Dowladda Soomaaliya ayaa markale sheegtay in aysan ogolaa doonin in ciidanka itoobiya ay ka sii mid ahaadaan howlagalka midowga africa

Soomaaliya ayaa golaha amaanka iyo Nabada ee midowga Africa u sheegtay in aysan ogolaa doonin in ciidanka Itoobiya ka sii mid noqdaan howlgalka midowga Africa ee Soomaaliya hadii aysan Adis Ababa ka bixin heshiiskii MoU-ga ee u dhexeeyay Abiy Ahmed iyo Muuse Biixi.

Itoobiya si ay dhankeeda cadaadis u saarto Soomaaliya waxa ay kordhisay ciidankeeda Jooga Soomaaliya gaar ahaan degmada Doollow ee gobolka Gedo. Bartamaha Soomaaliya degmada Matabaan waxaa lagu arkay ciidamo Itoobiyaan ah inkastoo bulshada deegaanka u diideen in ay gudaha u sii galaan deegaanada kale ee goboladda Hiiraan iyo Galgaduud.

Share.

𝗔𝗯𝗱𝗶𝗸𝗮𝗿𝗶𝗻 𝗗𝗮𝗵𝗶𝗿 is a Somali academic, writer, political analyst, and civic activist. Holding dual citizenship, he has served in multiple government institutions in Mogadishu. His work focuses on governance, public policy, and social development in Somalia.

Leave A Reply

Exit mobile version