Qaran24 | Somali News – latest Update in Somalia & Quick News

Muqdisho Waxaa ka furmay shir loogu hadlaayay dar-dargelinta Amniga Caasimadda.

Muqdisho Waxaa ka furmay shir loogu hadlaayay dar-dargelinta Amniga Caasimadda
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay shir loogu hadlaayay dar-dargelinta Amniga Caasimadda Muqdisho.
Shirkaan oo ay goobjoog ka ahaayeen Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Kusimaha Taliyaha Hey’adda NISA Mudane Muxiyadiin Warbac Shadoor, Taliyaha Booliska Gobolka Banadir ayaa warbixin la xariirta dhinaca Amniga loogu dhageystay Saraakiisha Hey’addaha kala gedisan ee Amniga, kuwaasi oo soo bandhigay isbadalada Amni ee ka jira Magaalada Muqdisho. .
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale ayaa ku amaanay Saraakiisha laamaha Amniga sida ay habeen iyo maalin ugu taagan yihiin ilaalinta nafta iyo maalka muwaadinka Soomaaliyeed, isagoona kula dar-daarmay in la xoojiyo amniga ay ku nool yihiin shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir.
Exit mobile version