Xisbiga JSP: Aragti Cusub oo Lagu Dhisayo Siyaasad Wanaagsan
Soomaaliya waa dal soo maray marxalado siyaasadeed oo adag , kacaankii militariga, burburkii dowladnimo, nidaam beeleed aan xeer lahayn, iyo dadaallo badan oo dib-u-dhis ah. Maanta, mar haddii dalku leeyahay dastuur, baarlamaan, doorashooyin, iyo madax la doorto, waxaa muhiim ah in la qiimeeyo kaalinta xisbiyada siyaasadeed ee ku saleysan sharci iyo nidaam.
Abuurka xisbiga cusub ee JSP (Xisbiga Cadaaladda iyo Midnimada) ee uu hor kacayo Madaxweyne Dr Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu keenay su’aalo muhiim ah: Ma la wada joogi doonaa mise waa la kala bixi doonaa sida kooxihii hore?
Dadka qaar ayaa ka hadlay khilaafyada taariikheed ee horyaallay Soomaalida: golihii sare ee kacaanka, ururadii jabhadaha, maxaakiimtii Islaamiga ah, xisbiyadii kala irdhoobay, kuwaas oo dhammaantood lagu tilmaami karo kuwa isla dhameysan waayey
Balse, su’aasha aan halkan kaga jawaabeyno waa: ma jiraan sababo sharci iyo siyaasad ku dhisan oo suurtagelin kara in JSP noqdo mid ka duwan kuwii hore? Jawaabtu waa haa.
Xisbiga UDP Tusaale la Hayo oo La Tijaabiyey
Madaxweyne Dr Xasan Sheekh Maxamuud iyo saaxiibadiisa siyaasadeed waxay sameeyeen xisbiga UDP, kaas oo muddadii uu jiray uu ahaa xisbi nidaamsan oo u shaqeeya sida mucaarad iyo sida xisbi xukun haya. Waxaa la wada joogay xilliyo adag oo mucaaradnimo ah, waxaana la sii joogay markii talada la qabtay.Taasi waxay tusaale u tahay in haddii la dhiso xisbi sharciyeysan, leh xeerar gudaha ah, nidaam hoggaamineed, iyo karti hoggaamineed, in uu socon karo. Waa la hayaa waaya-aragnimo lagu tiirsanaan karo.
Qodobka 22aad ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya wuxuu damaanad qaadayaa in muwaadinku leeyahay xaqa uu ku aasaasan karo, ku hoggaamin karo, ama ku biiri karo xisbi siyaasadeed. Dastuurku wuu oggol yahay in la sameeyo xisbiyo, lagana qayb qaato hanaanka siyaasadeed si xor ah, sharci ah, oo furan.
Haddaba, dadka ka cabsanaya dhismaha Ururka JSP waxay u baahan yihiin in ay fahmaan: xisbi siyaasadeed oo la dhisayo maanta ma aha burbur ee waa koritaan. Ma aha khilaaf ee waa karti siyaasadeed.
Siyaasi Ma Tahay Haddii Aadan Xisbi Lahayn?
Siyaasadda casriga ah ee dimuqraadiga ah waxaa saldhig u ah xisbiyada siyaasadeed. Qof sheeganaya siyaasiyiinimo, balse aan lahayn xisbi, barnaamij siyaasadeed iyo nidaam sharciyeysan, waa siyaasi aan rasmi ahayn. Waa inuu jiro hannaan la fahmi karo, hoggaan lala xisaabtami karo, iyo madal uu codkiisa ku muujiyo.Mucaaradnimo sax ah ma ahan qoraallo iyo hadallo meel loola jeedo ee waa dareen siyaasadeed oo loo beddelo xisbi sharciyeysan, leh barnaamij cad iyo dad hoggaaminaya.
Soomaalida iyo Cabsi Siyaasadeed: Is Barbar Dhig aan Waqtigeeda Joogin
Waxaa la joogaa xilli aan wax lagu xukumin cabsi iyo shaki ee lagu maamulo sharci iyo tartan.
Tartanka Xisbiyada Waa Furaha Dimuqraadiyadda
Haddii dadka mucaaradka sheeganaya aysan keenin xisbi sharciyeysan oo barnaamij leh, ma jiraan. Dimuqraadiyadda micnaheedu ma aha in la cambaareeyo cid walba ee waxay tahay in la keeno xal kale, la diyaariyo qorshe siyaasadeed, lana codsado kalsoonida shacabka.
Xisbiga JSP wuxuu noqon karaa mid wax ka beddela dhismaha xisbiyada Soomaaliyeed, haddii uu yeesho:
Legal Realism: Sharci, Siyaasad iyo Qabiil
Fikirka Legal Realism wuxuu sheegaa in sharcigu ku shaqeeyo si ka turjumaysa nolosha dhabta ah , oo aysan ku filnayn erayada qoraalka ah oo kaliya. Marka laga eego doodaha ka dhanka ah xisbiga JSP, waxaa muuqata in qaar badan aysan sal ku lahayn sharci, balse ay yihiin dareenno ku saleysan qabiil, eex, nacayb shaqsiyeed, iyo xasaasiyad siyaasadeed.
Qaar ka mid ah dadka diidan madaxweynaha ama xisbiga JSP ma diiddana siyaasadda lafteeda, balse waxay kasoo horjeedaan cidda wadata ama halka ay kasoo jeeddo. Tani waxay meesha ka saaraysaa dood sharciyeed ee caafimaad qabta . Siyaasad lagu hagayo dareen beeleed marna ma dhisi karto ummad, mana gaarsiin karto dowladnimo. Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo Aqoonyahannada Qabiileysan ama Shaqadoonka ah: La Imaada Aragti Siyaasadeed Waxaa isa soo taraya dad sheeganaya mucaaradnimo, balse aan keenin barnaamij siyaasadeed, xisbi sharciyeysan, ama aragti wax ka beddeli karta waxa jira. Dadkaasi waxay ku ekaadaan hadal iyo dhaliil joogto ah, iyagoo aan la imaanin wax la taaban karo.
Siyaasadda ma aha kaliya in la cambaareeyo xisbiga kale, ee waa in la keenaa:
Aqoonyahanno iyo siyaasiyiin badan oo maanta dhaliilaya JSP, run ahaantii, ma diiddana fikir siyaasadeed ee waxay diiddan yihiin cidda wadata, ama mucaaraddadooda waxay ku saleysan tahay shaqo raadis. Sidaas darteed, haddii mucaaradnimadoodu tahay mid dhab ah, waa in ay keenaan madal siyaasadeed sharciyeysan oo tartan geli karta.
Dimuqraadiyaddu waxay ku fidsantaa tartan furan, ma aha eed joogto ah.
Xisbiga JSP ma aha oo kaliya urur siyaasadeed cusub wuxuu matalayaa aragti siyaasadeed oo casri ah, sharciyeysan, laguna dhisayo kalsooni, midnimo, iyo cadaalad. Waa fursad ay Soomaaliya ku qabsan karto waddada dimuqraadiyadda ee dhabta ah, una gudbi karto siyaasad nidaamsan oo la xisaabtameysa cid kasta oo talada haysa.
Soomaaliya uma baahna siyaasad ku dhisan eex, nacayb ama xusuus kali-talisnimo. Waxay u baahan tahay siyaasad cusub oo lagu dhiso aragti, nidaam iyo qiyam.
Xisbiga JSP waa billaw wanaagsan oo ku dayasho mudan. Waa baaq ku saleysan siyaasad ku dhisan afkaar midaysan, mid dalka ka saarta qabiil siyaasadaysan, kuna qotonta karti, sharci iyo cadaalad.
Waa waqtigii fikirka cusub lagu dhisi lahaa mustaqbalka ifaayo.