War Deg Deg Ah: Guddigii dhisay dekeda macmalka ah ee Bosaso oo ku dhawaaqay war ka caraysiindoona DP-World iyo Sheikh Fu’aad Aflow oo sheegay inay canshuurayaan hantida Dooonta saaran.

Warbixin laga diyaariyey caawa gurmadka loo fidinayo doonta iyo shaqada habeenkii xitaa socota ayaa lagu wareystay Shiikh Fu’aad Aflow oo hogaamiye u ah howgalka gurmadka.

Markuu sheegay inuu guddoomiye u yahay howsha socota, ayaa la weydiiyey cidda u dooratay? Wuxu sheegay in ganacsatadii Ku tashatay badbaadinta doonta ay guddi sameeyeen sidaasina isaga Ku doorteen.

Doonta waxaa saaran kharash ahaan waxaa hore loogu sheegay qiime aan fadhin, mar waxa la yiri $9Millon mar $7Million, Shiikh Fu’aadna wuxuu sheegay.”waxaa saaran doonta $8.5Millon badeeco gaaraysa”.

Waxa ugu badan ee saaran waa gawaari illaa 50gaari, celcelis ahaan midkii hadii uu $5000 yahay waa $250,000 raashiinka iyo bagaashka kale miyaa dhowr Million ah? ayaa mar kale la weydiiyay Sheikh Fu’aad.

Shiikhu wuxuu aqbalay cadadka gaadiidka iyo qiimahiisa balse wuxu raaciyey in raashin badana saaranyahay, wuxuu intaasi ku daray in qoraal lagu soo rarray doonta ay ka qiyaaas qaateen.

Cashuurta Dowladdu ka dhaaftay doonta caariday ayuu soodhoweeyay Shiikh Fu’aad, kadibna waxaa la weydiiyey idinku ma kharash baa ka qaadeysaan?

Wuxuu sheegay in kharash badan galay gurmadka iyo meesha la dhisay, kharashkaasi oo loo saaray guddi qiimeeya, sidaasi darteed ay jiri doonto wax laga qaadayo badeecada saaran doonta.

Sowmahan inaa idinku cashuureysaan? Ayuu mar kale weriyuhu weydiiyeey. Wuxuu dhahay maya ma cashuureyno ee iyaga ganacsatadu wax uun sameyn doona maadaama howlbadan la galay.

Mustaqbalka dekadda macmalka ah waxaa uu shiikhu ii sheegay in looga faa’ideysanayo siyaabo badan sida meel dalxiis, meel kalluumaysatadu isticmaasho,

wuxuu isheegay inaysan macquul aheyn in la baab’iyo meesha kharashka la geliyey ee Habeen iyo maalin la dhisayey.

9 cisho oo habeen iyo maalin la shaqeynayey ka dib waxaa reer Boosaaso sugayaan beri inta qoraxdu kasoo baxayso si Doonta loogu billaabo dejinta alaabta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *