Fowdadii Arbacadii: Sababta Dadka Soomaaliyeed u Dalbanayaan Hal Qof, Hal Cod
Arbaco 30 Abriil 2025, waxaa Xarunta Golaha Shacabka ka dhacay fal laga xumaado oo wiiqay sumcadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Xildhibaano tiro yar oo mucaarad ah ayaa si ku talo gal ah u hor istaagay furitaanka kalfadhiga, iyagoo abuuray buuq, handadaad, iyo gacan ka hadal. Ficilkooda wuxuu keenay in la hakiyo hawlihii baarlamaanka, iyadoo fadhigii loo balansanaa gebi ahaanba xirmay.
Kooxdan xildhibaanada ah ayaa diiday in goluhu bilaabo howshiisa, iyagoo ujeeddadooda ugu weyn ay ahayd in la hor istaago horumar kasta oo ku wajahan doorasho toos ah. Waxaa lagu eedeeyay in ay yihiin dad si qarsoodi ah ula saftay siyaasiyiin hore u hayay xilal sare oo dowladeed, gaar ahaan Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Inkastoo si toos ah ayaga aysan uga muuqan rabshadaha, haddana dad badan ayaa rumeysan in saameyntooda siyaasadeed ay door ku leedahay qalalaasaha taagan.
Inta badan xildhibaannadaan fowdada abuuray waxay xubinnimada baarlamaanka ku heleen hab aan xor iyo xalaal ahayn — iyagoo lacag ku bixiyay kursiga amase ku helay kursiga heshiisyo u dhexeeyay ayaga iyo Madaxda DGyada, odayaal dhaqameed iyo daneystayaal siyaasadeed. Waa kuwo aan taageero dadweyne ku iman, waana sababta ay uga baqayaan nidaamka hal qof, hal cod. Waxay si fiican u garanayaan in haddii shacabku si toos ah u codeeyo, aysan mar dambe noqon doonin Xildhibaan.
Dhibaato kale oo ay sababeen xildhibaanadaan ayaa ah in ay caqabad ku noqdeen doodda muhiimka ah ee baarlamaanka ka socotay, wax-ka-bedelka Dastuurka KMG ah, gaar ahaan Cutubka 5aad, kaas oo sal u ah dhismaha hay’adaha dowladda federaalka iyo nidaamka awood qeybsiga dalka. Dib-u-dhigista arrimahan waxay si toos ah u taabanayaan mustaqbalka dowlad-dhisidda Soomaaliya.
Dadweynaha Soomaaliyeed waxay arrintan ku tilmaameen masiibo siyaasadeed. Qof kasta oo daawanaayay muuqaalka muranka iyo dagaalka baarlamaanka dhexdiisa, wuxuu dareemay niyad jab. Waxaa laga filayay in aay danta diinta, dadka iyo dalka ka shaqeeyaan, balse waxaa la arkay in aay dano gaar ah ka hormariyeen maslaxadda qaranka.
Waxaa sii kordhaya cabsi ah in qalalaasaha siyaasadeed ee joogtada ah in ow u furo albaabka kooxaha xagjirka ah sida Al-Shabaab. Marka dowladdu u muuqato mid burbursan oo aan shacabku ku kalsoonayn, waxay abuurtaa fursad ay kooxahaasi ka faa’iideystaan si ay u sii wiiqaan hay’adaha dowladda.
Dadka Soomaaliyeed maanta wax badan bay fahmayaan. Codkooda waa la cabburiyay muddo dheer. Laakiinse hadda waxay si cad u dalbanayaan in la siiyo xuquuqdooda codbixineed. Waxay doonayaan in Xildhibaannada iyo Hoggaamiyaha dalka in aay noqdaan kuwo aay ayaga doorteen — si toos ah, xor iyo xalaal ah, si cadaalad ku dhisan.
Madaxweyne Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ballanqaaday in muddada xilhayntiisa uu ku hirgelin doono nidaamka doorasho toos ah. Inkasta oo mucaarad xooggan uu wajahaayo, haddana waxaa jira rajo iyo taageero shacabka ka timid. Dadka ayaa u arka in haddii fursaddaan la seego, dib loo noqonaayo.
Waa arrin cad in xildhibaannada si joogto ah u abuura qalalaase, adeegsada fowdo iyo rabshado si ay u hor istaagaan horumarka, in aan loo oggolaan karin in ay sii ahaadaan wakiillo shacabka. Tani ma aha arrin siyaasadeed kaliya. Waamas’uuliyad qaran oo la dayacay.
Soomaaliya maanta waxay u baahan tahay isbeddel dhab ah. Waxaa la joogaa waqtigii shacabka la maqli lahaa. Hal qof, hal cod ma aha hadal la iska yiraahdo. Waa xaq, waa rabitaan shacab, waana jidka keliya ee loo mari karo nabad iyo dowladnimo waarta.