Madaxwayne hassan ayaa gaaray Tuulada Wargaadhi ee Gobolka Shabeelada dhexe. oo ah Saldhigga Mellitari ee ugu wayn Gobolka Shabeelada dhexe ee Ciidanka Xogga Dalka.
sidoo kale Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh ayaa 33 sano kadib maanta diyaarad dagaal oo ay leedahay Soomaaliya isla markaana uu wado Sarkaal Baylood ah kana tirsan Ciidanka Cirka XDS laguna Magacaabo Pilot Captan Maxamed Xaashi ku tagay Magaalada wargaadhi ee Gobolka Shabeellaha dhexe.
Safarka Madaxweynaha JFS Mudane Hassan Sheikh Mohamud ee Wargaadhi ku gaaray waxuu salka ku haayaa dib in loo bilaabo Dardar galinta Dagaalka Wajiga 2aad ee ka dhanka ah AS.
War ka soo Baxay Wasaarada Warfaafinta ayaa lagu Yidhi” Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow gaaray magaalada Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo uu kulamo gaar ah kula leeyahay saraakiisha CXD ee dagaalka kula jira Khawaarijta.
Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in aysan jirin wax wadahadal ah oo ay dowladdu kula jirto AS.