Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Jubaland
Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Jubaland ayaa saakay howlgalo ka wada deegaanada G/ Jubada hoose, Harboole iyo Weelmaro oo u dhow degmooyinka Afmadow iyo Xagar ee gobolka Jubada hoose.
Howlgalkan oo ah mid qorsheysan ayaa lagu baacsanayaa kooxda naf la caariga ah ee Argagixisada oo gabaad ka dhiganaysa degmooyin ka tirsan gobolada Jubooyinka balse howlgalkan waa mid ay Dowladu ku doonayso in todobaadkan ay ku qabato degmooyinka Xagar iyo Jamaame ayaa lagu yiri war ka soo baxay jubaland.
Saraakiisha hogaaminayso howlgalka kasocda waqooyiga Jubada hoose oo goor dhow la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in sidii loo qorsheeyay uu ku socdo howlgalka islamarkaana ay ciidamadu saacadaha soo socda gaari doonaan deegaano cusub oo muhiim ah.