• About WordPress
    • WordPress.org
    • Documentation
    • Learn WordPress
    • Support
    • Feedback
  • Log in
  • AMP
    • View AMP version
  • Edit Home Page
Close Menu
Qaran24 | Somali News – latest Update in Somalia & Quick News
  • Home
  • Warka
  • News English
  • Opinion
  • Business
  • Contact Us
  • About us
  • Authors
  • Privacy Policy
Categories
  • Authors
  • Awdal State
  • Business
  • Galmudug
  • Hirshabelle
  • legal opinion
  • News English
  • Opinion
  • Puntland
  • Somalia
  • Somaliland
  • SSC Khaatumo
  • Warka
X (Twitter)
X (Twitter)
Qaran24 | Somali News – latest Update in Somalia & Quick News
  • Home
  • Warka
  • News English
  • Opinion
  • Business
  • Contact Us
  • About us
  • Authors
  • Privacy Policy
Tuesday, May 12
Qaran24 | Somali News – latest Update in Somalia & Quick News
  • Home
  • Warka
  • News English
  • Opinion
  • Authors
  • About us
  • Contact Us
qaran24.com » Somalia » Muqdisho iyo Horumarka Amniga: Guulaha Jira iyo Musuqmaasuqa Qarsoon ee Baraha Kontoroollada
Somalia

Muqdisho iyo Horumarka Amniga: Guulaha Jira iyo Musuqmaasuqa Qarsoon ee Baraha Kontoroollada

Abdikarin DahirBy Abdikarin Dahir12 May 2026Updated:12 May 2026No Comments4 Mins Read
Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
Share
Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

Waxaa miro dhalay dadaalladii lagu sugayay amniga caasimadda Muqdisho. Magaaladii mar lagu tilmaami jiray meel cabsi iyo qaraxyo joogto ah ay ka dhacaan, maanta waxaa ka muuqda iftiin amni iyo dadaal dowladeed oo la taaban karo. Isbeddelkaan ma ahan mid hal dhinac ka yimid, balse waa natiijo ka dhalatay wada shaqeyn dhex martay laamaha amniga, maamulka gobolka Banaadir, hay’adaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamada kala duwan ee amniga sida NISA iyo Booliska Soomaaliyeed ayaa door muuqda ka qaatay sugidda amniga magaalada, waxaana barbar socday shacabka oo noqday indho iyo dhego dheeraad ah oo ka shaqeeya badbaadinta dalkooda. Waxaa la xakameeyay hubkii sharci darrada ahaa ee magaalada lagu dhex wadan jiray, waxaana soo baxay amarro adag oo dhaqan galay, kuwaas oo meesha ka saaray  falal badan oo khatar ku ahaa bulshada.

Taliyaha qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa isna dadaal muuqda muujiyay, isagoo si joogto ah ula xisaabtama taliyeyaasha degmooyinka gobolka, kana dhegeysta warbixino la xiriira xaaladda amni iyo waxyaabaha u qabsoomay. Taliyaha ayaa Saraakiisha ku dhiirrigeliya, kuna boorriya inay sii laba jibbaaraan shaqadooda.

iyadoo ay jiraan guulahaas la taaban karo, haddana waxaa muhiim ah in la saxo khaladaadka harsan si shacabka kalsoonidooda loo sii xoojiyo.

Baraha Kontoroollada iyo Cabashada Gawaarida Qudaarta.

Waxaa jira dhibaato si hoose uga jirta habka loo baaro gaadiidka ka yimaada bannaanka magaalada, gaar ahaan kuwa sida qudaarta iyo badeecooyinka muhiimka u ah nolol maalmeedka shacabka Muqdisho.

Maalin kasta waxaa magaalada soo gala gaadiid badan oo sida qudaar, miro iyo raashin kale. Gaadiidkan waxaa lagu baaraa kontoroollada magaalada si loo hubiyo amniga iyo waxa ay sidaan. Baaritaankaas waxaa qeyb weyn ka ah eeyaha tababaran ee baarista, kuwaas oo loo adeegsado ogaanshaha waxyaabaha keeni kara khataraha amni.

Hunter” Geesiga Afarta Lugood Leh ee Sugaya Amniga Caasimadda Muqdisho

Hunter waa ey si heer sare ah loo tababaray, waxaana uu ka caawiyaa ciidamada amniga baaritaanka gaadiidka iyo ogaanshaha waxyaabaha keeni kara khatartaraha amni..

Waxaa xusid mudan in kooxaha argagixisada ahi aysan jeclayn nidaamkaan, sababtoo ah eeyahaan ayaa ku noqday caqabad weyn oo fashilisa qaraxyada iyo shirqoollada ay soo maleegayaan.

Eeygu waa makhluuq Alle uumay oo faa’iido weyn u leh aadamaha. Meel kasta oo naf lagu badbaadinayo, qiimo ayuu leeyahay.

Marka Musuqmaasuqu Soo Dhexgalo Shaqada Amniga

Hase yeeshee, dhibaatadu ma ahan eeyaha ama baarista lafteeda, balse waa qaar kamid ah askarta ka shaqeysa goobahaas.

Waxaa isa soo taraya cabashooyin sheegaya in askar qaar ay lacago sharci darro ah ka qaataan gaadiidka, iyagoo si ula kac ah u daahiya gawaarida. Inta badan gaadiidka qudaarta sida waxay yimaadaan habeenkii si waaberiga loogu suuq geeyo magaalada. Ganacsatadu waxay la tartamayaan waqtiga, sababtoo ah qudaartu waa badeeco si dhaqso leh u halaabaysa.

Marka gawaarida safaf dhaadheer lagu hayo saacado badan, waxaa darawallada lagu qasbaa inay bixiyaan lacag si loo sii daayo.

Waxaa la sheegaa in:

  • gaariga weyn laga qaato 10 dollar,
  • kan yarna 5 dollar.

Mararka qaar gawaarida waxaa lagu hayaa feelka saacado, iyadoo marmarsiinyo laga dhigto:

  • “gaari soo qaada eyga baarista ayaa cilad galay,”
  • “taayirka gaariga baarista ayaa banjaray,”

Laakiin xaqiiqadu waxay tahay in mararka qaar arrimahan loo adeegsado qorshe abaabulan oo lacag lagu urursanayo.

Askarta Soomaaliyeed waxaa loo tababaray inay shacabka u adeegaan, amniga ilaaliyaan, cadowgana ka difaacaan bulshada. Laakiin askari shacabka dhibaya, lacag ka qaadanaya masaakiinta iyo ganacsatada, wuxuu dhaawacayaa sumcadda ciidanka iyo kalsoonida dowladda.

Waxaa laga yaabaa in hal askari oo musuqmaasuq sameeya uu burburiyo dadaalka boqolaal askari oo daacad ah.

Dowladnimada Soomaaliyeed wali waa geed curdan ah oo koraya., laakiin haddii aan laga hortagin shaqsiyaadka musuqa ku dhex faafaya hay’adaha, waxay dhaawacayaan rajada shacabka.

Sidee Looga Hortagi Karaa?

Si dhibaatadaan loo xalliyo, waxaa muhiim ah:

  • in saraakiisha qaabilsan goobaha baarista lala xisaabtamo,
  • in la sameeyo kormeer joogto ah oo qarsoodi ah,
  • in askariga lagu qabto laaluush ciqaab adag la marsiiyo,
  • in la dhiirrigeliyo askarta daacadda ah,
  • lana siiyo abaalmarin iyo dalacsiin iyagoo lagu saleynayo aragtida shacabka.

Sidoo kale, askarta waa in la baro sida loola dhaqmo shacabka, maadaama amniga wanaagsan uusan ku imaan karin cabsi iyo dulmi, balse uu ku yimaado kalsooni iyo wada shaqeyn.

Waxaa sidoo kale muhiim ah in saraakiisha sare aysan ka seexan shaqada. Waxaa la sheegay in qaar kamid ah masuuliyiinta qaabilsan howlahan ay hurdada ka kacaan xilli dambe oo subaxnimo ah, taasoo keenta in askarta hoose ay helaan firaaqo ay ku sameeyaan falalkaan sharci darrada ah.

Masuuliyadda hoggaanka waa feejignaan joogto ah.

Gunaanad

Muqdisho maanta waxay ka wanaagsan tahay sidii hore. Waxaa muuqda horumar amni oo aan la dafiri karin, waxaana mudan in lagu bogaadiyo ciidamada, maamulka iyo shacabka Soomaaliyeed ee dadaalka wadajir ah sameeyay.

Laakiin guusha dhabta ah waxay imaneysaa marka la saxo khaladaadka harsan.

Askari laaluush qaata wuxuu dhaawacayaa sumcadda ciidanka. Sarkaal hurda wuxuu fursad siinayaa musuqa. Ganacsade la dulmiyayna wuxuu luminayaa kalsoonidii dowladnimo.

Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
Previous ArticleWhat Defines Somali Identity: Clan, Islam, or the Modern State?
Abdikarin Dahir
  • Website
  • X (Twitter)

𝗔𝗯𝗱𝗶𝗸𝗮𝗿𝗶𝗻 𝗗𝗮𝗵𝗶𝗿 is a Somali academic, writer, political analyst, and civic activist. Holding dual citizenship, he has served in multiple government institutions in Mogadishu. His work focuses on governance, public policy, and social development in Somalia.

Related Posts

Holding Ground or Losing It: A Data-Driven Look at Somalia's Security Leadership and the Fight Against Al-Shabaab

Holding Ground or Losing It: A Data-Driven Look at Somalia’s Security Leadership and the Fight Against Al-Shabaab

19 April 2026
Somalia Issues Strong Warning to Western Oil Companies Over Exploration Delay

Somalia Issues Strong Warning to Western Oil Companies Over Exploration Delay

17 April 2026
Somalia’s Quiet Reconstitution

Somalia’s Quiet Reconstitution

13 April 2026
Galmudug Tax Reform: How to Fairly Tax Foreign Companies and Non-Residents

Galmudug Tax Reform: How to Fairly Tax Foreign Companies and Non-Residents

11 April 2026
Leave A Reply Cancel Reply

Don't Miss
Somalia
Updated:12 May 20264 Mins Read

Muqdisho iyo Horumarka Amniga: Guulaha Jira iyo Musuqmaasuqa Qarsoon ee Baraha Kontoroollada

By Abdikarin Dahir12 May 202604 Mins Read

Waxaa miro dhalay dadaalladii lagu sugayay amniga caasimadda Muqdisho. Magaaladii mar lagu tilmaami jiray meel…

What Defines Somali Identity: Clan, Islam, or the Modern State?

5 May 2026
Holding Ground or Losing It: A Data-Driven Look at Somalia's Security Leadership and the Fight Against Al-Shabaab

Holding Ground or Losing It: A Data-Driven Look at Somalia’s Security Leadership and the Fight Against Al-Shabaab

19 April 2026
Somalia Issues Strong Warning to Western Oil Companies Over Exploration Delay

Somalia Issues Strong Warning to Western Oil Companies Over Exploration Delay

17 April 2026
Somalia’s Quiet Reconstitution

Somalia’s Quiet Reconstitution

13 April 2026
  • Facebook
  • Twitter
  • Pinterest
  • Instagram
  • YouTube
  • Vimeo
About Us
About Us

Qaran24 is is a reputable news website dedicated to providing accurate and timely information to its readers

Email Us: info@qaran24.com
Contact: +252-710000789

Facebook X (Twitter) Instagram YouTube TikTok
Titles
  • Authors
  • Awdal State
  • Business
  • Galmudug
  • Hirshabelle
  • legal opinion
  • News English
  • Opinion
  • Puntland
  • Somalia
  • Somaliland
  • SSC Khaatumo
  • Warka
Recent Post
  • Muqdisho iyo Horumarka Amniga: Guulaha Jira iyo Musuqmaasuqa Qarsoon ee Baraha Kontoroollada
  • What Defines Somali Identity: Clan, Islam, or the Modern State?
  • Holding Ground or Losing It: A Data-Driven Look at Somalia’s Security Leadership and the Fight Against Al-Shabaab
  • Somalia Issues Strong Warning to Western Oil Companies Over Exploration Delay
  • Somalia’s Quiet Reconstitution
X (Twitter)
  • Home
  • Warka
  • News English
  • Opinion
  • Business
  • Contact Us
  • About us
  • Authors
  • Privacy Policy
copyright @ 2024-2026. Qaran24. All rights reserved Designed by Abdikarin Dahir.

Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.