War Deg Deg Ah: Wafdi ka socda Igad iyo Muuse Biixi oo Hargeysa ku yeeshay kulan xasaasi ah oo ku saabsan xaalada Tukaraq iyo Muuse Biixi oo loo geeyay waraaq uga timid…….

Wafdi ka socda urur gobolleedka IGAD oo u hoggaaminayo wakiilka IGAD ee Soomaalida, Amb. Maxamed Guyo ayaa maanta tagay magaalada Hargeysa,

waxaana xarunta madaxtooyadda ay kulan gaar ah kula qaateen madaxweynaha Soomaaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo mas’uuliyiin kale.

Warsaxaafadeed ay madaxtooyadda Soomaaliland kulanka ka soo saartay ayaa lugu sheegay qodobbadii laga wadahadlay inay qeyb ka ahayd xiisada ka taagan deegaanka Turkaraq.

balse Biixi ayaa wafdiga u sheegay inaysan Soomaaliland duulaan ahayn oo ay ku suganyihiin dhul ka durugsan 70 km xadkooda, sida ku cad warsaxaafadeed.

Inta uu kulanka socday waxaa kalo looga hadlay nabadgalyadda guud iyo horumarka, madaxweynaha Soomaaliland ayaa wafdiga warbixin ka siiyay xaaladda guud ee deegaannada.

Warar madax bannaan oo ay heshay QARAN24.COM ayaa sheegaya in Muuse Biixi loo geeyay qoraal beesha caalamku uga codsanayso inuu ciidamadiisa kalasoo baxo degmada Tukaraq islamarkaana uu baajiyo inuu dagaal dhaco.

Laakiin, Muuse Biixi ayaa diiday codsigaas isagoo sheegay inuu ciidankiisu ku sugan yihiin meel ka sokaysa xuduudiisa oo u jirta 70km,

isagoo ku gacan sayray baaqaas una sheegayb wafdiga inuusan halkiisa ka dhaqaaqayn, dagaalna diyaar u hayan, haddii aan lasoo weerarin ciidamadiisa ku sugan Tukaraq.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *