Dhibaatada Somalia waligeed ma ahayn hoggaan la’aan.
Waxay ahayd hoggaan la carqaladeeyo marka uu shaqo bilaabo.
Dal ka soo kabanaya dagaal iyo argagixiso, isbeddel joogto ah ma horseedo horumar ee waaxaa horseedaa qalalaase. .Waxa Somalia u baahan tahay maanta waa joogteyn hogaam dhisa wadanka dowladnimadiisa
Caddeyntuna way taallaa.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud: Laba Jeer La Doortay, Natiijada qibradiisu keenteyna waa cadahay. Somalia waxay leedahay tusaale dhif iyo naadir ah, madaxweyne laba jeer la doortay, xilliya kala duwan, labo marxaladood oo dowlad-dhis ah.
Waxyaabihii uu qabtay waxaa ka mid ah:
- Al-Shabaab oo cararaya oo markiii uu imaanayey dhaqaalaha ka aruurinaayey suuqa Bakaaro cabsi la-aan
- Dayntii qaranka oo hoos uga dhacday $4.5 bilyan ilaa ~$700 milyan
- Cunaqabateyntii hubka oo laga qaaday
- Guul ICJ ah oo lagaga adkaaday Kenya
- Heshiiskii Hargeysa–Itoobiya oo la buriyay lana difaacay
- Ku biirista EAC
- Kursiga UNSC laga bilaabo Janaayo 2026
- Dhismaha North Eastern State (NES)
- Isku daygii aqoonsiga Hargeysa iyo Israel oo fashil ku sii dhow markii uu dhisay darbiyo adag oo siyaasadeed
- Doorashooyinka gobolka Bnaadir 16 degmo oo la qabtay
- Ku biirista APRM
- Doorashada Golaha Nabadda iyo Ammaanka Afrika
- Dhaqaale iyo dakhli kor u kacaya
- Sicir-barar heerkii ugu hooseeyay
- Xiriir caalami ah oo xooggan
- Dastuurka oo dib-u-habeyn ku socda
Waxaan oo shaqo ah kuma imaan nasiib.
Waa natiijada ka dhalatey joogteynta hoggaanka.
Koonfur Galbeed: Cabdicasiis Lafta-Gareen iyo Casharka Joogteynta
Koonfur Galbeed, hoggaanka Cabdicasiis Lafta-Gareen wuxuu muujiyay hal xaqiiqo:
- Xiriirka federaalka wuu degay
- Amniga waa la nidaamiyay inkastooo dhibaato jirto hadana magaa;ada Baydabo waa dhisantey
- Maamulka waa shaqeynayaa
Qof ha taageero ama ha mucaarado—Koonfur Galbeed maanta way ka xasilloon tahay tii shalay.
Taasi kama iman isbeddel joogto ah.
Waxay ka timid waqti iyo joogteyn.
Galmudug: Axmed Cabdi Kaariye iyo Horumar La Cabbiri Karo
Muddo ku dhow shan sano, Axmed Cabdi Kaariye wuxuu hoggaaminayay Galmudug.
Natiijooyinka wxaa uu keeenay natiijooyin muuqada iyo amni ka wanaagsan sidey aheed Galmdud
Maamul shaqeynaya
- Iskaashi federaal oo xooggan
- Qabyaalad siyaasadeed oo yaraatay
Mar kale, isla qaaciddadii.
Somalia Tijaabo Uma Baahna—Waqti Ayay U Baahan Tahay
Somalia hore ayay u bixisay qiimaha fowdada.
Waxa hadda socda waa horumar isu uruursanaya.
Hoggaan beddelid hadda ah ma aha dimuqraadiyad.
Waa dib-u-noqosho.
Shaqada ha dhammaato.
Hay’adaha ha adkaadaan.
Dalka ha gaadho meel ammaan ah.
Joogteyntu ma aha cadowga horumarka.
Waa badbaadada Somalia.
