Muddo ka badan soddon sano, magaca “Somaliland” wuxuu noqday aalad lagu hakinayo dhismaha dowladnimada Soomaaliya. Haddana su’aalaha muruga dhalinaya weli lama weydiin: sababtee Somaliland 32 sano ugu adkaysatay sheegashada “dowlad madax-bannaan” iyadoo aysan jirin hal aqoonsi caalami ah oo u dhow inuu yimaado? Maxay uga baxeen  wadahadal sharci ah oo ay la galaan dowladda Soomaaliya haddii ay run ka yihiin sheegashadooda? Dhallinyaro badan oo ku noolaa gobolladaas waxaa laga jaray Somalinimadii, maskax ahaanna loogu adeegsaday siyaasad aan daacad ahayn—sida abwaan Gamaadiid oo markii uu ka quustay doodda Somaliland ugu dambayn ku biiray Al-Shabaab. Su’aashu waxay tahay: sidee ayay u suuragashay arrintan?

Hab-maamulka Somaliland waxaa laga dhisay qaab qabiil aan matalin beelaha wada dega, taas oo dhalisay in bulsho badan aysan oggolaan gooni-u-goosadka muddo 32 sano lala daba socday oo ay riixayaan hal qabiil.  Dagaalkii Laascaanood ee 2023 wuxuu noqday ifafaale cad oo muujiyay in dadka deegaanka aysan aqbalin sheegashada “annagaa dowlad ah,” balse ay u arkeen mashruuc jahwareer siyaasadeed oo lagu kala fogeeyo bulshada. Maanta, xiisadaha ka taagan Zaylac—oo ahayd xudun taariikheed oo Muslimiinta Bariga Afrika—waxay dadka ku beerayaan su’aal culus: Siyaasiyiinta Somaliland ma doonayaan dowladnimo sharci ah mise waxay u adeegayaan qorshe weyn oo ku wajahan burburinta xasilloonida Muslimiinta Badda Cas iyo Bariga Afrika?

Dhibaato kale oo aan la dafiri karin waa sida siyaasadda Somaliland u furtay boos ay kooxaha xagjirka ahi ka faa’iideystaan. Al-Shabaab iyo ISIS waxay ka heleen khilaafkan fursad ay ku sii faafaan, maadaama dowladnimo dhisan meesha ka maqan tahay. Haddaba maxay tahay sababta ay muslimiinta dagan  Yemen, Wajeer , Mogadishu  ill  Addis Ababa  dagaqn ay ula kulmaan dadka Muslimiinta ahi u la kulmaan cadaadis joogto ah—halka marinka ugu sahlan ee cadowgu adeegsado uu noqday Somaliland? Maxay yihiin xiriirrada mugdiga leh ee siyaasiyiinta Somaliland ay la leeyihiin xoogag cadaadis ku haya Muslimiinta Bariga Dhexe? Su’aalahan miyaa mar kaliya si dhab ah looga jawaabay?

Gabagabadii, Somaliland maanta ma aha dowlad iyo xal siyaasadeed toona. Waxay noqotay aalad lagu kala fogeeyo shacabka Soomaaliyeed, lagu carqaladeeyo amniga gobolka, laguna wiiqo rajo kasta oo ku saabsan dowladnimo midaysan oo Soomaaliya yeelato. Haddaba, haddii 32 sano ay keentay muran, dhiig, iyo burbur—maxay macno leedahay in weli la sii wado sheeko been-abuur ah oo aan faa’iido u keenin shacabka? Jawaabta saxda ahi waxay ku jirtaa wadahadal sharci ah, mas’uuliyad leh, oo ka fog dabinada siyaasadda qabiilka. Soomaaliya waxay u qalantaa nabad, midnimo, iyo dowladnimo — ma aha mashruuc la isku adeegsado.

Share.

Osman Omar is a versatile professional renowned for his expertise across multiple disciplines including OSINT investigation, cybersecurity, network management, real estate deals, HVAC consulting, insurance producer applied sciences, and fact-checking. His multifaceted career reflects a dedication to excellence, innovation, and integrity.

Leave A Reply

Exit mobile version