Tuesday, July 1
Soomaaliya Lama Kala Jari Karo: Jawaab Cad oo Ka Dhan ah Sheegashada Gooni-Isu-Taagga Somaliland

Muqdisho – Juun 202

Tan iyo 1991, maamulkii hore ee Waqooyiga Soomaaliya ee isku magacaabay “Jamhuuriyadda Somaliland” waxa uu si iskiis ah ugu dhawaaqay inuu ka go’ay Jamhuuriyadda Soomaaliya. Inkasta oo ay sheeganayaan in ay yihiin dal madax-bannaan oo xorriyaddiisa qaatay 26-kii Juun 1960, haddana arrintaasi ma haysato sal sharciyeed oo sugan oo ay ku burburin karaan midnimadii Soomaaliyeed ee dhidibada u aasantay 1-dii Luulyo 1960.

Qormadani waxay si cad u muujinaysaa sababta aysan Somaliland u lahayn xaq sharci ah oo ay ku go’i karto iyada oo aan oggolaansho ka haysan dowladda Soomaaliya, islamarkaana aysan jirin dowlad adduunka ka tirsan oo aqoonsatay.

Midnimadii 1960: Go’aan Iskeed ah oo Sharciyeed

Gobolka British Somaliland waxa uu xornimada ka qaatay Boqortooyada Ingiriiska 26-kii Juun 1960. Sharciga Ingiriiska ee Somaliland Independence Act 1960 iyo dhambaalka Boqoradda Elizabeth II oo lagu daabacay The London Gazette ayaa si cad u sheegay in Somaliland ay noqotay dal madax-bannaan.

Laakiin 5 maalmood kaddib, 1-dii Luulyo 1960, waxay si isku raacsan ula midoobeen Soomaaliya Talyaanigu maamulayey (Trust Territory of Somalia), si loo dhiso Jamhuuriyadda Soomaaliya.Tani waxay ahayd mid ku saleysan rabitaanka shacabka Soomaaliyeed ee waqtigaas lahaa hal himilo: Midnimo Soomaaliyeed.

Ma Jirtay Laba Dal oo Soomaali ah oo UN-ka si kal Gaar ah Xubno ugu Noqday?

Maya. Marka la gaaray 1-dii Luulyo 1960, UK iyo Italy waxay si wadajir ah ugu gudbiyeen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay codsi lagu aqoonsanayo hal dal: Jamhuuriyadda Soomaaliya. Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka waxay aqoonsadeen hal dowlad Soomaaliyeed, mana jirin wax waqti ah oo labada gobol si gaar ah u helay xubinnimada Qaramada Midoobay.

Waxaa taas ka dhigan in beesha caalamka ay keliya aqoonsatay hal Somali ah tan iyo 1-dii Luulyo 1960. Sharciga Caalamiga: Lama Kala Jari Karo Dal Madax-bannaan Iyadoo aan Oggolaansho Laga Haysan Qodobka 2(4) ee Axdiga Qaramada Midoobay iyo Qaraarka Golaha Guud ee UNGA 2625 (1970) waxay si cad u dhigayaan:

“Ma jirto wax oggolaanaya ficil kasta oo kala qaybiyayaa ama dhaawacayaa midnimada dhuleed iyo siyaasadeed ee dowlad madax-bannaan.”

Sidoo kale, Midowga Afrika waxa uu ku adkaystay mabda’a uti possidetis juris — ilaalinta xuduudaha gumeysigu ka tagay , taas oo suurtagelinaysa in la ilaaliyo midnimada dowladaha Afrika. Midowga Afrika waxa uu si cad uga soo horjeestay aqoonsiga Somaliland, isagoo ka digay burburka xuduudaha qaaradda oo dhan.

Sheegashada 35 Dowladood oo Aqoonsaday Somaliland , Ma Leedahay Sal Sharci Ah?

Doodaha Somaliland waxaa ka mid ah sheegashada ah in “35 dowladood” ay aqoonsadeen mudadii gaabnayd ee ay madax-bannaaneyd (26–30 Juun 1960). Laakiin:

Ma jirto wax liis rasmi ah oo dowladahaas caddeynaya.
Ma jiraan dukumintiyo diblomaasi ah, is-weydaarsi safaaradeed, ama heshiisyo muujinaya xiriir rasmi ah.
Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, IGAD iyo beesha caalamka oo dhan waxay si buuxda u aqoonsan yihiin hal dowlad Soomaaliyeedtan iyo 1-dii Luulyo 1960.

Sidaas darteed, sheegashadaasi waa mid siyaasadaysan, balse aan lahayn wax caddayn sharci ah.

Ma Jiraa Sabab Bani’aadantinimo oo Somaliland U Ogolaanaya Gooni-Isu-Taag?

Mabda’a remedial secession (gooni-isu-taag sababo bani’aadantinimo darteed) waxa uu u oggolaan karaa gobol ka mid ah dal inuu go’o marka ay jiraan:

Xasuuq ama falal isir sifayn ahFaquuq nidaamsan Tacaddiyo dowladeed oo ballaaran

Laakiin Somaliland:

Waxay si ikhtiyaari ah ula midoowday Soomaaliya 1960;Ma la kulmin xasuuq, gumeysi ama faquuq nidaamsan;Ma jirto maxkamad caalami ah oo u xukuntay in ay xaq u leedahay gooni-isu-taag.Sidaa darteed, sharciga caalamiga ah ma siinayo Somaliland xaq ay iskeed ugu go’i karto.

Aftidii Dastuurka June 20th 1961 Caddayn Sharciyeed oo Lagu Ansixiyay Midnimada

Markii la midoobay 1960, waxaa jiray dood sheegaysa in aan la gaarin heshiis sharci ah oo labada dhinac si buuxda u saxiixeen. Laakiin doodaasi waxa meesha ka saartay dhacdo taariikhi ah oo aad u muhiim ah: Aftidii Dastuurka Soomaaliya ee dhacay 20-kii Juun 1961.

Dowladda Soomaaliyeed waxay diyaarisay dastuur cusub oo sal u ah Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.Waxaa lagu qabtay afti dadweyne qaran oo si siman uga dhacay dhamaan gobollada, oo ay ka mid tahay Somaliland.In ka badan 90% dadkii codeeyay waxay oggolaadeen dastuurka cusub.📌 Gobolka Waqooyi (Somaliland) wuu ka qaybgalay, taasoo caddeyneysa in shacabka waqooyigu si buuxda u ansixiyeen midnimadii 1960.Dastuurkaasi wuxuu sharciyeeyay midnimadii, wuxuuna xoojinayaa in Jamhuuriyadda Soomaaliya ay tahay hal qaran oo sharci iyo dadweyne ku dhisan.

Gunaanad:

Soomaaliya Waa Qaran Madax-bannaan oo Midaysan — Goosashada Somaliland Waa Sharci Darro

Somaliland waxay xor noqotay 26 Juun 1960, balse waxay si toos ah iskeed ugu biirtay Jamhuuriyadda Soomaaliya 1-dii Luulyo 1960. Kadibna, shacabka Soomaaliyeed oo ay ku jiraan dadka Waqooyiga ayaa si buuxda ugu codeeyay dastuurkii Jamhuuriyadda cusubsannadkii 1961.

Ma jirto wax sharci ah, afti caalami ah, ama aqoonsi diblomaasi ah oo Somaliland ka dhigaya qaran gooni ah.

Beesha caalamka, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo dhammaan ururrada caalamiga ah waxay si rasmi ah u aqoonsan yihiin hal Soomaaliya.

Goosashada Somaliland:Waa mid aan sharci ahayn,Waa khatar ku ah wadajirka qaranka,Mana haysato wax garab ah oo caalami ah.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version