Wasiir Ka Tirsan Wasiirada Somalia oo Ka Hadlay Arinta La Xiriirta Dacwada Bada Ee Somalia Iyo Kenya

Warar xog-ogaal ah oo aan ka helnay magaalada Nairobi maanta oo ay taariikhdu tahay 07/02/2018, waxay sheegayaan in uu kulan qarsoodi ah dhexmaray Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Avv. Xassan Xaaji Xuseen iyo Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Kenya Githu Muigai.

Sida ay xogtu caddaynayso waxyaabihii ay ka wada hadleen waxaa ugu muhiimsan sidii dawladda Soomaaliya iyo dawladda Kenya ay u furi lahaayeen wadahadal khuseeya arrimaha dacwadda badda ee ka dhaxaysa labada dal Kenya iyo Soomaaliya, taasoo ay dawladda Kenya horay u codsatay in wadahadal lagu dhammeeyo murankaas.

Isla markaana Soomaaliya ay ka tanaasusho dacwadda ka furan Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (Hague), taasoo sida xogta sheegayso Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Avv.

Xassan Xaaji Xuseen uu ballanqaaday inuu kala shaqaynayo dawladda Kenya sidii ay Soomaaliya ugu tanaasuli laheyd dacwaddaa arrintana ku soo celiyo miiska wadahadalka.

Waxaa la ogsoon yahay in Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Kenya uu yahay madaxa hoggaanka dacwadda u qaabilsan Kenya sidoo kalana Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya oo ah shakhsi ku cusub siyaasadda Soomaaliya ayaa isaguna ah mid asal ahaan ka soo jeeda Kenya.

Tallaabadan uu Wasiirku qaaday waxay saamaynaysa masiirka iyo qaranimada Soomaaliya,Waana tallaabo uu iskii u qaaday.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *