Wednesday, September 10

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdiga ka-kooban 32-da xubnood ayaa ka qeybgalaya kalfadhiga 80-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay (GGJQ) ee ka dhacaya magaalada New York. Inkasta oo danleyda siyaasadeed  qaarkood dood ka-keeneen tiradaan, xaqiiqda ayaa ah in wafdigan uu yahay mid ku haboon, sharaf u ah dalka, isla markaana ka turjumaya matalaad qaran oo heer caalami ah.

1️⃣ Soomaaliya oo ka muuqata madal caalami ah

Golaha Guud ee Qaramada Midoobay waa meesha ugu weyn ee dal walba codkiisa iyo muuqaalka qarannimo ku muujiyo. In Soomaaliya ay soo bandhigto wafdi isku dhafan oo ka kooban diblomaasiyiin, khubaro, amni, iyo warbaahin waa guul. Tani waxay caddeyneysaa in Soomaaliya aysan dib dambe ugu noqon doonin meel mugdi ah, balse ay si kalsooni leh uga dhex muuqanayso beesha caalamka.

2️⃣ Isbarbardhig caalami ah

Marka la barbar dhigo dalalka kale, tirada Soomaaliya waa mid aad u kooban: Turkiga wuxuu keenay boqolaal qof, Mareykanka ilaa 1000 xubnood, Shiinaha in ka badan 200 xubnood, Ruushkana 150–200 xubnood. Soomaaliya oo leh 32 xubnood waxay tusinaysaa in dowladdu si mas’uuliyad leh u xulatay wafdi tiro yar balse tayo leh.

3️⃣ Matalaad xirfadeed iyo qaranimo

Wafdigu wuxuu isu keenayaa xirfadlayaal badan oo leh khibrad kala duwan ;diblomaasiyiin, la-taliyayaal, amni, warbaahin, iyo shaqaalaha farsamada. Qof kasta wuxuu ku koobnaan doonaa shaqaduu uxilsaaran yahay, taas oo hubinaysa in magaca iyo danaha qaranka si hufan loo ilaaliyo.

4️⃣ Difaacida magaca iyo sumcadda dalka

Ergada waxey fursad u siinaysaa Soomaaliya in ay soo bandhigto guulaha laga gaaray amniga, dhaqaalaha, iyo diblomaasiyadda. Sidoo kale waxay meesha ka saaraysaa sawirradii hore ee Soomaaliya lagu yaqiinay, sida burbur iyo daciifnimo , iyadoo lagu beddelayo sawir cusub oo ah dowlad awood leh oo mas’uul ah.

Gunaanad

Wafdiga Madaxweynaha ee ka qeybgalaya shirka Qaramada Midoobay ee New York, oo ka kooban 32 xubnood, waa mid macquul ah oo caqli-gal ah marka la barbar dhigo dalalka kale iyo xaaladaha caalamiga ah.

Waxaa la joogaa waqtigii bulshada Soomaaliyeed ay garab istaagi lahayd Dowladda Federaalka, si Soomaaliya codkeeda caalamka looga maqlo, looguna arko dal madax-bannaan oo sharaf leh.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version