Dowlada Fadaraalka Somaaliya ayaa ciidamo ka dajisay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Warar la helayo ayaa shaagaya Diyaarado kale oo ciidamo wada in maanta ilaa beri ay degi donaan.

Ciidamada Dowlada Somaliya ee Maanta gaarey Magaalada Ceelwaaq ayaa amaanka kala wareegi doono Ciidamada Kenya oo qeyb ka ah howlgalka ATMIS oo qaarkood horey uga baxay Magaalada inta kale si dhamaystiran ay dalkooda uga laaban donaan.

Ciidamada ATMIS ayaa bilooyinkii udanbeeyay ka baxay Qeybo badan oo kamid ah Gobolada dalka iyo dowlad goboleedyada iyadoona lafilayo dhamaadka sanadkaan gabi ahaanba ay faarujiyaan somaaliya.

Share.

𝗔𝗯𝗱𝗶𝗸𝗮𝗿𝗶𝗻 𝗗𝗮𝗵𝗶𝗿 is a Somali academic, writer, political analyst, and civic activist. Holding dual citizenship, he has served in multiple government institutions in Mogadishu. His work focuses on governance, public policy, and social development in Somalia.

Leave A Reply

Exit mobile version