Suuqyada caasimadda oo mashquul badan, ganacsatada iyo macaamiishu waxay ku tiirsan yihiin nidaam iyo jawi nabad ah si ay ganacsigooda ugu sii wataan. Laakiin adeegyadaasi ma suurtogayaan iyada oo aan la helin dhaqaale. Sidaas darteed Maamulka Gobolka Banaadir (BRA) ayaa qaaday talaabo muhiim ah oo ah ururinta canshuurta suuqa, tallaabo mudan taageero iyo bogaadin.
Inta badan Soomaaliya waxaa ka taagan dood ku saabsan cidda awood u leh canshuur ururinta iyo sida dakhliga loola wadaagayo dawladda dhexe iyo dawlad goboleedyada. Laakiin Muqdisho arrintu way ka cadahay: Banaadir waa maamulka dawliga ah ee magaalada ka shaqeeya. Laga soo bilaabo suuqa Bakaaraha, suuqaha yaryar ilaa Suuq Ba’ad, waa BRA oo kaliya maamusho oo ilaalisa suuqyada. Si ay u maalgeliso masuuliyadahaas, gobolka wuxuu xaq iyo waajib u leeyahay ururinta canshuurta suuqa.
Khubarada sharciga ayaa tilmaamaya in Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya iyo Sharciga Maamulka Degmooyinka iyo Gobollada (Sharciga No. 116, 2013) ay yihiin saldhig sharci oo xooggan. Labadan sharci waxay si cad u siinayaan degmooyinka iyo magaalooyinka awood ay ku ururiyaan dakhli u gaar ah oo loogu talagalay adeegyada bulshada, oo ay ku jiraan maaraynta iyo nidaaminta suuqyada.
Markii la weydiiyay sharciyadda arrintan, khabiirka sharciga Cabdullaahi Yabarow, LLM wuxuu yiri:
“Maamulka Gobolka Banaadir wuxuu leeyahay xaq buuxa oo uu ku ururin karo canshuuraha suuqyada, sida uu dhigayo sharciga Soomaaliya. Dastuurku wuxuu awood siinayaa dawladaha hoose inay maalgeliyaan adeegyada ay bixiyaan, suuqyaduna waa tusaalaha ugu cad ee masuuliyaddaas.”
Canshuurta iyo Horumarinta Magaalada Muqdisho
Fikradda ah in Muqdisho laga dhigo magaalo nadiif ah oo nidaamsan waa mid uu ballan qaaday Mudane Dr Xasan Maxamed Xuseen “Mungaab” markii uu xilka duqa magaalada qabtay. Wuxuu si cad u sheegay in Muqdisho loo baahan yahay in loo dhiso heer caalami ah, lana mid noqoto magaalooyinka nidaamka iyo nadaafadda ku caan baxay sida Kigali. Himiladaas laguma gaarayo haddii magaalada aysan haysan dhaqaale lagu fuliyo adeegyada muhiimka ah ee magaalooyinka. Canshuurta suuqa waa tallaabo dhab ah oo lagu xaqiijinayo ballanqaadkaas.
Waxaa muhiim ah in la fahmo in tani aysan ahayn “canshuur laba jeer la qaadayo” ama mid ka hor imaanaysa cashuurta iibka ee dowladda dhexe. Canshuurta suuqa waa khidmad adeeg, waxaana loogu talagalay in lagu taageero shaqada guud ee suuqyada. Qof kasta oo soo mara suuqyada Muqdisho wuu arki karaa baahida loo qabo nidaam iyo jawi hagaagsan. Haddii aan dhaqaale joogto ah la helin, maamulka wuxuu ku adkaan lahaa bixinta adeegyada aasaasiga ah.
Waxaa kale oo muhiim ah in Banaadir lagu xusuusto inuu yahay caasimadda Soomaaliya. Dastuurka KMG ah wuxuu si gaar ah u tilmaamay in caasimaddu heli doonto xaalad gaar ah oo sharci iyo siyaasadeed. Taasi waxay ka dhigan tahay in maamulka Banaadir aysan ku xirnayn qaabkii dawlad goboleedyada kale, balse ay leeyihiin masuuliyad gaar ah oo ku aaddan daryeelka iyo maaliyadda magaalada caasimadda. Sidaas darteed, ururinta canshuurta suuqa waa qayb ka mid ah xaqa iyo waajibaadka dawlad hoose oo gaar ah oo caasimadda ah.
Muqdisho kaligeed ma aha . Dalal badan oo Afrika ah sida Kigali, Nairobi, iyo Kampala dhammaantood waxay qaadaan canshuurta suuqyada si loo maalgeliyo nadaafadda, kala dambeynta iyo horumarinta kaabayaasha ganacsiga. Canshuurahaas waxaa loo arkaa arrin caadi ah oo lagama maarmaan u ah dhaqaalaha magaalooyinka Muqdisho, oo ah caasimadda Soomaaliya, lama filan karo inay ka maarmi karto nidaamkaas haddii loo baahan yahay adeegyo la taaban karo.
Dhab ahaantii, khibradda Muqdisho waxay noqon kartaa tusaale dalka intiisa kale. Marka Maamulka Gobolka Banaadir si masuuliyad leh u ururiyo oo u isticmaalo canshuurta suuqa, wuxuu caddeynayaa muhiimadda ay leedahay maaliyadda dawladaha hoose ee nidaamka federaalka Soomaaliya. Halka suuqyada ay horumar sameeyaan, magaalada ayaa kobcaysa. Marka magaalada korodho, dalka oo dhan ayaa ka faa’iidaysta.
Sanado badan dadka Muqdisho waxay wateen culayska amni darro iyo adeeg la’aan. Hadda, iyadoo la hirgelinayo canshuurta suuqa, Maamulka Gobolka Banaadir wuxuu muujinayaa inuu doonayo inuu si masuuliyad leh u maamulo, u helo dhaqaale adeegyo lagu fuliyo, isla markaana dib ugu soo celiyo sharafta magaalada caasimadda ah. Taageerada dadaalkan ma aha oo keliya canshuur ,waa dhismaha magaalo mudan in loo aqoonsado wadnaha Soomaaliya.