War Deg Deg Ah:- Raysal Wasaaraha cusub ee Ethiopia oo Goordhow lagu dhawaaqayo! Waa kuma ninka ugu cad cad?

Gollaha wasiirada ee Isbahaysiga xukuma wadanka ethiopia ee EPRDF ayaa la filayaa inay maalinta beri ee Jimcaha doortaan ninka bedeli doona ra’isul wasaarihii hore ee Ethiopia Hailemariam oo maanta iscasilay.

Saddex nin ayaa loo badinaya in midkood la doorto, Wasiirka arrimaha dibada ee Ethiopia Workneh Gebeyehu oo ka soo jeeda Qowmiyada Oromada.

Ku-xigeenka ra’isul Wasaaraha Ethiopia Demeke Mekonnen oo ka soo jeeda qowmiyada Axmaarada iyo Lema Megersa oo ah madaxweynaha Ismaamul goboleedka Oromiya oo ahayd degaanka tiir dhexaadka u ahayd kacdoonka looga soo horjeedo maamulka federaalka Ethiopia.

Haddii ra’isul wasaaraha ethiopia loo doorto siyaasi ka soo jeeda Qowmiyada Oromada oo tiro ahaan ugu badan dalkaasi, waxay noqonaysaa markii u horraysay ay qabtaan jagada wadanka ugu awooda badan.

Hase yeeshee waxaa laga cabsi qabaa in arrintaasi dhaliso in Qowmiyadaha Tigreega iyo Soomaalidu ay ku dhawaaqaan madaxbanaani…

NB: Xiriirka Soomaalidu iyo Oromadu wuxuu marayaa meeshii u hoosaysay muddo 200 sanno ku dhow… sidoo kale xiriirka Axmaarada iyo tikreegu ma wanaagsana..

Aragtidiina ka dhiibta, Maxay idiinla tahay, haddii Ra’isul Wasaare ka soo jeeda Oromiya la doorto?, Muxuu noqonaya xiriirka Soomaalida iyo ethiopia?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *