• About WordPress
    • WordPress.org
    • Documentation
    • Learn WordPress
    • Support
    • Feedback
  • Log in
  • AMP
    • View AMP version
  • Edit Home Page
Close Menu
  • Home
  • Warka
  • News English
  • Opinion
  • Business
  • Contact Us
  • About us
  • Authors
  • Privacy Policy
Categories
  • Authors
  • Awdal State
  • Business
  • Galmudug
  • Hirshabelle
  • legal opinion
  • News English
  • Opinion
  • Puntland
  • Somalia
  • Somaliland
  • SSC Khaatumo
  • Warka
Facebook X (Twitter) Instagram Threads
  • Home
  • Warka
  • News English
  • Opinion
  • Business
  • Contact Us
  • About us
  • Authors
  • Privacy Policy
Facebook X (Twitter) Instagram YouTube
Qaran24 | Somali News – latest Update in Somalia & Quick News
HOT TOPICS
  • Warka
  • Opinion
  • News English
qaran24.com » Warka » Fowdadii Arbacadii: Xildhibaanno Ka Cabsan Hal Qof
Fowdadii Arbacadii: Sababta Dadka Soomaaliyeed u Dalbanayaan Hal Qof, Hal Cod
Share
Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email
Fowdadii Arbacadii: Sababta Dadka Soomaaliyeed u Dalbanayaan Hal Qof, Hal Cod

Arbaco 30 Abriil 2025, waxaa Xarunta Golaha Shacabka ka dhacay fal laga xumaado oo wiiqay sumcadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Xildhibaano tiro yar oo mucaarad ah ayaa si ku talo gal ah u hor istaagay furitaanka kalfadhiga, iyagoo abuuray buuq, handadaad, iyo gacan ka hadal. Ficilkooda wuxuu keenay in la hakiyo hawlihii baarlamaanka, iyadoo fadhigii loo balansanaa gebi ahaanba xirmay.

Kooxdan xildhibaanada ah ayaa diiday in goluhu bilaabo howshiisa, iyagoo ujeeddadooda ugu weyn ay ahayd in la hor istaago horumar kasta oo ku wajahan doorasho toos ah. Waxaa lagu eedeeyay in ay yihiin dad si qarsoodi ah ula saftay siyaasiyiin hore u hayay xilal sare oo dowladeed, gaar ahaan Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Inkastoo si toos ah  ayaga aysan uga muuqan rabshadaha, haddana dad badan ayaa rumeysan in saameyntooda siyaasadeed ay door ku leedahay qalalaasaha taagan.

Inta badan xildhibaannadaan fowdada abuuray waxay xubinnimada baarlamaanka ku heleen hab aan xor iyo xalaal ahayn — iyagoo lacag ku bixiyay kursiga amase ku helay kursiga heshiisyo u dhexeeyay ayaga iyo Madaxda DGyada, odayaal dhaqameed iyo daneystayaal siyaasadeed. Waa kuwo aan taageero dadweyne ku iman, waana sababta ay uga baqayaan nidaamka hal qof, hal cod. Waxay si fiican u garanayaan in haddii shacabku si toos ah u codeeyo, aysan mar dambe noqon doonin Xildhibaan.

Dhibaato kale oo ay sababeen xildhibaanadaan ayaa ah in ay caqabad ku noqdeen doodda muhiimka ah ee baarlamaanka ka socotay, wax-ka-bedelka Dastuurka KMG ah, gaar ahaan Cutubka 5aad, kaas oo sal u ah dhismaha hay’adaha dowladda federaalka iyo nidaamka awood qeybsiga dalka. Dib-u-dhigista arrimahan waxay si toos ah u taabanayaan mustaqbalka dowlad-dhisidda Soomaaliya.

Dadweynaha Soomaaliyeed waxay arrintan ku tilmaameen masiibo siyaasadeed. Qof kasta oo daawanaayay muuqaalka muranka iyo dagaalka baarlamaanka dhexdiisa, wuxuu dareemay niyad jab. Waxaa laga filayay in aay  danta diinta, dadka iyo dalka ka shaqeeyaan, balse waxaa la arkay in aay dano gaar ah ka hormariyeen  maslaxadda qaranka.

Waxaa sii kordhaya cabsi ah in qalalaasaha siyaasadeed ee joogtada ah in ow u furo albaabka kooxaha xagjirka ah sida Al-Shabaab. Marka dowladdu u muuqato mid burbursan oo aan shacabku ku kalsoonayn, waxay abuurtaa fursad ay kooxahaasi ka faa’iideystaan si ay u sii wiiqaan hay’adaha dowladda.

Dadka Soomaaliyeed maanta wax badan bay fahmayaan. Codkooda waa la cabburiyay muddo dheer. Laakiinse hadda waxay si cad u dalbanayaan in la siiyo xuquuqdooda codbixineed. Waxay doonayaan in Xildhibaannada iyo Hoggaamiyaha dalka in aay noqdaan kuwo aay ayaga doorteen — si toos ah, xor iyo xalaal ah, si cadaalad ku dhisan.

Madaxweyne Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ballanqaaday in muddada xilhayntiisa uu ku hirgelin doono nidaamka doorasho toos ah. Inkasta oo mucaarad xooggan uu wajahaayo, haddana waxaa jira rajo iyo taageero shacabka ka timid. Dadka ayaa u arka in haddii fursaddaan la seego, dib loo noqonaayo.

Waa arrin cad in xildhibaannada si joogto ah u abuura qalalaase,  adeegsada fowdo iyo rabshado si ay u hor istaagaan horumarka, in aan loo oggolaan karin in ay sii ahaadaan wakiillo shacabka. Tani ma aha arrin siyaasadeed kaliya. Waamas’uuliyad qaran oo la dayacay.

Soomaaliya maanta waxay u baahan tahay isbeddel dhab ah. Waxaa la joogaa waqtigii shacabka la maqli lahaa. Hal qof, hal cod ma aha hadal la iska yiraahdo. Waa xaq, waa rabitaan shacab, waana jidka keliya ee loo mari karo nabad iyo dowladnimo waarta.

Follow on Google News Follow on Flipboard
Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link
Previous ArticleHumanitarian Aid in Somalia –
Next Article Somalia Sounds the Alarm
Abdullahi M Hassan (Abdullahi Yabarow)
  • X (Twitter)

Abdullahi M Hassan ( Abdullahi Yabarow), Legal Researcher, Co-founder and Director of the Federal Dialogue, the National Unity Programme, and the Legal Office at Mowlac Forum, a Somali-based research organisation. He holds a Master of Laws (LLM) and is a legal researcher, political scholar, and international legal advisor. His expertise includes public international law, human rights law, and federal dialogue processes, focusing on legal reform, governance, and state-building in post-conflict and transitional contexts. Abdullahi remains dedicated to advancing inclusive governance, legal development, and the rule of law through research, advocacy, and strategic legal counsel at national and international levels.

Related Posts

BAASABOORKA DIBLOMAASIGA SOOMAALIYA HALIS AYAA KU JIRA — HAY’ADDA SOCDAALKA OO LOOGA DIGAY FARAGELIN SHARCI-DARRO AH

16 October 2025

Seventeen Years of Silence: The Forgotten People of Jubaland

11 October 2025

Shirkii Nairobi iyo War-saxaafadeedkiisa: Sharci-darro oo Khatar ku ah Midnimada Soomaaliya

3 October 2025
Leave A Reply Cancel Reply

Don't Miss
Somalia

ICG’s Blindfolded View of a Rising Somalia

Osman Omar18 October 2025

The latest report from the International Crisis Group reads less like research and more like…

BAASABOORKA DIBLOMAASIGA SOOMAALIYA HALIS AYAA KU JIRA — HAY’ADDA SOCDAALKA OO LOOGA DIGAY FARAGELIN SHARCI-DARRO AH

When Security Becomes a Political Weapon

No Money, No Representation: Advocate Yabarow

Seventeen Years of Silence: The Forgotten People of Jubaland

  • Facebook
  • Twitter
  • Pinterest
  • Instagram
  • YouTube
  • Vimeo
About Us
About Us

Qaran24 is is a reputable news website dedicated to providing accurate and timely information to its readers

Email Us: info@qaran24.com
Contact: +252-710000789

Facebook X (Twitter) Instagram YouTube TikTok
Titles
  • Authors
  • Awdal State
  • Business
  • Galmudug
  • Hirshabelle
  • legal opinion
  • News English
  • Opinion
  • Puntland
  • Somalia
  • Somaliland
  • SSC Khaatumo
  • Warka
Recent Post
  • ICG’s Blindfolded View of a Rising Somalia
  • BAASABOORKA DIBLOMAASIGA SOOMAALIYA HALIS AYAA KU JIRA — HAY’ADDA SOCDAALKA OO LOOGA DIGAY FARAGELIN SHARCI-DARRO AH
  • When Security Becomes a Political Weapon
  • No Money, No Representation: Advocate Yabarow
  • Seventeen Years of Silence: The Forgotten People of Jubaland

Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.