Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul uga jawaabtay hadalkii Madaxweynaha Dalka Kenya William Ruto, hadalkaas oo uu Ruto ku sheegay in Soomaaliya ay la wareegi doonto Kooxda AS Sidii ka dhacday Afghanistan haddii laga saaro Ciidamadda Shisheeye xili uu booqasho ku joogo dalka Mareykanka.

Wasiir Dowladdaha Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Balcad ayaa hadalkaas ku tilmaamay mid khaldan isaga oo sheegay in Soomaaliya iyo Afghanistan aan la is barbar dhigi karin marka laga hadlayo tallaabadan.

“Dhaqdhaaqaa aad ayuu uga duwan yahay kuwa Afghanistan. Bixitaanka Ciidamada shisheeye ma hor seedi doonaan xaaladaas oo kale, Awooda aan saarno dariiqa gaarka ah ee Soomaaliya u marayso Xasiloonideeda,, ayuu yidhi Cali Balcad.Dowladda Kenya ayaa u muuqata inay doonayso inay ka faa’iidaysato dalalka Xasaradaha amni daro ka jiraan si Ciidamadda dalkeeda loo geeyo dalalkaas qaab nabad ilaalin ah.

 

Share.

𝗔𝗯𝗱𝗶𝗸𝗮𝗿𝗶𝗻 𝗗𝗮𝗵𝗶𝗿 is a Somali academic, writer, political analyst, and civic activist. Holding dual citizenship, he has served in multiple government institutions in Mogadishu. His work focuses on governance, public policy, and social development in Somalia.

Leave A Reply

Exit mobile version