Maxaan Ku Soo Arkay Muqdisho 30-Kii Maalmood Ee Aan Joogay?
Waxaan Muqdisho imid galabnimo Jimco ah, waxaana markiiba u gudbay guriga hooyaday oo ku yaalla magaalada. Habeenkii waan seexday, subaxdii saaxiibbaday oo aan yaraantayadii soo wada koray, kuwaas oo intooda badan ka shaqeeya amniga Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, ayaa ii yimid. Waxaa ka mid ahaa saraakiil ka tirsan booliska, milatariga, iyo nabadsugidda.
Raggaan aan la kulmay ma aha shaqsiyaad caadi ah—waa geesiyaal si toos ah Al-Shabaab ula dagaallamaya, intooda badanna waa askar iyo saraakiil Al-Shabaab hore ugu xukuntay dil toogasho. Waxaa ku jiray saraakiil la isku dayay in la dilo sanadkii 2009, balse ka badbaaday in ka badan 5 jeer si dhuumaaleysi ah iyo waliba furimaha dagaalka. Raggan cadaawadoodu waa mid fog—waxay doonayaan in Al-Shabaab laga ciribtiro dalka, si aan Soomaaliya dib ugu noqoto dowlad amni iyo xasilooni leh.
Xogaha Aan Ka Helay Muqdisho
Dhalinyaradii aan la kulmay waxay ii sheegeen in Al-Shabaab aysan keligood awood ku lahayn Soomaaliya, balse ay ku tiirsan yihiin xoog ajnabi ah, ganacsato lacagtooda la shaqaysata, iyo siyaasiyiin damac leh oo ka hortagaya in Soomaaliya hesho dowlad adag. Waxaa ka mid ah:
- Ganacsato si dadban ula shaqeeya Al-Shabaab, kuwaas oo isticmaalaya lacagaha ay shacabka ka dhacaan.
- Siyaasiyiin xil doon ah, kuwaas oo aan dooneyn in la sameeyo dowlad adag si ay xukunka ugu sii nagaadaan.
- Hay’adaha caalamiga ah, gaar ahaan Qaramada Midoobay, oo mar kasta Soomaaliya ka bixinaya warbixin been abuur ah si loogu sii hayo xaalad daciifnimo.
Xaaladda Dagaalka iyo Milatariga Soomaaliya
Waxaan fursad u helay in aan booqdo furimaha dagaalka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe. Waxaa ii suurtogashay in aan la kulmo saraakiisha sirdoonka iyo ciidanka difaaca ee ka hawlgala baraha kontoroolka, kuwaas oo si dhow ula socda dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.
Xaqiiqda aan ogaadey:
- Al-Shabaab Wuu Wiiqmay – Saddexdii sano ee la soo dhaafay, Al-Shabaab waa burburay milatari ahaan, dhaqaale ahaan, iyo fikir ahaan.
- Milatari ahaan: Inta badan dagaalyahannadoodii khibradda lahaa waa la dilay, ragga harayna waa tiro aad u yar oo feejigan.
- Dhaqaale ahaan: Waxaa lagu soo rogay xayiraado dhaqaale, waxaana si dhow loola socdaa dhaq-dhaqaaqooda maaliyadeed. Maalin kasta waxaa la qabtaa lacag loogu talagalay Al-Shabaab, taasoo mararka qaar laga soo diro dibadda.
- Fikir ahaan: maagaalooyinka waaweyn iyo tuulooyinka dadka badan ku noolyihiin Al-Shabaab hadda waxaa loogu yeeraa Khawaarij. Taageeradoodii bulsho aad bay u yaraatay, taasoo sababtay in dadku ka fogaadaan fikirka xagjirka ah.
- Halista Ugu Weyn ee Al-Shabaab Maaha Soomaaliya, Ee Waa Dalalka Deriska
- Kenya & Itoobiya: Sirdoonka ayaa ii sheegay in dagaalyahannada Al-Shabaab ee hadda la qabto ay badankood ka yimaadeen xeryaha qaxootiga ee Kenya ama gudaha Itoobiya, gaar ahaan dadka ka faa’iidaysanaya xaaladda dhaqaale ee ka jirta Itoobiya.
- Al-Shabaab dadka ay ka qortaan waddamadaas waxay ula dhaqmaan sidii adoomo – haddii qofku isku dayo inuu baxsado, waa la dilaa.
Talooyinka Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed
Ciidanka aan booqday waxay sheegeen in xalka ugu weyn ee la dagaallanka Al-Shabaab uu yahay adeegsiga drones si loola socdo dhaq-dhaqaaqooda. Waxay si gaar ah u tilmaameen:
- Dowladda Soomaaliya waa in ay hesho drones wax basaasa si ay u ogaadaan dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab maalin iyo habeen.
-
Shirkadaha Dowlada Soomaaliyeed siiso qandaaraasyada oo ka faaiida dowlada waa in ay qayb ka noqdaan dagaalka Al-Shabaab, sida shirkadda Sahal express oo oo kale, waa in ay done soo gadaan kadibna ay iyagu maamulaan qarashka ka bixiyaan oo ay noqdaan private compnay la shaqeeya ciidanka xooga dalka Somaliiyed. maalgelinaya teknoolojiyadda dagaalka waa muhiim qurbo joogta waxaa looga baahanyhay in ay soo diraan quburo aan laheeb dano siyaasadeed oo ka caawiya ciidnak xooga dalka Somalia dhinaca hormarinta teknoolojiyada, iyo aqbaaraad xogta guud. Haddii ciidanka loo helo drones si ay Al-Shabaab ula socdaan, waxay sheegeen in aysan Soomaaliya u baahnayn ciidamada Midowga Afrika (AU) iyo Qaramada Midoobay (UN) – dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa filan kara difaaca dalkooda.
Gabagabo
Waxaa muuqata in dagaalka Al-Shabaab uu yahay mid guul laga gaaray, balse waxaa wali jira caqabado dibadda iyo gudaha ka imanaya.
- Al-Shabaab gudaha Soomaaliya in ay dagaalamo yaal ka qortaan waa yaraatey , laakiin waxay heleen xoogag cusub oo ka imaanaya Kenya iyo Itoobiya, taasoo u sahlaysa in ay dad cusub qortaan, maxaa wacay xaalada dhaqaale oo kajira wadamad dariska ka ah.
- Xal la’aanta siyaasadeed ee dalka ka jirta iyo mas’uuliyiinta damacooda gaarka ah eegaya waxay sii dheereeyaan dagaalka.
- Haddii Soomaaliya yeelato istiraatiijiyad ganacsi iyo teknooloji oo la xoojiyo ciidamada xooga dalka Somalia , Al-Shabaab waa laga takhalusi karaa.
Dalkaan waxa uu u baahan yahay hoggaan adag Sida HASSAN SHEIKH oo fahamsan halka uu cadowgu ka imaanayo, loogana baahan yahay in la mideeyo ganacsatada, sirdoonka, iyo farsamada casriga ah si loo ciribtiro Al-Shabaab. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waa diyaar, balse waxa ay u baahan yihiin taageero si buuxda.
W/Q: [Osman Omar]