• About WordPress
    • WordPress.org
    • Documentation
    • Learn WordPress
    • Support
    • Feedback
  • Log in
  • AMP
    • View AMP version
  • Edit Home Page
Close Menu
Qaran24 News
  • Home
  • Warka
  • News English
  • Opinion
  • Business
  • Contact Us
  • About us
  • Authors
  • Privacy Policy
Categories
  • Authors
  • Awdal State
  • Business
  • Galmudug
  • Hirshabelle
  • legal opinion
  • News English
  • Opinion
  • Puntland
  • Somalia
  • Somaliland
  • SSC Khaatumo
  • Warka
X (Twitter) Facebook
X (Twitter)
Qaran24 News
  • Home
  • Warka
  • News English
  • Opinion
  • Business
  • Contact Us
  • About us
  • Authors
  • Privacy Policy
Tuesday, August 4
Qaran24 News
  • Home
  • Warka
  • News English
  • Opinion
  • Authors
  • About us
  • Contact Us
qaran24.com » Warka » Fowdadii Arbacadii: Xildhibaanno Ka Cabsan Hal Qof
Warka

Fowdadii Arbacadii: Xildhibaanno Ka Cabsan Hal Qof

Fowdadii Arbacadii: Sababta Dadka Soomaaliyeed u Dalbanayaan Hal Qof, Hal Cod
Abdullahi M Hassan (Abdullahi Yabarow)By Abdullahi M Hassan (Abdullahi Yabarow)3 May 2025No Comments3 Mins Read
Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
Fowdadii Arbacadii: Sababta Dadka Soomaaliyeed u Dalbanayaan Hal Qof, Hal Cod
Share
Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email
Fowdadii Arbacadii: Sababta Dadka Soomaaliyeed u Dalbanayaan Hal Qof, Hal Cod

Arbaco 30 Abriil 2025, waxaa Xarunta Golaha Shacabka ka dhacay fal laga xumaado oo wiiqay sumcadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Xildhibaano tiro yar oo mucaarad ah ayaa si ku talo gal ah u hor istaagay furitaanka kalfadhiga, iyagoo abuuray buuq, handadaad, iyo gacan ka hadal. Ficilkooda wuxuu keenay in la hakiyo hawlihii baarlamaanka, iyadoo fadhigii loo balansanaa gebi ahaanba xirmay.

Kooxdan xildhibaanada ah ayaa diiday in goluhu bilaabo howshiisa, iyagoo ujeeddadooda ugu weyn ay ahayd in la hor istaago horumar kasta oo ku wajahan doorasho toos ah. Waxaa lagu eedeeyay in ay yihiin dad si qarsoodi ah ula saftay siyaasiyiin hore u hayay xilal sare oo dowladeed, gaar ahaan Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Inkastoo si toos ah  ayaga aysan uga muuqan rabshadaha, haddana dad badan ayaa rumeysan in saameyntooda siyaasadeed ay door ku leedahay qalalaasaha taagan.

Inta badan xildhibaannadaan fowdada abuuray waxay xubinnimada baarlamaanka ku heleen hab aan xor iyo xalaal ahayn — iyagoo lacag ku bixiyay kursiga amase ku helay kursiga heshiisyo u dhexeeyay ayaga iyo Madaxda DGyada, odayaal dhaqameed iyo daneystayaal siyaasadeed. Waa kuwo aan taageero dadweyne ku iman, waana sababta ay uga baqayaan nidaamka hal qof, hal cod. Waxay si fiican u garanayaan in haddii shacabku si toos ah u codeeyo, aysan mar dambe noqon doonin Xildhibaan.

Dhibaato kale oo ay sababeen xildhibaanadaan ayaa ah in ay caqabad ku noqdeen doodda muhiimka ah ee baarlamaanka ka socotay, wax-ka-bedelka Dastuurka KMG ah, gaar ahaan Cutubka 5aad, kaas oo sal u ah dhismaha hay’adaha dowladda federaalka iyo nidaamka awood qeybsiga dalka. Dib-u-dhigista arrimahan waxay si toos ah u taabanayaan mustaqbalka dowlad-dhisidda Soomaaliya.

Dadweynaha Soomaaliyeed waxay arrintan ku tilmaameen masiibo siyaasadeed. Qof kasta oo daawanaayay muuqaalka muranka iyo dagaalka baarlamaanka dhexdiisa, wuxuu dareemay niyad jab. Waxaa laga filayay in aay  danta diinta, dadka iyo dalka ka shaqeeyaan, balse waxaa la arkay in aay dano gaar ah ka hormariyeen  maslaxadda qaranka.

Waxaa sii kordhaya cabsi ah in qalalaasaha siyaasadeed ee joogtada ah in ow u furo albaabka kooxaha xagjirka ah sida Al-Shabaab. Marka dowladdu u muuqato mid burbursan oo aan shacabku ku kalsoonayn, waxay abuurtaa fursad ay kooxahaasi ka faa’iideystaan si ay u sii wiiqaan hay’adaha dowladda.

Dadka Soomaaliyeed maanta wax badan bay fahmayaan. Codkooda waa la cabburiyay muddo dheer. Laakiinse hadda waxay si cad u dalbanayaan in la siiyo xuquuqdooda codbixineed. Waxay doonayaan in Xildhibaannada iyo Hoggaamiyaha dalka in aay noqdaan kuwo aay ayaga doorteen — si toos ah, xor iyo xalaal ah, si cadaalad ku dhisan.

Madaxweyne Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ballanqaaday in muddada xilhayntiisa uu ku hirgelin doono nidaamka doorasho toos ah. Inkasta oo mucaarad xooggan uu wajahaayo, haddana waxaa jira rajo iyo taageero shacabka ka timid. Dadka ayaa u arka in haddii fursaddaan la seego, dib loo noqonaayo.

Waa arrin cad in xildhibaannada si joogto ah u abuura qalalaase,  adeegsada fowdo iyo rabshado si ay u hor istaagaan horumarka, in aan loo oggolaan karin in ay sii ahaadaan wakiillo shacabka. Tani ma aha arrin siyaasadeed kaliya. Waamas’uuliyad qaran oo la dayacay.

Soomaaliya maanta waxay u baahan tahay isbeddel dhab ah. Waxaa la joogaa waqtigii shacabka la maqli lahaa. Hal qof, hal cod ma aha hadal la iska yiraahdo. Waa xaq, waa rabitaan shacab, waana jidka keliya ee loo mari karo nabad iyo dowladnimo waarta.

Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
Previous ArticleHumanitarian Aid in Somalia –
Next Article Somalia Sounds the Alarm
Abdullahi M Hassan (Abdullahi Yabarow)
  • X (Twitter)

Abdullahi M Hassan ( Abdullahi Yabarow), Legal Researcher, Co-founder and Director of the Federal Dialogue, the National Unity Programme, and the Legal Office at Mowlac Forum, a Somali-based research organisation. He holds a Master of Laws (LLM) and is a legal researcher, political scholar, and international legal advisor. His expertise includes public international law, human rights law, and federal dialogue processes, focusing on legal reform, governance, and state-building in post-conflict and transitional contexts. Abdullahi remains dedicated to advancing inclusive governance, legal development, and the rule of law through research, advocacy, and strategic legal counsel at national and international levels.

Related Posts

Ma Ra’yi Madax-bannaan Baa Mise Waa Jilaa Gudanaya Qandaraas? Runta Ka Dambaysa Hoodo Xayinimo facebook account!

Ma Ra’yi Madax-bannaan Baa Mise Waa Jilaa Gudanaya Qandaraas? Runta Ka Dambaysa Hoodo Xayinimo facebook account!

2 August 2026
Kampala Hal Weedh oo Dib u Kicisay Dareenka Waddaniyadeed ee Soomaalida

Kampala Hal Weedh oo Dib u Kicisay Dareenka Waddaniyadeed ee Soomaalida

1 August 2026
From Affordable Device to Security Threat: How Compromised Laptops Could Endanger Somalia

Laptop  Raqiis ah oo Noqon Kara Khatar Amn- Sida Laptop La Waxyeelleeyey uu Soomaaliya Halis u Gelin Karo

31 July 2026
Dagaalka Aan Rasaastu Ka Dhicin iyo Sida Maskaxda Soomaalida Loo Beegsanayo

Dagaalka Aan Rasaastu Ka Dhicin iyo Sida Maskaxda Soomaalida Loo Beegsanayo

29 July 2026
Leave A Reply Cancel Reply

Don't Miss
News English
2 Mins Read

UK Opens Applications for Chevening Scholarships for Somali Professionals

By Abdikarin Dahir4 August 202602 Mins Read

The United Kingdom has opened applications for its 2027/28 Chevening Scholarships, offering fully funded master’s…

Ma Ra’yi Madax-bannaan Baa Mise Waa Jilaa Gudanaya Qandaraas? Runta Ka Dambaysa Hoodo Xayinimo facebook account!

Ma Ra’yi Madax-bannaan Baa Mise Waa Jilaa Gudanaya Qandaraas? Runta Ka Dambaysa Hoodo Xayinimo facebook account!

2 August 2026
Kampala Hal Weedh oo Dib u Kicisay Dareenka Waddaniyadeed ee Soomaalida

Kampala Hal Weedh oo Dib u Kicisay Dareenka Waddaniyadeed ee Soomaalida

1 August 2026
Kampala The Sentence That Reawakened Somali National Pride

Kampala The Sentence That Reawakened Somali National Pride

1 August 2026
From Affordable Device to Security Threat: How Compromised Laptops Could Endanger Somalia

From Affordable Device to Security Threat: How Compromised Laptops Could Endanger Somalia

31 July 2026
  • Facebook
  • Twitter
  • Pinterest
  • Instagram
  • YouTube
  • Vimeo
About Us
About Us

Qaran24 is is a reputable news website dedicated to providing accurate and timely information to its readers

Email Us: info@qaran24.com
Contact: +252-710000789

Facebook X (Twitter) Instagram YouTube TikTok
Titles
  • Authors
  • Awdal State
  • Business
  • Galmudug
  • Hirshabelle
  • legal opinion
  • News English
  • Opinion
  • Puntland
  • Somalia
  • Somaliland
  • SSC Khaatumo
  • Warka
Recent Post
  • UK Opens Applications for Chevening Scholarships for Somali Professionals
  • Ma Ra’yi Madax-bannaan Baa Mise Waa Jilaa Gudanaya Qandaraas? Runta Ka Dambaysa Hoodo Xayinimo facebook account!
  • Kampala Hal Weedh oo Dib u Kicisay Dareenka Waddaniyadeed ee Soomaalida
  • Kampala The Sentence That Reawakened Somali National Pride
  • From Affordable Device to Security Threat: How Compromised Laptops Could Endanger Somalia
X (Twitter)
  • Home
  • Warka
  • News English
  • Opinion
  • Business
  • Contact Us
  • About us
  • Authors
  • Privacy Policy
copyright @ 2024-2026. Qaran24. All rights reserved Designed by Abdikarin Dahir.

Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.