Hadalladii uu dhowaan baraha bulshada ku baahiyey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ee ahaa in isaga iyo kooxdiisa “la soo weerari karo”, ayaa si weyn loogu faafiyey baraha bulshada, waxaana arrintaasi dhalisay su’aalo badan oo ku saabsan waxa dhab ahaan jira, waxa ay hay’adaha amnigu og yihiin, iyo in ay jirto khatar amni oo muuqata.
Qaran24 ayaa arrintan ku sameeyey dabagal, waxaana xog laga ururiyey in ka badan 10 sarkaal oo ka kala tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, Booliska Soomaaliyeed, ciidamada milateriga ee ka shaqeeya sugidda caasimadda, iyo cutubyo ay ku jiraan ciidamada Haramcad.
Saraakiisha aan la hadalnay waxay si guud u sheegeen in aysan haynin xog xaqiijinaysa weerar gaar ah oo lagu wado Sheekh Shariif, islamarkaana qaar badan oo iyaga ka mid ahi markii ugu horreysay digniintaas ka maqleen baraha bulshada.
Mid ka mid ah saraakiisha ayaa Qaran24 u sheegay:
“Taasi micnaheedu ma aha in hay’adaha amnigu xog la’aan yihiin, laakiin annagu ma hayno xog dhammeystiran oo xaqiijinaysa weerarka sida loo sheegay. Shaqadeennu maalinlaha ah waxay ku wajahan tahay la socodka khataraha amniga, gaar ahaan kuwa ka iman kara Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee halista ku ah magaalada.”
Sarkaal kale, oo si dhow uga shaqeeya amniga mid ka mid ah degmooyinka Muqdisho, isla markaana xiriir shaqo la leh qaybo ka tirsan sirdoonka iyo milateriga, ayaa Qaran24 u sheegay in hay’adaha amnigu heleen warbixinno la xiriira isku dayo lagu doonayo in lagu kireysto guryo ku dhow goobaha ay degan yihiin siyaasiyiin iyo madax hore.
Sida uu sheegay sarkaalku, milkiilayaasha guryahaas waxaa lagu wargeliyey in qof kasta oo cusub oo guri ka kireysanaya goobaha xasaasiga ah uu maro habraacyada amniga ee magaalada.
Habraacyadaas, sida uu sharaxay, waxay ku jiri karaan xaqiijinta qofka degaya guriga, sababta uu u degayo, cidda dammaanad qaadaysa, iyo, marka ay sharci ahaan lagama maarmaan noqoto, diiwaangelin amni oo ay sameeyaan hay’adaha ku shaqada leh.
Sarkaalku wuxuu carrabka ku adkeeyey in arrintani aysan ku koobnayn siyaasi ama koox gaar ah, balse ay tahay arrin lagu ilaalinayo amniga guud.
“Xasaanad siyaasadeed ama xil dowladeed ma beddelayso baahida loo qabo in laga hortago in guri gaar loo leeyahay loo adeegsado fal amniga lid ku ah,” ayuu yiri.
Muranka Guryaha Gaarka Loo Leeyahay
Qaran24 ayaa sidoo kale ogaaday in qaar ka mid ah guryaha ku yaalla xaafadaha ay deggan yihiin madax hore ay leeyihiin dad rayid ah, kuwaas oo qaarkood doonaya inay dib u dhistaan, ballaariyaan, ama ka sameeyaan dhismayaal dhaadheer.
Milkiilayaal qaarkood ayaa muddo dheer heshiisyo kiraysi kula jiray dadka hadda deggan, waxaana mararka qaar adkaatay in heshiisyadaas la soo afjaro.
Sarkaal aan la hadalnay ayaa sheegay in qaar ka mid ah murannadaas hore loo xalliyey, isla markaana hay’adaha amnigu aysan doonayn inay farageliyaan hantida gaarka loo leeyahay.
Waxa uu yiri:
“Waxaan dadka u sheegnay in hantidoodu tahay hanti gaar loo leeyahay, dowladduna aysan faragelinayn ilaa ay jirto sabab sharci iyo amni oo cad. Waxa keliya ee laga doonayo milkiilaha waa inuu la shaqeeyo hay’adaha dowladda haddii uu arko dhaqdhaqaaq amniga halis gelin kara.”
Maxaa Loogu Baahan Yahay Guryo Dheeraad Ah?
Waxaan sarkaalka weydiinnay sababta koox siyaasadeed oo horey u degan guryo gaar ah ay ugu baahan karto guryo kale oo ku dhow.
Sarkaalku wuxuu sheegay in hay’adaha amnigu baarayaan dhowr suurtagal, balse uusan doonayn inuu faahfaahin ka bixiyo arrimo weli baaritaan ku jira.
Waxa uu intaas ku daray in maamulka amnigu mar kasta qiimeeyo in dhismayaal isku dhow loo adeegsan karo isu-socod, isku-xirnaan, ama hawlo kale oo saameyn kara sugidda magaalada.
Digniinta Sheekh Shariif, Maxay Saraakiishu Ka Aaminsan Yihiin?
Markii aan weydiinnay saraakiisha waxa ay ka aaminsan yihiin hadalka Sheekh Shariif ee ah in dowladdu weerar ku soo qaadayso ama qorshaynayso inay weerarto, mid ka mid ah saraakiisha ayaa sheegay in hay’adaha amnigu aysan xaqiijin karin sheegashadaas.
Sarkaalka ayaa soo bandhigay laba aragti oo ay hay’adaha amnigu qiimeynayaan.
Midda koowaad, ayuu yiri, waa in hadalkaasi yahay fariin siyaasadeed oo loogu talagalay in lagu helo dareenka bulshada iyo baraha bulshada.
Midda labaad, sida uu sheegay, waa in hay’adaha amnigu mar walba qiimeeyaan suurtagalnimada in xiisad siyaasadeed isu beddesho isku dhac ama qalalaase amni.
Waxa uu yiri:
“Wax walba ma sheegi karo, laakiin arrimahan waxaa lagu sameeyaa security analysis, waxaana la eegaa waxa dhici kara, ma aha oo keliya waxa maanta jira.”
“Waxaan Rabnaa In Wax Walba Sharci Lagu Maareeyo”
Sarkaalka ayaa sheegay in dowladda iyo hay’adaha amnigu ay ururinayaan xog iyo dukumenti la xiriira dhacdo kasta oo loo arko inay halis gelin karto amniga magaalada.
Waxa uu sheegay in haddii qof ama koox lagu eedeeyo kicin dadweyne, carqaladeyn ciidamada amniga, ama fal kale oo sharci-darro ah, arrintaas loo baahan yahay in la maro hannaan sharci.
“Dowladdu ma rabto in berri lagu yiraahdo mucaarad ayaa xoog lagu weeraray,” ayuu yiri. “Haddii fal sharci-darro ahi dhaco, waa in la hayaa caddeyn, dukumenti, sawirro, muuqaal, iyo xog sharci ahaan maxkamad loo horgeyn karo.”
Waxa uu intaas ku daray in ujeeddadu tahay in dadweynaha Soomaaliyeed iyo beesha caalamkuba kala fahmaan mucaaradnimo siyaasadeed iyo fal lagu carqaladeynayo amniga.
Haddii Xaaladdu Gacan Ka Hadal Isu Beddesho?
Waxaan ugu dambayn weydiinnay sarkaalka waxa dhici kara haddii xiisad siyaasadeed ay isu beddesho iska horimaad hubeysan.
Waxa uu sheegay in ciidamada amniga ay awood u leeyihiin inay si degdeg ah uga jawaabaan xaalad kasta oo halis ku ah shacabka Muqdisho, isaga oo ku adkeeyey in mudnaanta koowaad tahay badbaadinta dadka rayidka ah.
“Muqdisho maanta ma aha Muqdisho-tii dagaalladii hore,” ayuu yiri. “Haddii xaalad amni oo weyn dhacdo, qorshaheennu waa in la yareeyo khasaaraha shacabka, la xaddido goobta dhibaatadu ka jirto, lana soo afjaro sida ugu dhaqsaha badan.”
Markii la weydiiyey dadka leh xasaanad siyaasadeed, sarkaalku wuxuu sheegay in tallaabo kasta oo sharci looga qaadayo ay u baahan tahay in loo maro hay’adaha dastuuriga ah, oo uu ku jiro Baarlamaanka marka sharcigu sidaas qabo.
“Qof kasta waxaa ka sarreeya sharciga,” ayuu yiri, “laakiin dowladdu sidoo kale waa inay raacdaa sharciga marka ay tallaabo qaadayso.”
Gunaanad
Waxa Qaran24 kasoo baxay baaritaankan ilaa hadda ma xaqiijinayo sheegashada ah in weerar dowladeed lagu wado Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Waxaase muuqata in hay’adaha amniga Muqdisho ay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqyada ka jira goobaha ay deggan yihiin siyaasiyiinta waaweyn iyo madaxda hore, gaar ahaan meelaha loo arko kuwo xasaasi u ah amniga caasimadda.
Su’aasha weli taagan waxay tahay:
Digniinta baraha bulshada lagu faafiyey, ma waxay ku salaysan tahay xog amni oo dhab ah, mise waa fariin siyaasadeed oo loogu talagalay in lagu abuuro dareen dadweyne?
Jawaabtaas waxay u baahan tahay caddeyn, ma aha hadal baraha bulshada ku eg.
