Site icon Qaran24 | Somali News – latest Update in Somalia & Quick News

Dowladda Soomaliya oo dhisaysa Garoon diyaaradeed oo Casri ah.

Dowladda Somalia ayaa qorsheynaysa Dhisidda Garoon diyuuradeed oo caalami ah.

Wareysi uu bixiyay maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan ayaa shaaca ka qaaday qorshe Magaalada Muqdisho loogu dhisayo Garoon diyaaradeed oo cusub kaa soo qaabilsan duulimaadyada diyuuradaha ee imaanaya ama ka baxaya Muqdisho.

Maareeyaha ayaa ayaa xusay in  waqtiyada so socda magaalada muqdisho ay yeelan doonto garoon diyaaradeed kaa soo laga heli karo adeegyada ay u baahanyihii dhamaan nuucyada diyaaradaha u kala goosha gudaha iyo dibadda dalka.

Maareeyaha ayaa xusay in dhismaha garoonka diyaaaradaha oo laga hirgalin doono ceelmacaan kaa soo fududeyn doonto in laga baxo ciriiriga ka jira garoonka diyaaradaha aden added international airport.

Maareeyaha ayaa sidoo kale qiray in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu hirgalin doonto dhismaha garoonka diyaaradaha isagoo tilmaamay in la soo gabagabeeyay sahan socday muddo shan sano ah oo lagu ogaaday jawiga iyo badqabka garoonka ceelmacaan oo ah meel ku habboon adeegga diyuuradaha.

Madaxweynha Jamhuuriyadda Fedaralka somaliya Mudane Hassan Sheikh Mohamuud  ayaa lagu wadaa in uu dhagax dhigo dhisida  madaarakan cusub.

Exit mobile version