• About WordPress
    • WordPress.org
    • Documentation
    • Learn WordPress
    • Support
    • Feedback
  • Log in
  • AMP
    • View AMP version
  • Edit Home Page
Close Menu
Qaran24 | Somali News – latest Update in Somalia & Quick News
  • Home
  • Warka
  • News English
  • Opinion
  • Business
  • Contact Us
  • About us
  • Authors
  • Privacy Policy
Categories
  • Authors
  • Awdal State
  • Business
  • Galmudug
  • Hirshabelle
  • legal opinion
  • News English
  • Opinion
  • Puntland
  • Somalia
  • Somaliland
  • SSC Khaatumo
  • Warka
X (Twitter)
X (Twitter)
Qaran24 | Somali News – latest Update in Somalia & Quick News
  • Home
  • Warka
  • News English
  • Opinion
  • Business
  • Contact Us
  • About us
  • Authors
  • Privacy Policy
Tuesday, December 23
Qaran24 | Somali News – latest Update in Somalia & Quick News
  • Home
  • Warka
  • News English
  • Opinion
  • Authors
  • About us
  • Contact Us
qaran24.com » Warka » Faa’iidooyinka laga heli karo Xubinnimada Golaha Ammaanka.
Warka

Faa’iidooyinka laga heli karo Xubinnimada Golaha Ammaanka.

Abdikarin DahirBy Abdikarin Dahir8 June 2024No Comments4 Mins Read
Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
Share
Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email
WQ: Xildhibaan Mohamed Abdtidoon.

Faa’iidooyinka laga heli karo Xubinnimada Golaha Ammaanka iyo Ka mid noqoshada xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) waxay fursad muhiim ah u siinaysaa Soomaaliya in ay kor ugu qaaddo maqaamkeeda caalamiga ah, saamayn ku yeelato wax ka jaangoynta siyaasadda amniga caalamka, iyo inay wax ka qabato si gaar ah caqabadaha amni iyo dhaqaale ee ku horgudban Soomaliya iyo Dalalka Africa.

  1. Faa’iidooyinka laga heli karo Xubinnimada Golaha Ammaanka : Maqaamka Soomaaliya ee ku dhex leedahay caalamka oo sare u kacaya:
  • Xubinimada golaha amaanka waxay sare u qaadaysaa maqaamka Soomaaliya ay ku leedahay masraxyada caalamiga ah arintaa waxay inoo sahleysa in aan danaheena ka dhex fushano golahaan dhexdiisa.
  • Mar hadii aan macno iyo Sharaf weyn ku dhexyeelano bulshada caalamka waxay arintaa inoo sahleysaa soo jiidashada maalgashiyo, gargaar baniaadamnimo iyo in taageero loo helo dadaalka loogu jiro gaarista Soomaali heshiis ah dunida heshiis la ah.
  1. Saamaynta Arrimaha Amniga Adduunka:
  • Xubin ahaan, Soomaaliya waxay door toos ah ku yeelanaysaa qaabaynta go’aannada la xidhiidha nabadda iyo ammaanka caalamiga ah, oo ay ku jiraan soo saarista go’aannada iyo waajibaad siinta hawlgallada nabad ilaalinta caalamigaa.
  • Soomaaliya waxay u doodi kartaa soo saaridda go’aamo siyaasadeed oo taageeraya danaheeda amniga qaranka iyo kuwa qaaradda Afrika.
  1. Awood Diblomaasiyadeed:
  • Waxay Soomaliya siinaysaa fursad ay ku dhisato xidhiidh xooggan iyo heshiisyo laba geesood ah (bilateral) iyo mid dhinacyo badan leh (Multilateral), iyada oo ka faa’iidaysanaysa xubinimadeeda si loo gaaro faa’iidooyin siyaasadeed iyo dhaqaale.
  1. Isbahaysiyo:
  • Soomaaliya waxay fursad u heleysaa in ay si dhow ula macaamisho quwadaha waaweyn ee veto power ka leh iyo dalalka kale ee xubnaha ka ah golaha Ammaanka, waxayna fursad u heleysaa abuurista iyo kobcinta xiriir diblomaasiyadeed oo horseedi kara la bahoobida iyo iskaashiyo istiraatiijiyadeysan oo la la yeesho wadamada awoodaha sare leh.
  • Ka mid noqoshada golaha Ammaanka wuxuu kor u qaadi karaa saameynta Soomaaliya ay ku leedahay golayaasha kale ee caalamiga ah.
  1. Kor u qaadida Awooda iyo Khibrada diplomacy yada wadankeena:
  • Ka mid noqoshada golaha amaanka waxay Soomaaliya ka caawin kartaa helista khibrad diblomaasiyadeed iyo aragtiyada ay ku dhisanyihiin xiriirada iskaashi ee wadamada iyo hababka xallinta khilaafaadka.
  • Hanashada waayo-aragnimadaasi waxay qiimo weyn u leedahay kor u qaadista siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo qaab-dhismeedka dawladnimadeena.

Maxaa Soomaaliya la gudboon oo ay tahay inay beddesho si ay fursadaan uga faa’iideysato:

  1. Xoojinta shaqaalaha iyo Kaabayaasha Diblomaasiyadeed:
  • In la tayeeyo aqoonta iyo khibrada shaqaalaha diplomacy yada, iyo in tiro ahaana la balaariyo kooxdeena fadhigoodu yahay New York f si ay ugu suurtogasho in ay si hufan ugu maareeyaan mas’uuliyaddooda xubinnimada golaha Ammaanka.
  • In la tayeeyo aqoontada iyo xirfadaha safiirada soomaaliya u fadhiya dalalka muhiimka ah si ay u taageerooyin kala duwan ugu fadhiyaan hawl-galkeenaa caalamiga ah ee fadhigoodu yahay New York.
  • iyo in dhaqaale ku filan la qoondeeyo howlgalka Soomaalida ee New York lana siiyo dhaqaalahaas si ay si hufan ugu gutaan waajibaadka loo igmaday.
  1. Dejinta Ujeedooyinka Siyaasadda arimaha Dibadda:
  • In la dejiyo siyaasad dibadeed yoolal cad cad leh oo waafaqsan danaha qaranka soomaaliyeed iyo mas’uuliyadda caalamiga ah ee na saaran.
  • In mudnaan gaar ah la siiyo arrimaha ka tarjumaya caqabadaha iyo fursadaha gaarka ah ee Soomaaliya, sida amniga, la dagaallanka argagixisada, iyo horumarinta dhaqaalaha.
  1. Horumarinta xasiloonida Gobolka:
  • In si firfircoon looga qaybqaato hindisayaasha kor u qaadaya nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika iyo guud ahaan wadamada Africa.
  • Ka qayb qaadashada xalinta khilaafaadka iyo dadaallada nabad-dhisidda caalimigaa.
  1. Kobcinta Maamul wanaaga iyo Xuquuqul Insaanka:
  • ka dhaqangelinta Soomaaliya in dib-u-habayn baahsan lagu sameeyo hab dhaqanka dawladnimada, sharciyadaha, iyo xuquuqul insaanka, taasoo kor u qaadaysa kalsoonida dadkeena dawladooduna taasoo horseedi doonta dhaqan wanaagsana oo waara.
  • Wax ka qabashada caqabadaha amniga gudaha dalka, sida argagixisada, taasoo caalamka u muujin doonta sida ay Soomaaliya uga go’an tahay ka shaqeynta nabadda iyo xasilloonida dalkeeda ka hor inta aan loo gudbin nabadda iyo xasiloonida dalalaka kale.
  1. Dhisidda Isbahaysiyo Istaraatiijig ah:
  • In looga faa’iideysto xubinnimadaan helista xulafo lagu dhexyeesho xubnaha joogtaa ee golaha amaanka, si Soomaaliya ay taageero joogto ah ugu hesho hindisayaasheeda Daleed iyo kuwo caalamigaaba.
  • In mar kasta lala kaashado hindisayaasheena wadamada ay heysato caqabadaheena kuwo la midka ah si taageero loogu helo hindisiyaasha aan soo jeedineyno.
  1. Awood Dhaqaale:
  • Si dalka u gaaro isku filnaan dhaqaale waxaa muhiim ah in loo bandhigto xubnaha golaha amaanka fursadaha dhaqaale ee ka jira dalkeena, sida kheyraadka dabiiciga ah iyo goobta istiraatiijiga ah ee aan dhacno, arintaas oo keeni karta soo jiidashada maalgashi caalami ah iyo iskaashi dhaqaale oo lala yeesho wadamada dhaqaale ahaan u hormarsan––

 

Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
Previous ArticleAl-Shabaab Oo Weerar Ismiidaamin Ah Ku Qaaday Ciidanka Ku Sugnaa Magaalada Ceeldheer, Galgaduud
Next Article 19 eedeysane oo loo heysto in Social Media ay ka wadeen kicin bulsho ayaa loo gudbiyay Maxakamada G.Banaadir
Abdikarin Dahir
  • Website
  • X (Twitter)

𝗔𝗯𝗱𝗶𝗸𝗮𝗿𝗶𝗻 𝗗𝗮𝗵𝗶𝗿 is a Somali academic, writer, political analyst, and civic activist. Holding dual citizenship, he has served in multiple government institutions in Mogadishu. His work focuses on governance, public policy, and social development in Somalia.

Related Posts

Sida Loo Cusboonaysiiyo iPhone-kaaga ( ama loo Update gareeyaa) Tilaabo Tilaabo

Sida Loo Cusboonaysiiyo iPhone-kaaga ( ama loo Update gareeyaa) Tilaabo Tilaabo

23 December 2025
Sida Loo Raadiyo ama Loogu Raad-raaco hadii Taleefanka Samsung Uu kaa Lumo

Sida Loo Raadiyo Taleefanka Samsung Haddii Uu Kaa Lumo ama La Xado

22 December 2025
Gaajo Qaran - Saddex Jid oo Soomaaliya Looga Badbaadin Karo Burbur Aamusnaan ah

Gaajo Qaran – Saddex Jid oo Soomaaliya Looga Badbaadin Karo Burbur Aamusnaan ah

20 December 2025
Sida Ugu Fudud Ee Loo Soo Celiyo ICloud Haddii Password La Ilaawo ama lagaa xado Taleefoonkaaga

Sida Ugu Fudud Ee Loo Soo Celiyo ICloud Haddii Password La Ilaawo ama lagaa xado Taleefoonkaaga 

19 December 2025
Leave A Reply Cancel Reply

Don't Miss
Sida Loo Cusboonaysiiyo iPhone-kaaga ( ama loo Update gareeyaa) Tilaabo Tilaabo Warka

Sida Loo Cusboonaysiiyo iPhone-kaaga ( ama loo Update gareeyaa) Tilaabo Tilaabo

By Osman Omar23 December 20250

Cusboonaysiinta iPhone-ka (iOS Update) waa arrin muhiim u ah amniga, xawaaraha, iyo shaqada guud ee…

Somali National Army Liberates Key Areas in Lower Shabelle in Major Blow to Al-Shabaab

Somali National Army Liberates Key Areas in Lower Shabelle in Major Blow to Al-Shabaab

23 December 2025
Sida Loo Raadiyo ama Loogu Raad-raaco hadii Taleefanka Samsung Uu kaa Lumo

Sida Loo Raadiyo Taleefanka Samsung Haddii Uu Kaa Lumo ama La Xado

22 December 2025
Gaajo Qaran - Saddex Jid oo Soomaaliya Looga Badbaadin Karo Burbur Aamusnaan ah

Gaajo Qaran – Saddex Jid oo Soomaaliya Looga Badbaadin Karo Burbur Aamusnaan ah

20 December 2025
Sida Ugu Fudud Ee Loo Soo Celiyo ICloud Haddii Password La Ilaawo ama lagaa xado Taleefoonkaaga

Sida Ugu Fudud Ee Loo Soo Celiyo ICloud Haddii Password La Ilaawo ama lagaa xado Taleefoonkaaga 

19 December 2025
  • Facebook
  • Twitter
  • Pinterest
  • Instagram
  • YouTube
  • Vimeo
About Us
About Us

Qaran24 is is a reputable news website dedicated to providing accurate and timely information to its readers

Email Us: info@qaran24.com
Contact: +252-710000789

Facebook X (Twitter) Instagram YouTube TikTok
Titles
  • Authors
  • Awdal State
  • Business
  • Galmudug
  • Hirshabelle
  • legal opinion
  • News English
  • Opinion
  • Puntland
  • Somalia
  • Somaliland
  • SSC Khaatumo
  • Warka
Recent Post
  • Sida Loo Cusboonaysiiyo iPhone-kaaga ( ama loo Update gareeyaa) Tilaabo Tilaabo
  • Somali National Army Liberates Key Areas in Lower Shabelle in Major Blow to Al-Shabaab
  • Sida Loo Raadiyo Taleefanka Samsung Haddii Uu Kaa Lumo ama La Xado
  • The Shockwaves of a Hypothetical Deal-Somaliland Accepted to Receive 2,200 Palestinian Israeli Intelligence Informers
  • Gaajo Qaran – Saddex Jid oo Soomaaliya Looga Badbaadin Karo Burbur Aamusnaan ah
X (Twitter)
  • Home
  • Warka
  • News English
  • Opinion
  • Business
  • Contact Us
  • About us
  • Authors
  • Privacy Policy
© 2025 ThemeSphere. Designed by Abdikarin Dahir.

Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.