida la sheegay qaatay qaar ka mid ahaa gabkii Ganacsi ee u yaallay kadibna Goobta ka baxsday.

Majirto cid ilaa iyo hadda loo qabtay dilkaas,waxaana dalka Koonfur Afrika ku soo batay dilalka loo geysanayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku Ganacsanaya dalkaasi koonfur Afrika.

Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Wajahan Magaalada Cabudwaaq

Madaxweynaha Soomaaliya oo weli ku guda jira socdaalkiisii Gobolka Galgaduud ayaa maanta oo sabti ah ku wajahan Magaalada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Farmaajo oo xalay ku hoyday Magaalada Guriceel ayaa kulan la qaatay Maamulka degmada iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan,waxa uuna Shacabka iyo Maamulka Guriceel ku amaanay sida ay ula dagaalameen Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa waxaa booqashadiisa ku wehliya Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan,Xildhibaano, Wasiiro iyo masuuliyiin kale.

Magaalada Cabudwaaq Wararka aan ka heleyno ayaa Maanta waxa ay sheegayaan in uu ka socdo diyaar garoow ku aadan soo dhaweynta Madaxweynaha,

waxana Magaalada laga taagay Calanka Soomaaliya iyo kan Galmudug,waana Magaalada uu deegaan ahaan ka soo jeedo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.