Halis Xooggan Oo Kusoo Wajahan Magaalada Muqdisho Xili D F S Ay Idhaha Uun Ka Daawaneyso

Arin aad u halis badan ayaa xilligaan laga baqanayaa iney ka dhacdo magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, somalia iyadoo DFS ay indhah ka daawaneyso.

Halistaan ayaa ah sicir barar xooggan oo ka dhaca Muqdisho, maadaama ganacsatada ay ka gadoodsan yihiin in canshuur lagu soo rogo.

Haddii Labo cisho ay sii xirnaadaan bakhaarada Suuqa Bakaaraha, waxaa hubaal ah in raashiinka yare e banaanka yaalla uu qaali noqon doono.

Shacabka ku nool magaalada Muqdisho aad ayeey dhibaato ugu noqon kartaa, waxaana ayna halis ugu jiraan dhankooda soo gaarto iyaga.

Rasmi:Xarakada Al-shabaab Oo Bilaabay Iney Toogtaan Shaqsiyaad La Sheegay Iney..

Dagaal Yahanada Al-shabaab ayaa waxay bilaabeen iney dilaan shaqsiyaad la sheegay iney ka waayeen lacago baad ah, waxaana ay ku eedeynayaan iney kamid yihiin Al-shabaab.

Shalay waxay fagaare ku yaalla deegaanka Buqda ee Hiiraan ku dileen nin ay sheegeen inuu yahay askari ka tirsan DFS, waxaana lasoo ogaaday xogta ninkaasi.

Ninkaan ayaa ahaa sida la tilmaamayo reer Miyi, waxaana uu Al-shabaab ka diiday inuu siiyo xoolo baad ah oo ay ku sheegayen Sako.

Markii uu diiday ayeey soo qabten, waxaana ay ku xukumeen dil, iyagoo durba toogtay. Cabsida weyn ee jirta ayaa ah rag kale oo AL-shabaab u xareysan in iyaguna la toogto maalmaha soo aadan.

Warbixin: MAXAAD KA FAHAMSAN TAHAY CANSHUURTA IIBKA – VAT?

Wasaaradda Maaliyadda ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay dib u billowday inay qaaddo lacagta canshuurta iibka, Value Added Tax (VAT) oo ganacsiga dalka ka marneyd tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe sanadkii 1991.

Canshuurtan oo ah nooc ka mid ah canshuurta aan tooska ahayn waxaa lagu dalacaa qofka macmiilka ah ee badeecada iibsada ama loo qabto adeeg ganacsi la xiriira. Waxaa soo diyaarisa wasaaradda maaliyadda si la mid ah canshuuraha kale.

Amiin Jamaal oo bare ka ah kuliyadda dhaqaalaha ee Jaamacada Plasma ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in canshuuraha ay dowladda qaaddo ay kala duwan yihiin. Waxay noqon kartaa canshuur toos ah oo ay dowladda ka qaaddo goobaha ganacsi ee hela faa’iidooyinka, kirooyinka iyo hantida ama waxay noqon kartaa canshuur aan toos ahayn.

“Waxaa ka mid ah canshuurtan iibka oo halkii uu bixin lahaa ganacsadaha uu ku dallacayo qofka ganacsigiisa iibsada,” ayuu yiri.

Yaa go’aan ka gaara qaadista canshuurta iibka?

Wasaaradda Maaliyadda ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa go’aan ka gaarta qadarka laga dhigayo lacagtan oo loo xisaabiyo qaab boqolley ah (Percentage). Wasaaraddu waxay hadda ku billowday canshuurta iibka qadar gaaraya 5%, sida uu sheegay wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo shir jaraa’id ku faahfaahiyay canshuurtan VAT.

Amiin Jamaal ayaa aaminsan sababta ay dowladda u yareysay qadarka lacagtaas canshuurta ah ay tahay si ay uga fogaato inay dadka dhibsadaan, kaddibna ay kacdoon sameeyaan.

Tan ayaa qeyb ka ah canshuuraha ay dowladda Soomaaliya isku dayeyso inay hirgeliso. Waxaa ku jira canshuuraha laga bixinayo alaabaha ganacsiga, faa’iidada ganacsatada ay helaan marka ay xiraan xisaabta sanadka iyo mushaarka shaqaalaha.

Dowladda ayaa dooneysa inay wax ka beddesho nidaamka dhaqaale ee canshuurta dekedda, ganacsataduna diiddan yihiin, waxayna taas sababtay in ay maalmo hakadaan howlihii dekedda.

Sidee ayay dadku uga falceliyeen?

Dad badan ayaa baraha bulshada uga aragti dhiibtay doodda la xiriirta canshuurta iibka. Hoos ka arag qaar aan sawir ahaan u soo min-guurinnay.

Shacabka ku nool magaalada Muqdisho oo ah halka canshuurta iibka dib looga billaabay, aad uma fahamsana intooda badan canshuurta noocaan ah.

Maxamuud Gayfane oo dhaqaalaha uga baxay Jaamacadda Muqdisho ayaa ku doodaya in aysan weli muuqan hannaan goob kasta oo ganacsi canshuurtan looga qaadayo.

“Canshuurtan waa mid kordhineysa dakhliga gudaha ee dowladda soo gala, balse aniga iima muuqdo hannaan goob kasta oo ganacsi canshuurtan looga qaadi karo. Waayo waxaad mooddaa inay ku kooban tahay goobaha ganacsi ee ay dowladda gaari karto sida hoteellada ku yaalla [waddada] Maka Al Mukarama balse aan laga wada qaadi karin goobaha ganacsi ee ku yaalla suuqa Bakaaraha sababo la xiriira ammaanka,’’ ayuu yiri Gayfane.

Inkastoo qaar ka tirsan ganacsatada leh maqaayadaha waaweyn iyo hoteellada ay durbadiiba la qabsaden canshuurta iibka haddana waxaa la rumeysan yahay inay jiraan ganacsato badan oo aan si fiican u fahmin.

Daahir Cabdullaahi Nuur oo ah milkiilaha dukaan weyn oo ku yaalla Muqdisho ayaa aaminsan inay habboonaan lahayd marka hore in ay dowladda sameyso wacyigelin. Wuxuu muhiim u ahaa in bulshada la baro bixinta canshuuraha iyo dhamaan noocyada canshuuraha oo ay wasaaradda maaliyadda qaaddo.

“Aniga lafteyda wax badan kama maqlin canshuurtan,” ayuu yiri.

Soomaaliya oo dhowr iyo labaatan sano ku jirtay dagaallo sokeeye, isla markaana ay ka maqneyd dowlad shaqeyneysa ayaa hadda u muuqata inay soo kabaneyso. Amniga ayaa soo hagaagaya, hay’ado dowladeed oo si buuxda u shaqeynaya ayaana jira inkastoo adeegyadooda uusan dalka oo dhan ku baahsaneyn.

Daawo Sawiradda: Sida loogu kala Cararay Maanta Suuqa Bakaaraha & Shaqo Joojinta lagu Dhawaaqay oo Keentay in……..

Guud ahaan waxaa saaka xiran Ganacsigii Suuqa ugu weyn ee Soomaaliya ee Bakaaro, kaddib markii uu dhaqan galay go’aan shalay ka soo baxay Ganacsatada Gobolka Banaadir, kaasoo ay ku sheegeen ina shaqo joojin sameynayaan wixii ka bilowda maanta oo Axad ah.

Ganacsatada ayaa ka cabanaya canshuur dheeri ah oo lagu soo rogay, waxaana shaqo joojintan ay jawaab u tahay canshuurta Wasaaradda Maaliyadda ku soo rogtay Ganacsatada.

Xirnaanshaha saaka ee Suuqa Bakaaraha ayaa saameyn ku yeelatay dadka ka xoogsada ee maalin walba nolol maalmeedkooda ka soo dhacsan jiray, waxaana si guud albaabada loo laabay qeybaha ganacsiga ee uu ka kooban yahay suuqa.

Madaxda dowladda Federaalka ayaa wali wax jawaab ah ka soo saarin cabashada ganacsatada iyo xirnaanshaha suuqa weyn ee bakaaraha, waxaana hadii ay sii socoto xirnaanshaha laga cabsi qabaa inay keento sicir barar.

Warkii ugu cuslaa oo kasoo kordhay Jiidaha hore ee Tukaraq & Ciidamadii ugu badnaa Puntland oo iskaga baxay goobihii…..

Wararka haatan laga helayo deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ay baneeyeen jiidaha hore ee deegaankaasi Tukaraq oo ay isku hor fadhiyaan ciidamada maamulka Somaliland.

Wararku waxa kale oo ay intaasi kusii darayaan in ciidamadani oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka isla markaasna gaadhaya ilaa 30 Tikniko ah iskaga baxeen jiidihii ay kaga sugnaayeen deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool kadib markii khilaaf xoogani uu soo kala dhex galay saraakiisha hogaamisa ciidamadaasi iyo taliska sare ee ciidamada Puntland.

Khilaafkani ayaa lagu sheegay in uu salka ku hayo xiisadaha dagaal ee ka taagan deegaankaasi Tukaraq oo ay codsadeen saraakiisha ciidamadani in xaalad dagaal lagu wajaho ciidamada maamulka Somaliland taas oo sababtay in is fahmi waa uu soo kala dhex galo labada dhinac.

Ciidamadani ka baxay jiidaha hore ee deegaanka Tukaraq ayaa afka saaray deegaano ka tirsan gobolka Bari oo ay ka yimaadeen markii hore, waxaana qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay QARAN24.COM ay sheegeen in saaka ciidamadaasi ay ka amba baxeen deegaanka.

Dhanka kale taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland Gen. Siciid Dheere oo kamid ahaa shakhsiyaadka ay is fahmi waayeen hogaamiyaasha ciidmadaasi ayaa isna laga yaabaa in uu is casilo kadib markii Xukuumadda madaxweyne Gaas ay ku fashilantay wax ka qabashada duulaanka ciidamada maamulka Somaliland iyo ka jawaab bixintiisa oo uu sheegay taliyuhu in lagama maar maan ay tahay in xaalad dagaal haatan lagu wajaho ciidamada maamulka Somaliland.

Inkastoo ilaa iyo hada aanan kala cadeyn mawqifka madaxweyne Gaas uu ka qaadan doono xaalada deegaanka Tukaraq ayaa hadana waxaa jira cadaadisyo xoogan oo Puntland ka hor istaagaya in dagaal ay ku wajahdo deegaanka Tukaraq iyo Somaliland.

War Deg Deg Ah: Wafdi ka socda Igad iyo Muuse Biixi oo Hargeysa ku yeeshay kulan xasaasi ah oo ku saabsan xaalada Tukaraq iyo Muuse Biixi oo loo geeyay waraaq uga timid…….

Wafdi ka socda urur gobolleedka IGAD oo u hoggaaminayo wakiilka IGAD ee Soomaalida, Amb. Maxamed Guyo ayaa maanta tagay magaalada Hargeysa,

waxaana xarunta madaxtooyadda ay kulan gaar ah kula qaateen madaxweynaha Soomaaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo mas’uuliyiin kale.

Warsaxaafadeed ay madaxtooyadda Soomaaliland kulanka ka soo saartay ayaa lugu sheegay qodobbadii laga wadahadlay inay qeyb ka ahayd xiisada ka taagan deegaanka Turkaraq.

balse Biixi ayaa wafdiga u sheegay inaysan Soomaaliland duulaan ahayn oo ay ku suganyihiin dhul ka durugsan 70 km xadkooda, sida ku cad warsaxaafadeed.

Inta uu kulanka socday waxaa kalo looga hadlay nabadgalyadda guud iyo horumarka, madaxweynaha Soomaaliland ayaa wafdiga warbixin ka siiyay xaaladda guud ee deegaannada.

Warar madax bannaan oo ay heshay QARAN24.COM ayaa sheegaya in Muuse Biixi loo geeyay qoraal beesha caalamku uga codsanayso inuu ciidamadiisa kalasoo baxo degmada Tukaraq islamarkaana uu baajiyo inuu dagaal dhaco.

Laakiin, Muuse Biixi ayaa diiday codsigaas isagoo sheegay inuu ciidankiisu ku sugan yihiin meel ka sokaysa xuduudiisa oo u jirta 70km,

isagoo ku gacan sayray baaqaas una sheegayb wafdiga inuusan halkiisa ka dhaqaaqayn, dagaalna diyaar u hayan, haddii aan lasoo weerarin ciidamadiisa ku sugan Tukaraq.

Somalia deynaysa the 20 children of the migrants stranded in Libya

Tunis- (News) At least twenty children of the people in the refugee camps in Libya and survived hand smugglers expected to return refugees to Somalia.

Maryam Yusuf Haji Yusuf, a special envoy of the government to accept the rights of migrants, one of the delegates to the federal government sent there traveled to Libya and Tunisia, said he is now going efforts on the large back to country.

Mary and informed Cabinet of the VOA said that there are many children with a range of problems, some of whom have now won back soon, while the rest of the time will be the next release.

Special Representative added that Somali immigrants in Libya where abuses have serious and life of xorriyaddaba.

Mary has expressed concern over the acute crisis in magafayaashu abuse and rescue, mainly in the areas Libyan custody or places to hide secret agents of the security agencies.

Children are expected to return to Somalia and some of the migrants told the delegation from the federal government and IOM officials to take more than money to claim magafayaashu, but not punishing haysashaduba no time.

People Somali migrants left Libya on estimates of people, mostly young people, who are subjected to rape and torture and punish some hot die.

Federal Government has during the year-old was worked in creative to prisons and other places of haystoba release from prison inmates, many different ways.

National television and a new facility opened in the United States in Columbus

States (News) -The Foreign Affairs and International Cooperation Ahmed Jesus clashes displace thousands, and Development in the United States arrived at the new National Television opened in Columbus, Ohio, USA.

The Minister first met with staff at the National Television of Columbus, where he praised the work will continue and persevere showed prolonged activity during their efforts and further showed.

HE; Somaliland clashes displace thousands and be the first to speak at the National TV Columbus has a great honor for him to meet with the opening of the new center, and reiterates that individuals deserve praise and xusuusba as volunteer together howlay project.

Some of the Somali community in the state of Ohio in the United States also welcomed the opening of a new center of the Somali National TV, and has a special appreciation for the implementation of the youth center effort.

State TV in Ohio State has a free and difficulties in working for seven years, but it is the first time that there is a larger facility to meet the needs of the national media in the region.

How the world sees looga security and international energy summit in Germany

Germany- (News) -The city of Munich in Germany on Sunday afternoon at the annual conference of looga to security, which is the largest type of the globe.

Senior officials, leaders, ministers, high-level and policy becoming attend the conference wide, which will participate the crisis in Syria, the standard relating to bohoobay NATO and Russia, as well as the withdrawal of Britain from the EU.

The most looga xiriirga to NATO’s upcoming roadmap since the leadership of the White House in the United States took control looga Jey Donald Trump.

The high-level meeting in which he is one of the US Secretary of Defense James Mattis, and the Security Adviser to President Trump, along with senior members of the Senate from the state.

The problem is coming from Syria is to the interests of Turkey and the TFG Washington, while Britain’s withdrawal from the European Union have come out in the way the two sides, and bottom of Prime Minister Theresa May wants to present a proposal to address the meeting on the morning of the next.

The international security looga speak, held since mid-dameeyadii 60, has the opportunity not only to produce statements and speeches on the turn but was also held meetings with a variety of spectacular.

War Deg Deg Ah:(Daawo)Dagaalkii Puntland & Somaliland oo gudaha u galay Wada hadalada Somalia Iyo Somaliland + Isimadda Puntland oo ku dhawaaqay…….

Xilli dhawaan laga yaabo in wada hadal ay ku yeeshaan dalka Jabuuti dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa waxaa arintaasi ka hadlay Isimadda dhaqanka Puntland,

iyagoona sheegay in xiligani loo baahnayn in wada hadal uu dhex maro labada dhinac maadaama xiisado dagaal ay u dhaxeeyaan Puntland iyo Somaliland.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA